Somali Business Journal

Waa mxay CPI

Waa maxay Tusmada Qiimaha Macaamiisha(CPI) Consumer Price Index waa cabbir lagu ogaado isbeddelka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada ay macaamiishu  iibsadaan bil kasta.(CPI) waxa isticmaala dowlad kasta hadaba an tusaale usoo qaadano dowlada maraykanka[1]

Xafiiska Tirakoobka Shaqaalaha (BLS)  ee dalka maraykanka ayaa xisaabiya CPI-da iyagoo fiirinaya qiimaha badeecadaha  iyo adeegyada kala duwan sida :

  • cuntada
  • dharka
  • kirada
  • gaadiidka
  • daryeelka caafimaadka.

Tusaale:

Waa-maxay-CP

Haddii xirmo bur ah oo sanadkii hore ahayd $3.00 ay sanadkan noqoto $3.50, waxay ka dhigan tahay qiimihii burka in uu kordhay 16.6%. Haddii badeecado  badan ay  kor u kacaan, waxa ay tilmaan  u tahay sicir-barar.

Sida Xogta Loo Ururiyo

Xafiiska (BLS) wuxuu bil kasta ururiyaa qiimaha ku dhowaad 80,000 oo badeecooyin iyo adeegyo. Waxay ka soo qaadaan dukaamada,iyo  meelaha adeegyada laga helo

  • Dukaamada → Qiimaha cuntada, dharka, alaabta korontada, iwm.
  • Goobaha adeegyada → Sida timo jarista iyo qurxinta, taksi, iwm.
  • Guryaha la kireeyo → kiraynta  guryaha kala duwan.
  • caafimaadka  → Qiimaha adeegyada caafimaadka

Xogtan waxay dabooshaa 93% dadka Mareykanka. Waxaa la xisaabiyaa qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada caadiga ah, laakiin maalgashiyada sida saamiyada ama caymisyada lama xisaabiyo.

Tusaale:

Haddii qiimaha tigidhada baska ay kordhan $1.50 ilaa $2.00, BLS way  xisaabinaysaa, laakiin haddii qiimaha saamiyada shirkaddaha sida Apple uu kordho, lama xisaabinayo.

Sidee CPI u Shaqeeyaa?

CPI-du waxay  xisaabisaa isbeddelada qiimaha iyadoo la tixgelinayo:

  • Bedelka Macaamiisha → Haddii hilibka lo’da qaali noqdo, dadku waxay u wareegaan hilibka digaagga. Marka CPI-du waxay tixgelisaa sida dadku u beddelaan doorashadooda.
  • Kharashaadka Miisaanka → BLS waxa ay fiirisaa inta lacag ee macaamiishu ay badana ku bixiyaan badeecooyinka kala duwan si loo helo tiro sax ah.

Tusaale:

Haddii dad badani isticmaalaan shidaalka, sicir-bararka shidaalka wuxuu saameyn badan ku yeelanayaa CPI-da. Laakiin haddii qiimaha qalabka farsamada sida kombuyuutarada kor u kaco, maadaama dad yar ay iibsadaan sannad walba, saamayntiisu ma badnaan doonto.

CPI iyo Sicir-bararka

tusmada Qiimaha Macaamiisha (CPI) waa cabbir lagu go’aamiyo sicir-bararka (qiimaha kordhaya) ama sicir-dhimista (qiimaha hoos u dhacaya). Waxaa loo adeegsadaa in lagu qiimeeyo dhaqaalaha guud iyo kor u kaca kharashaadka nolosha.

BLS wuxuu sidoo kale fiiriyaa qiimaha kirada guryaha, iyadoo la adeegsanayo xog laga soo ururiyo 50,000 guri si loo go’aamiyo sida qiimaha guryaha iyo kiradu u saameeyeen kharashaadka macaamiisha.

Tusaale:

Haddii kirada guri hal sano ka hor uu ahaa $1,000 bishii, laakiin hada uu noqday   $1,200, taasi waxay muujinaysaa in kharashaadka nolosha uu sare u kacay.

Noocyada Tusmada Qiimaha Macaamiisha (CPI)

Xafiiska Tirakoobka Shaqaalaha (BLS) wuxuu bishiiba daabacaa laba nooc oo tusmada qiimaha macaamiisha ah:

1. Tusmada Qiimaha Macaamiisha ee Dhammaan Macaamiisha Magaalooyinka (CPI-U)

CPI-U waa nooca ugu caansan ee CPI, waxayna matashaa 93% dadka Mareykanka ee ku nool magaalooyinka.

CPI-U ma daboosho dadka ku nool:

  • Goobaha miyiga fog.
  • Beeraleyda iyo dadka ku nool guryaha beeraha ku dhex yaala .
  • Xarumaha dawlada sida xabsiyada iyo isbitaallada milatariga.

Tusaale:

Marka la maqlo wararka dhaqaalaha oo sheegaya in CPI du kor u kacday, inta badan waxaa loola jeedaa CPI-U, maadaama ay saamayn wayn ku leedahay suuqyada maaliyadeed iyo go’aannada dowladda.

2. Tusmada Qiimaha Macaamiisha ee Shaqaalaha Mushaharka Saacadlaha ah Qaata (CPI-W)

CPI-W waa nooc kale oo ah CPI, waxayna matashaa 29% dadka Mareykanka ,

kuwaas oo mushaharkooda ka hela shaqooyinka saacadlaha ah ama shaqooyin xafiisyada

CPI-W waxaa si gaar ah loogu isticmaalaa:

  • In lagu kordhiyo lacagaha hawlgabka (Social Security) si loola jaanqaado qiimaha nolosha.
  • In lagu hagaajiyo gunnooyinka dowladda iyo lacagaha gunooyinka shaqaalaha.
  • In isbeddel lagu sameeyo canshuuraha dakhliga si dadka aysan canshuur sare ugu bixin sicir-bararka awgii.

Tusaale: Haddii sicir-bararku kor u kaco, dowladdu waxay isticmaashaa CPI-W si ay sare ugu qaaddo lacagaha ay helaan dadka hawlgabka ah (Social Security) si aysan u lumin awooddooda wax iibsiga.

Qaacidada Xisaabinta CPI-U

CPI-U waxaa lagu xisaabiyaa laba qaacido oo waaweyn:

1️⃣ Xisaabinta qiimaha hadda ee  badeecoyinka (basket of goods)

2️⃣ Xisaabinta isbeddelka sannadlaha ah (year-over-year change, YOY)

1. Sida CPI-U Loo Xisaabiyo

Xafiiska BLS wuxuu cabbiraa CPI-da sannadlaha ah isagoo isbarbardhigaya qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadda hadda iyo qiimahoodii sanadkii hore

Qaacidada:

CPI Formula

CPI Sanadlaha ah = Qiimaha Badeecooyinka ee Sanadkan Qiimaha Badeecooyinka ee Sanadkii Hore × 100

Tusaale:

Haddii qiimaha guud ee salada badeecooyinka ee 2024 ay tahay $1100, halka sanadkii hore (2023) ay ahayd $1000, waxaan u xisaabineynaa sidatan:

Tani waxay muujineysaa in CPI-du sannadkan tahay 110, taasoo macnaheedu tahay in qiimihii badeecooyika iyo adeegyadu kor u kaceen 10% marka loo eego sanadkii hore.

Saladda Badeecoyinka iyo Adeegyada

  • Qiimaha cuntooyinka
  • Kirada guryaha
  • Gaadiidka iyo shidaalka
  • Daryeelka caafimaadka
  • Korontada iyo biyaha

Miisaanka badeeco kasta waxaa lagu saleeyaa inta badan intee in leeg ayay laiibsadaa. Tusaale ahaan, cuntada iyo kiradu waxay leeyihiin miisaan sare, halka qalabka guryaha uu leeyahay miisaan yar.

2. Sida Loo Xisaabiyo Sicir-Bararka (Inflation Rate)

Marka CPI la xisaabinayo,

waxay adeegsataa xogtan si loo go’aamiyo heerka sicir-bararka.

Qaacidada:

Sicir Bararka

Sicir-Bararka = CPI Cusub – CPI Hore
CPI Hore
× 100

Tusaale:

Haddii CPI-da 2023 ay ahayd 100, halka CPI-da 2024 ay tahay  110, waxaan xisaabineynaa:

Natiijada: Sicir-bararku waa 10%, taasoo muujineysa in qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadu ay sare u kaceen 10% markii loo barbardhigo sanadkii hore.

Sicir-bararka waxaa loo xisaabin karaa:

  • Bil kasta → Tusaale, sicir-bararka bishii Janaayo 2024 marka loo eego Janaayo 2023.
  • Sanad kasta → Sida tusaalaha kor ku xusan oo kale.

Xusuusin: Sicir-bararka badanaa waa tiro togan (positive), taasoo muujineysa in qiimaha badeecooyinka ay kordheen. Haddii tirooyinku noqdaan tiro taban (negative), taas macnaheedu waa sicir-dhimis (deflation).

Qaybaha CPI (Consumer Price Index)

Marka Xafiiska Tirakoobka Shaqaalaha (BLS) uu bishii daabaco CPI, waxaa lagu billaabaa:

  • Isbeddelka guud ee CPI-U marka loo eego bishii hore.
  • Isbeddelka sannadlaha ah (year-over-year).
  • Qaybaha muhiimka ah ee qiimahoodu is beddelay.

CPI waxa uu qiimeeyaa badeecooyinka iyo adeegyada kala duwan, wuxuuna u kala saaraa 8 qaybood oo waaweyn. Qaybaha hoos yimaada (subcategories) waxay daboolayaan wax walba laga bilaabo qiimaha yaanyada iyo khudaarta ilaa dayactirka baabuurta iyo tigidhada ciyaaraha.

Tusaale:

  • Haddii qiimaha hilibka digaagga uu kordho 5%, halka qiimaha rootigu uu hoos u dhaco 2%, xogta CPI waxay muujinaysaa isbeddelka guud ee qiimaha cuntada.

CPI iyo Gobollada Mareykanka

Xafiiska BLS wuxuu kaloo daabacaa xogta CPI ee gobollada iyo magaalooyinka waaweyn.

Maxay taasi muhiim u tahay?

  • Magaalooyinka iyo gobolladu waxay kala leeyihiin sicir-barar kala duwan.
  • Magaalooyinka waaweyn sida New York ama Los Angeles, qiimaha nolosha way ka sarreeyaa magaalooyinka yar yar.
  • Xogtan waxaa badanaa loo adeegsadaa in lagu fahmo sida xaaladaha maxalliga ah u saameeyaan qiimaha badeecadaha iyo adeegyada.

Tusaale: Haddii kirada guryaha ee San Francisco ay korodho 8% sanadkan, halka kirada Dallas ay kordhay 3%, tani waxay muujinaysaa in sicir-bararku uu si kala duwan u saameeyay  gobollo kala duwan.

Miisaanka Qaybaha Kala Duwan ee CPI

CPI waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo loo eegayo sida macaamiisha Mareykanka ay u kala bixiyaan kharashaadkooda.

Miisaanka CPI

Miisaanka Qaybaha Badeecooyinka ee CPI

Qaybta Miisaanka (%)
Cunto 13.69%
Tamarta (shidaalka, korontada, iwm.) 6.22%
Dhammaan badeecadaha kale (Guryo, gaadiid, caafimaad, iwm.) 80.9%
Wadarta Guud 100%

Maxay tani ka dhigan tahay?

  • Cunto (13.69%) → Qiimaha cuntada waxay si wayn u saameeysaa CPI,da
  • Badeecadaha kale (80.9%) → Tani waa qaybta ugu wayn, waxayna ku jira kirada guryaha, daryeelka caafimaadka, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Tusaale:

Haddii qiimaha cuntada ay  kor u kacdo 10%, halka tamarta ay hoos u dhacday 5%, saameynta guud ee CPI ma noqonayso isku mid, maadaama cuntadu ay miisaan sare leedahay marka loo eego tamarta

Isticmaalka CPI (Consumer Price Index)

CPI waa mid si ballaaran loo isticmaalo si loo fahmo sicir-bararka, waxaana adeegsada:

  • Suuqyada Maaliyadeed → Maal-gashadayaashu waxay ka helaan xog muhiim ah oo ay go,an ku qaatan .
  • Federal Reserve → Waxay ku salaysaa siyaasaddeeda lacageed (monetary policy).
  • Ganacsatada iyo Macaamiisha → Waxay go’aanno dhaqaale ku saleyaan CPI.
  • Shaqaalaha iyo Ururrada Shaqaalaha → Waxay u isticmaalaan xisaabinta mushahar kordhinta.

1. Federal Reserve iyo Siyaasadda Dhaqaaleed

💰 Fed waxay ku tiirsan tahay CPI si ay u go’aamiso dhaqaalaha:

  • Hadafka Sicir-Bararka → Fed waxay rabtaa sicir-bararku inuu noqdo 2%.
  • Haddii dhaqaaluhu gaabiyo → Fed waxay samayn kartaa siyaasad fidin ah (expansionary policy) si dhaqaalaha loo xoojiyo.
  • Haddii sicir-bararku aad u sarreeyo → Fed waxay samayn kartaa siyaasad adkayn ah (contractionary policy) si sicir-bararka loo xakameeyo.

Tusaale: Haddii CPI du  aad u korodho, Fed waxay kor u qaadi kartaa heerka dulsaarka (interest rates), taasoo ka dhigaysa in amaahdu ay adkaato, si macaamiishu u yareeyaan kharashaadkooda.

2. Saamaynta CPI ee Nolosha Maalinlaha ah

Mushaharka iyo Qiimaha Nolosha (Cost of Living Adjustments)

  • Ku dhowaad 70 milyan oo Maraykan ah waxay ka helaan faa’iidooyin barnaamijyada Social Security iyo Supplemental Security Income (SSI).
  • Dawladdu waxay u isticmaashaa CPI in lagu kordhiyo lacagaha la siiyo si ay ula jaanqaadaan sicir-bararka.
  • Waxa kale oo ay saamayn ku leedahay gunnooyinka shaqaalaha dawladda, deeqaha qadooyinka iskuullada, iyo xataa cashuuraha.

Guryaha iyo Kiraynta:

  • Haddii CPI du korodho, sicirka dulsaarka guryaha (mortgage rates) isna kor ayuu ukacaa Kireeyayaashu waxay adeegsan karaan CPI si ay u go’aamiyaan qiimaha kororka kirada sannadlaha ah.

Suuqyada Maaliyadeed:

  • Qiimaha saamiyada (stocks) iyo xitaa suuqyada daynta (bonds) waxay si toos ah ula falgalaan isbeddelka CPI.
  • Haddii CPI uu sare u kaco, siyaasadda dowladdu waxay noqon kartaa mid adag, taasoo keeni karta in deymaha la adkeeyo.

Shaqada iyo Mushaharka:

  • Shaqaaluhu waxay adeegsan karaan CPI marka ay mushahar kordhin dalbanayaan.
  • Ururrada shaqaalaha waxay heshiisyadooda ku saleeyan isbeddelada CPI si mushahar kordhinta ay ula jaanqaado sicir-bararka.

Tusaale:

Haddii CPI ay muujiso in sicir-bararku yahay 5%, shaqaaluhu waxay dalban  karaan mushahar kordhin si aysan u lumin awooddooda wax iibsiga.

CPI iyo Heerka Shaqo La’aanta

Xiriirka u dhexeeya CPI iyo Shaqo La’aanta

CPI iyo heerka shaqo la’aantu badanaa waxay leeyihiin xiriir iska soo horjeeda (inverse relationship). Marka mid kordho, midka kale wuu yaraan karaa.

Fed waxa ay isku daydaa in ay yareyso mid iyada oo midda kale dheellitireysa.

  • Tusaale: Intii lagu jiray COVID-19, Fed waxay qaaday tallaabooyin dhaqaale oo waawayn si ay u badbaadiso dhaqaalaha.
  • Natiijada: Suuqa shaqadu way adkaatay, heerarka shaqo la’aantuna wuxu kusoo laabtay heerarkii hore (March 2022).
  • Dhibaatada kale: Dhaqaale-xoojinta Fed waxay keentay sicir-bararkii ugu sarreeyey tobannaan sano (CPI kor ayuu u kacay.

Haddii Fed isku daydo in ay hoos u dhigto CPI, waxay u badan tahay in sicirka dulsaarka la kordhiyo, taasoo keeni karta in shirkado badani shaqaale dhimaan, taasoo sare u qaadaysa shaqo la’aanta.

Ciladaha iyo Dhaliilaha CPI

CPI, du ma matesho  dhammaan dadka si siman

CPI-U waxay diiradda saartaa magaalooyinka, taasoo la micno ah in dadka tuulooyinka iyo miyiga kunool laga yaabo in aan si sax ah loo matalin.

Saamaynta kala duwan ee sicir-bararka:

  • Qiimaha waxbarashadu way kici karaa, taasoo si gaar ah u saamayn karta dhalinyarada ardayda ah.
  • Qiimaha daryeelka dadka da’da ah wuu kici karaa, taasoo si gaar ah u saameyn karta waayeelka.
  • Dadka dakhligoodu hooseeyo waxay si weyn u dareemaan kororka qiimaha cuntada iyo kirada guryaha, halka dadka dakhligoodu badan yahay ay wax yar dareemi karaan.

Tusaale:

  • Qoys dakhligoodu sarreeyo ma dareemi doono koror 10% ah oo ku yimid qiimaha rootiga, balse qoys dakhligoodu hooseeyo wuxuu dareemi doonaa saamayn culus.

1. Waa maxay CPI?
CPI waa cabbir lagu ogaado sida qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadu u kacaan ama u dhacaan.

2. Yaa xisaabiya CPI?
→ Xafiiska Tirakoobka Shaqaalaha Maraykanka (BLS) ayaa xisabiya CPI.

3. Maxaa loo adeegsadaa CPI?
→ Waxaa loo adeegsadaa:

  • In lagu cabbiro sicir-bararka
  • In la gu’aamiyo mushahar kordhinta
  • In lagu qorsheeyo siyaasadaha lacagta (monetary policy)

4. Maxay tahay farqiga u dhexeeya CPI-U iyo CPI-W?

  • CPI-U: Dadka magaalooyinka ku nool (93%)
  • CPI-W: Dadka mushaharka saacadlaha ah qaata (29%)

Gunaanad:

Tusmada Qiimaha Macaamiisha (CPI) waa cabbir muhiim ah oo muujiya sida qiimaha noloshu isku bedesho . Waxay saameyn ku leedahay mushaharka, kirada, kharashaadka maalinlaha ah, iyo siyaasadda lacagta dalka.

Marka CPI kor u kaco, waxaa kordhaya qiimaha badeecooyinka aad iibsan jirtay  taasoo si toos ah u taabanaysa noloshaada maalinlaha ah.

CTA 

Ma rabtaa inaad si fudud u fahanto dhaqaalaha kugu xeeran?

Nalasoco si aad ula jaanqaaddo isbeddelka qiimaha nolosha!
  Waxbarasho. Wacyigelin. Dhaqaale furan.

Ma rabtaa in aad si joogto ah ula socoto isbeddelada Tusmada Qiimaha Macaamiisha (CPI) ee Soomaaliya?
➡️ Booqo NBS – Tusmada CPI -da Somalia: Isbeddelada Qiimaha

2 thoughts on “Waa mxay CPI”

  1. Pingback: Tusmada Qiimaha Soosaarayaasha (PPI)? -

  2. Pingback: Hay'adda Lacagta Dunida (IMF) - Somali Business Journal

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top