Waa Maxay Tariff (Canshuurta Ganacsiga Dibadda) Maxay Muhiim U Tahay?
Dalka kastaa ma laha dhammaan khayraadka dabiiciga ah ama awoodda uu ku soo saari karo badeecooyinka iyo adeegyada dadkiisu u baahan yihiin.

Tusaale
ahaan, waddan laga yaabo inuusan lahayn saliid ama dalagyo gaar ah, ama aysan jirin warshado samayn kara qalabka casriga ah.
Sidaas darteed, waddamadu waxay ganacsi la sameeyaan waddamo kale si ay u helaan:
- Waxyaabaha ay dadkoodu rabaan ama u baahan yihiin, kuwaasoo aysan iyagu soo saari karin.
- Ama sida Badeecooyinka laga helo meelo kale oo tayadoodu wanaagsan tahay ama qiimahoodu hooseeyo.
Mararka qaar suuqu waxa uu noqda mid adaag , tasoo ay sababaan
- Siyaasadda waddamada oo kala duwan ,
- arrimaha juquraafi-siyaasadeed (geopolitics),
- tartanka suuqa
iyo arrimo kale oo badan ayaa keeni kara in xiriirka ganacsi uu noqdo mid adag.
Mid ka mid ah siyaabaha dawladuhu uga jawaabaan khilaafka ganacsi waa iyagoo soo roga tariff. Tariff : waa canshuur ay dawladi saarto badeecooyinka iyo adeegyada ay waddan kale ka soo dhoofsato si ay saameyn ugu yeelato waddankaas, ama ay lacag uga soo xarayso, ama ay u ilaaliso tartanka ganacsiga gudaha ee dalka.[1]
Fahamka Tariffs-ka
Tariff-yadu waxay xaddidaan badeecooyinka waxay sido kale kordhiyaan qiimaha badeecadaha ama adeegyada laga keeno waddan kale, taas oo dadka gudaha kunool ka dhigaysa in aysan xiiseyn badeecadaha wadanka dibadisa laga keeno .
Tusaale: haddii maraykanku saaro tariff ku saabsan dharka laga keeno Shiinaha, qiimaha dharkaasi qaali ayuu noqonaya marka uu suuqa Maraykanka yimaado. Sidaa darteed, dadka Maraykanku waxay dooran karaan inay iibsadaan dharka gudaha dalka lagu sameeyo oo jaban.
Waxaa muhiim ah in la fahmo in tariff-ku uu saameeyo waddanka wax dhoofinaya (exporting country)
Tusaale:
Haddii badeeco laga soo dhoofiyo Faransiiska lagu soo rogo tariff 10%, badeecadaas waxay noqon doontaa mid qaali ah oo loo baahan yahay in dadka iibsanaya ay bixin doonaan 10% dheeraad ah,taasoo keeni karta in iibsashadeedu yaraato.
Noocyada Tariff-yada
Waxaa jira laba nooc oo waaweyn:
- Tariff gaar ah (Specific Tariff): Waa canshuur go’an oo ku saleysan nooca sahayda. Tusaale: $500 oo la saaro baabuur kasta oo laga keeno dibadda.
- Tariff ku saleysan qiimaha (Ad-valorem Tariff): Waa boqolley laga jarayo qiimaha badeecadda. Tusaale: 5% canshuur ah oo laga qaado qiimaha badeeco kasta oo laga keeno dibada .
Maxay Dawladuhu U Soo Rogaayaan Tariffs?
Dawladahu waxay canshuurahan u adeegsadaan sababo dhowr ah:
- Si ay lacag u helaan (revenue). Tusaale: Dawladdu waxay isticmaashaa canshuurta badeecadaha dibadda laga keeno si ay kharashaadkeeda u daboosho.
- Si ay u ilaaliyaan warshadaha gudaha. Tusaale: Haddii la rabo in warshadda sonkorta ee gudaha laga ilaaliyo sonkorta dibadda laga keeno oo jaban, waxaa la saaraa tariff si dadku u doortaan tan gudaha.
- Si ay u ilaaliyaan macaamiisha gudaha. Tusaale: Haddii badeecooyin khatar ah ay ka imaanayaan dibadda, dawladdu waxay ku dari kartaa tariff si dadku uga fogaadaan.
- Si ay u ilaaliyaan danaha qaran. Tusaale: Haddii waddan cadaw yahay ama siyaasad xumo ka jirto, dawladdu waxay xadidi kartaa badeecooyinka ka imanaya halkaas.
Soo Saaridda Dakhliga (Raising Revenue)
Tariff-yada waxaa sidoo kale loo isticmaalaa in dawladuhu ay dakhliga kororsadaan. Marka canshuuraha loo adeegsado si dakhli loo helo, waxaa lagu magacaabaa revenue tariff. Canshuurahani maaha kuwo lagu doonayo in la xakameeyo badeecooyinka dibadda laga keeno, balse waa kuwo loo isticmaalo in lacag lagu ururiyo.
Tusaale ahaan: sanadihii 2018 iyo 2019, madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo xukuumaddiisi xiligaas waxay saareen canshuurro badan oo lagu doonayey in lagu yareeyo khasaaraha ganacsiga ee Maraykanku kala kulmayo dalalka kale (trade deficit).
- Sanadkii 2018, Maraykanku wuxuu ka helay $41.6 bilyan oo ah dakhliga canshuuraha kastamka.
- Sanadka 2019, dakhligaasi wuxuu kor u kacay ilaa $71.9 bilyan.
Waxaa la arki karaa in tariff-yadu ay noqonkaran il wayn oo dakhli u ah dowladdaha.
Ilaalinta Warshadaha Gudaha (Protecting Domestic Industries)
Dowladuhu waxay u isticmaali karaan tariff-yada si ay u ilaaliyaan ama u taageeraan warshadaha gaar ah ee gudaha dalka ku yaal. Tani waxay badanaa gacan ka gaysata sugidda shaqooyinka iyo taageeridda shirkadaha maxalliga ah.
Tusaale: bishii Abriil 2018, Madaxaynaha dalka maraykanka Trump wuxuu saaray 25% ad valorem tariff (canshuur ku saleysan qiimaha) oo lagu soo rogay biraha laga keeno dal kasta, marka laga reebo Canada iyo Mexico.
Markii dambe, bishi Maarso 2022, Madaxweynihi kadanbeeyay Joe Biden wuxuu beddelay canshuurtii biraha ee ka imanayay Boqortooyada Ingiriiska (U.K.) wuxuuna keenay nidaam la yiraahdo tariff-rate quota—oo macnaheedu yahay in la oggol yahay in 500,000 tan oo bir ah laga keeni karo UK iyadoo aan canshuur sare lagu darin, laakiin wixii ka badan intaas la canshuuri doono.
Tani waxay ahayd is-beddel ganacsi oo u oggolaanayey in la bilaabo ganacsiga biraha UK, iyadoo wali la ilaalinayo shaqooyinka iyo wax-soo-saarka biraha gudaha dalka Maraykanka.
Ilaalinta Macaamiisha Gudaha (Protecting Domestic Consumers)
Marka alaabada dibadda laga keeno lagu daro canshuur sare, qiimahoodu wuu kacaa, taas oo ka dhigaysa alaabaha gudaha lagu sameeyo kuwo jaban oo la iibsankaro.
Tusaale:
- tusaale ahaan, Haddii alaab laga keeno waddan kale, rinji khatar caafimaad leh (sida lead-based paint), dowladdahu waxay ku dari kartaan tariff sare si qiimaha rinjigaas uu u noqdo mid aad qaali u ah, taas oo rinjiga kadhigaysa mid an la ibsan karin.
Tani waxay dadka gudaha ka ilaalinaysaa in ay iibsadaan alaabo khatar ah oo caafimaadkooda waxyeelo u geysan karta.
Tusaale kale: laga bilaabo Febraayo 1, 2025, Madaxweynaha dalka maraykanka Donald Trump wuxuu saaray:
- 25% tariff ah oo ku saabsan badeecooyinka laga keeno Canada iyo Mexico
- 10% tariff ah oo ku saabsan badeecooyinka laga keeno Shiinaha
Sababta ka dambaysay tariff-yadan waxay ahayd in dalalkaasi lagu cadaadiyo si ay kala shaqeeyaan Maraykanka kana caawiyaan:
- In la joojiyo tahriibka sharci darrada ah
- In la yareeyo soo galinta daroogada sida fentanyl
- In kor loo qaado warshadaha gudaha
- In la kordhiyo dakhliga dowladda
Ilaalinta Danaha Qaranka (Protecting National Interests)
Tariff-yadu waxaa kale oo loo isticmaali karaa si ay qayb uga noqdaan siyaasadda arrimaha dibadda. Marka dawladi canshuur saarto badeecooyinka ugu muhiimsan ee waddan kale dhoofiyo, waxay rabtaa in ay saameyn dhaqaale ku yeelato waddankaas, si ay ugu cadaadiso inuu wax uga bedesho .
Tusaale: Markii Ruushku qaaday dagaalka Ukraine, inta badan caalamku wuu cambaareeyey arrintaas—waxaana waddamo badan bilaabeen inay:
- Joojiyaan iibsiga alaabta Ruushka (boycott),
- Ama saaraan cunaqabateyn (sanctions).
Bishii Abriil 2022, madaxwaynihi hore ee Joe Biden wuxuu joojiyay xiriirkii ganacsi ee caadiga ahaa ee Maraykanku la lahaa Ruushka. Ka dibna bishi Juun, wuxuu kordhiyey canshuurta badeecooyinka Ruushka ee aan la mamnuucin—wuxuu ka dhigay 35%.
Tani waxay ahayd hub uu Maraykanku u adeegsaday cadaadis dhaqaale si Ruushka loogu muujiyo in ficilkiisa aan la aqbali karin.
Dhibaatooyinka Aan Laga Fiirsan ee Tariff-yada (Unintended Side Effects)
Inkastoo tariff-yadu u muuqdaan kuwo wax tarleh , haddana mararka qaar waxay keeni karaan dhibaatooyin aan la fileynin. Waa kuwan qaar kamid ah:
1. Warshadaha gudaha waxay noqon karaan kuwo aan dadaal badan sameyn
Markii tartan dibadda ah la yareeyo (maxaa yeelay badeecooyinka dibadda waa qaali), shirkadaha gudaha ma dareemaan cadaadis inay tayadooda sare u qaadaan ama hal-abuurnimo sameeyaan. Tani waxay keeni kartaa hoos u dhac tayo la,an iyo kobac la’aan .
2. Macmiisha gudaha ayaa laga yaabaa inay dhib dareemaan
Markii tartanku yaraado, qiimayaashu way kordhan. Dadka wax iibsanaya waxay la kulmaan badeecooyin qaali ah oo laga yaabo in aysan tayo sare lahayn.
3. Qaar ka mid ah dadka ama gobolladu waxay dareemi karaan caddaalad darro
Tusaale ahaan: haddii dawladu canshuur u samayso si ay u taagerto warshadaha ku yaal magaalooyinka, dadka ku nool baadiyaha (tuulooyinka) ayaa laga yaabaa inaanay helin wax faa’iido ah ama adeeg saafi ah , balse ay bixinayaan lacag badan marka ay iibsanayaan badeecooyin la warshadeeyey.
4. Ganacsi dagaal (Trade War)
Haddii waddan uu isticmaalo tariff si uu cadaadis u saaro waddan kale, waddankaasna uu isna bilaabo inuu ku celiyo tallaabadas, waxaa bilaaban kara dagaal ganacsi (trade war) taas oo wax u dhimaysa labada dhinacba.
Faa’iidooyinka Tariff-yada (Advantages Explained)
1. Dakhli Dawladeed Ayay Soo Saaraan
Sida aan horey u sheegnay, tariff-yadu waxay siinayaan dawladda fursad ay ku hesho lacag dheeri ah. Lacagtani waxay yarayn kartaa culeyska canshuuraha ee saaran dadwaynaha , sidoo kalana waxay caawin kartaa yaraynta khasaaraha miisaaniyadda dowladda (deficit).
2. Wadahadal Ayay Furaan
Tariff-yadu waxay noqdaan hub siyaasadeed oo waddan isticmaali karo si uu ugu cadaadiyo waddan kale inuu la fariisto —hadday ahaan lahayd arrimo ganacsi ama siyaasadeed.
3. Waxay Taageeraan Himilooyinka Qaranka
Mid ka mid ah isticmaalka ugu caansan ee tariff-yadu waa in alaabaha gudaha lagu dhiirrigeliyo. Markii alaabta dibadda laga keeno ay noqoto qaali (oo la canshuuro), dadku waxay bilaabaan inay doortaan badeecooyinka gudaha, taas oo sare u qaadaysa shaqo-abuurka iyo dhaqaalaha gudaha.
4. Waxay Suuqa Ka Dhigaan Mid La Saadaalin Karo
Tariff-yadu waxay sidoo kale dejiyaan qiimaha suuqyada. Waxay ka hortagaan isbedbedel qiimeed degdeg ah , taasoo ganacsatada iyo dadka wax iibsada u sahlaysa inay si wanaagsan u qorsheeyaan.
Taariikhda Tariff-ska (History of Tariffs)
Yurubtii Hore (Pre-Modern Europe)
Waqtigi hore, gaar ahaan Yurubtii hore, hantida dalka waxaa lagu qiimeyn jiray waxyaabo la taaban karo sida:
- Dahab,
- Qalin,
- Dhul,
- Khayraad dabiici ah.
Ganacsigi waqtigaas waxaa loo arkayey inuu yahay “mid guul ama khasaaro kaliya leh”—macnaha: haddii aad wax badan soo dejiso (import), waxaa kaa baxaaya dahab iyo lacag, taasina waa khasaaro. Sidaa darteed, dalalku waxay door bidayeen inay gumaystaan dalal kale, si ay kaliya ula ganacsadaan gumaysigaas, halkii ay la ganacsan lahaayeen dalal kale oo madax bannaan.
Nidaamkan waxaa lagu magacaabaa mercantilism—wuxuuna si wayn ugu tiirsanaa:
- Tariff-yada sare,
- Mararka qaarna mamnuucid ganacsi (bans).
Sidee ayuu u shaqeyn jiray?
- Dalka wax gumaysanaya wuxuu ka soo dhoofsan jiray khayraadka dabiiciga ah (sida saliid, qoryo, ama macdan) dalka uu gumaysanayo .
- Kadibna wuxuu khayraadkaas ugu beddeli jiray alaab warshadaysan sida ( mashiinnada ama agabyada farsamada) oo uu dib ugu iibgayn jiray wadanka uu gumaysanayo
- Lagumaystaha looma oggolaan jirin inuu alaab u dhoofiyo ama kaso dhoofsado dal kale oo aan ahayn dalka gumaysanaya laftiisa.
Waxaana lagu soo rogi jiray tariff-yo iyo xayiraado adag si loo hubiyo in lagumaystaha kaliya uu wax ka iibsado wadanka gumaysanaya.
Aragtiyaha Dhaqaale ee Cusub (New Economic Theories)
Adam Smith, oo ahaa dhaqaaleyahan u dhashay Scotland, wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee su’aal geliyay nidaamkii hore ee mercantilism. Wuxuu qoray buug caan ah oo la yiraahdo “The Wealth of Nations” sannadkii 1776—taas oo ahayd isla sannadkii ay gobollada Maraykanka ku dhawaaqeen madax-bannaanidooda kadib markii ay ka caroodeen canshuuraha sare iyo xeerarka ganacsi ee xaddidan taas oo uu Ingiriisku saaray.
Aragtida Faa’iidada Isbarbar-dhigga (Comparative Advantage)
Ka dib, dhaqaale yahanno kale sida David Ricardo, waxay sii horumariyeen fikradaha Adam Smith, waxayna abuureen aragti cusub oo la yiraahdo:
Faa’iidada isbarbar-dhigga (comparative advantage).
Waa maxay aragtidan?
Haddii dal (A) uu si fiican u soo saari karo badeeco gaar ah (tusaale: kofeega), halka dal (B) isna uu si fiican u soo saari karo badeeco kale (tusaale: bariis), markaa:
- Dal kastaa waa inuu xoogga saaraa badeecada uu ku wanaagsan yahay ama uu ku fiican yahay .
- Kadibna labada dal ha iska ganacsadaan, halkii midkoodba isku dayi lahaa inuu wax walba isagu sameeysto, taasoo keeni karta khasaaro iyo waxsoosaar hoose.
Sidaas darteed, aragtidas waxay diidanayd tariff-yada, maadaama ay hor istaagayso ganacsiga xor ta ah oo ay duminayso korriinka dhaqaalaha—inkasta oo marmarka qaar lagu taageeri karo warshadaha gaar ah.
Dhammaadka Qarnigii 19aad iyo Bilowgii Qarnigii 20aad (Late 19th and Early 20th Centuries)
Xilligas, waxaa jiray wakhti barwaaqo iyo ganacsi xor ah (free trade) taas oo dhaqaluhu aad u kobcayay.
Fikradda markaas jirtay waxay ahayd:
“Ganacsiga caalamiga ah wuxuu ka hortaga dagaal wayn kas oo burburinaya dhaqalaha, sidaas darteed dalalku isma dagaali doonaan.”
Laakiin.Dagaalkii Koowaad ee Adduunka (World War I), fikraddaas way fashilantay. Kadibna, waddamadu waxay dib ugu laabteen:
- Xag-jirnimo dhaqaale (economic nationalism),
- Iyo tariff-yo sare si ay u ilaashadaan warshadahooda gudaha.
Tani waxay sii socotay ilaa uu dhammaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka (World War II).
Soo-noqoshada Ganacsiga Xorta ah (Resurgence of Free Trade)
Dagaalkii ka dib, ganacsiga xorta ah wuxuu galay 50 sano oo dib u soo noolayn ah (resurgence), taasoo horseeday:
1. Dhismaha WTO – World Trade Organization (1995)
- WTO waa urur caalami ah oo lagu xalliyo khilaafaadka ganacsiga,
- Waxaa ladajiyay xeerar guud oo ganacsi oo caalami ah.
2. Heshiisyo Ganacsi oo Caan ah
- NAFTA – Heshiiskii Maraykanka, Kanada, iyo Mexico (oo hadda loo yaqaan USMCA),
- Midowga Yurub (EU) – oo sidoo kale ah urur leh suuq ganacsi oo furan oo dalal badan wadaagayaan.
Heshiisyadani waxay fududeeyeen iskusocodka badeecooyinka, adeegyada, iyo xitaa dadkaba si aan caqabad lahayn.
Tobankii Sano ee 2010ka (2010s)
Sanadiihii ugu danbeeyay, waxaa sii kordhayay dadka ka shakisan nidaamka ganacsiga xorta ah ee caalamiga ah, kaas oo dad badan u yaqaanaan neoliberalism.
Maxaa loo dhaliilaa nidaamkan?
Dadka dhaliila nidaamkan waxay sheegaan in uu ka yimid aragtiyo hore oo ka soo bilaabmay qarniyadii hore (1800-meeyadii), kuwaas oo aad u taageerayay ganacsi xor ah.
Waxay ku eedeeyaan nidaamkan in uu:
- Yareeyo madax-bannaanida dalalka (national sovereignty),
- Hoos u dhigayo mushaharka shaqaalaha,
- Keenayo in tayada badeecadaha iyo ilaalinta shaqaalaha la iska dayaco.
Tusaalooyin la taaban karo:
- 2016: Dalka UK wuxuu u codeeyay inuu ka baxo Midowga Yurub (Brexit).
- Isla sanadkaas, Donald Trump wuxuu ku guuleystay doorashada Maraykanka isagoo ballan qaaday in uu:
- Canshuur saarayo badeecooyinka Shiinaha iyo Mexico.
- Markii uu xafiiska yimid, wuxuu si dhab ah u saaray tariff-s Shiinaha, laakiin wuxuu hakiyay tariff-kii loo qorsheeyay Mexico.
Doodda Ku Saabsan Heshiisyada Ganacsi ee Bilaashka ah
1. Dadka ka soo horjeeda heshiisyadaas waxay aaminsan yihiin in:
- Dalka madax-bannaanidiisa dhaqaale lumi karo,
- Shaqaalaha iyo tayada badeecaduhu hoos u dhacayaan,
- Waxaa bilaabma tartanka hoos u dhiga mushaarka iyo sharciyada shaqaalaha.
2. Dadka difaacaya heshiisyadaas waxay leeyihiin:
- Tariff-yadu waxay sababi karaan dagaallo ganacsi (trade wars),
- Waxay sare u qaadi karan qiimaha badeecooyinka–
- horumarka iyo hal-abuurka ayay dhibaataynayaan.
Waa Maxay Tariff Si Fudud?
Tariff waa lacag dheeri ah oo dowladdu saarto badeeco kasta oo dalka dibaddiisa laga keenao (imported goods).
Tusaale Taariikhi ah oo Tariff ah
Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan ee Maraykanka waa:
Canshuurtii shaaha (tea tax) ee Ingiriisku saaray gobaladii Maraykanka waqtigii gumeysiga, taasoo horseeday dhacdadii caanka ahayd ee:
“Boston Tea Party” – oo ahayd mudaaharaad ay dadka gobaladu kaga dhiidhiyeen canshuurta sare iyo xukunka gumeysiga.