saami, (stocks)oo sidoo kale loo yaqaan “equity,” waa dukumeenti muujinaya in qofku leeyahay qayb ka mid ah shirkad. Qaybaha saami(stocks) waxaa lagu magacaabaa “shares,” kuwaas oo u oggolaanaya qofka leh in uu helo faa’iido iyo hanti la mid ah inta uu saamiga shirkadda ka haysto.
lagana fogaado khiyaano iyo wax isdabamarin

maxay saami, yadu muhim u yihin
- Saamigu waa nooc amniyeed (security) oo muujinaya in qofka haysta uu leeyahay saamiga shirkadda.
- Shirkaduhu waxay soo saaran saamii si ay u helaan lacag ay ganacsigooda ku maamulaan ama ay ku balaariyaan
- Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo saami ah: common stock iyo preferred stock.
- Taariikh ahaan, saamigu wuxuu ka faa’iido badanyahay maalgashiyada kale marka waqti dheer loo eego.
Fahanka saami (Stock)
Shirkaduhu waxay soo saaraan saami si ay u helaan lacag ay ganacsigooda ku socodsiiyaan. Qofka haysta saamiga shirkad, oo loo yaqaan saamile (shareholder), wuxuu yeelanaya xaq uu ku dalban karo qayb ka mid ah hantida iyo faa’iidada shirkadda.
Tusaale ahaan
Saami-laha waxa loo tixgalinayaa mulkiilaha shirkadda marka loo eego inta kayd ee uu haysto oo loo barbar dhigay tirada guud ee saamiga shirkadda.
haddii shirkaddu leedahay 1,000 saami (shares) oo banaan, qofka haysta 100 saami wuxuu leeyahay 10% sheerka shirkadda.
Taa macneheedu waa qofkaasi wuxuu leeyahay toban boqolkiiba (10%) saamiyada shirkadda, taasoo sidoo kale ka dhigan in uu codkiisa iyo faa’iidadiisa la jaanqaadayso boqolaydaas.
saami layda miya leh shirkada .
Shirkaddu waa urur gaar ah oo sharci ahaan si gaar ah loola dhaqmo. Sharcigu shirkadda wuxuu ula dhaqmaa sida qof madax-bannaan—waxay shiradu leeyahay xuquuq iyo waajibaad u gaar ah.
Tusaale ahaan, shirkaddu:
- waxay bixin kartaa canshuur,
- waxay amaahan kartaa lacago,
- waxay yeelan kartaa hanti,
- waana la dacweyn karaa haddii ay khalad gasho.
Marka la yiraahdo shirkaddu waa “qof sharci ah”, waxa loola jeedaa in shirkaddu leedahay hanti u gaar ah iyo xafiisyo ay ku shaqeyso, halkaas oo ay yaallaan qalab iyo agabyo kale oo loo isticmaalo hawlaheeda maalinlaha ah.
Hantida shirkaddu waxay si sharci ah uga madax banantahy hantida saamilayda, taas oo xaddidaysa masuuliyadda shirkadda iyo mida saamilayda labadaba. Haddii ay shirkadu musalafto, maxkamadu waxay amri kartaa dhammaan hantidda shirkada in la iibiyo, laakiin hantida saamilaydu khatar kuma jirto. Maxkamaddu kuma qasbi karto inaad iibiso saamiyadaada, in kasta oo laga yaabo in qiimaha saamiyadaadu ay hoos udhacaan. Sidoo kale, haddii saamile wayni uu meesha kabaxo, ma iibin karaan hantida shirkadda si ay deymaha shirkada ubixiyan
Waa Maxay Mulkiyadda saamileyda (shareholder ownership)?
Saamileydu waxay leeyihiin saamiyada (shares) ay shirkaddu soo saartay, halka shirkaddu ay leedahay hantida shirkadda. Haddii aad leedahay 33% saamiyada shirkada, taasi macnaheedu ma aha inaad leedahay 1/3 shirkadda oo dhan. Laakiin waxaad leedahay 1/3 saamiyada shirkadda. Tani waxaa loo yaqaannaa “separation of ownership and control” (kala soocidda milkiyadda iyo maamulidda).
Haysashada saami (stock) waxay kuu oggolaanaysaa:
- Inaad codeyso shirarka shariko-layda ad tagto .
- Inaad hesho faa’iido qaybsi (dividends) haddii shirkaddu go’aansato inay bixiso.
- Inaad ka iibin karto saamiyadaada qof kale haddii aad rabto.
Haddii aad leedahay inta badan saamiyada shirkadda, awoodda cod-bixintaadu way kordhaysaa, taasoo kuu oggolaanaysa inaad si dadban u maamusho shirkadda adigoo magacaabaya guddiga agaasimayaasha (board of directors).
Tusaale ahaan, xaaladahan waxaa si cad looga arki karaa marka shirkad ay dooneyso inay iibsato shirkad kale,Shirkadda wax iibsaneysa waxay si fudud u iibsataa dhammaan saamiyada shirkadda kale ee wali banaan (outstanding shares), taasoo ka dhigaysa Shirkadda wax iibsaneysa milkiilaha cusub.
Doorarka Guddiga Agaasimayaasha iyo Maamulka Shirkadda
Guddiga agaasimayaashu (board of directors) waxay mas’uul ka yihiin kobcinta qiimaha shirkadda. Badanaa, waxay shaqaaleeyaan maamulayaal xirfadleyaal ah sida Agaasimaha Guud ee shirkada (CEO, Chief Executive Officer), si ay shirkada u maamulaan. Saamilaydu si toos ah uma maa⁶mulaan shirkadda.
Maxay Tahay Muhimadda saamilayda?
Saamilaydu waxay xaq u leeyihiy inay helaan qayb ka mid ah faa’iidada shirkadda. Tani waa sababta ay saamiyadu u leeyihiin qiimo. Haddii aad leedahay saamiyo badan, waxaad helaysaa faa’iido badan.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan shirkadaha ma bixiyaan faa’iido qaybsi (dividends). Qaarkood waxay faa’iidadooda dib ugu maalgeliyaan kobcinta shirkadda. Si kastaba ha ahaatee, faa’iidada dib loo maalgaliyay waxay weli saameyn ku leedahay qiimaha saamiyada shirkadda.
Maxay tahay farqiga udhexeya (Common Stock) iyo (Preferred Stock)?
Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo saami ah: common stock (kaydka caadiga ah) iyo Preferred stock (kaydka mudnaanta leh).
1. Common Stock
- Mulkiilaha saamiyadan waxay xaq u leeyihiy inay codeeyaan shirarka shariko-laydda.
- Haddii shirkaddu bixiso faa’iido qaybsi (dividends), shariko-laydu waxay xaq u leedahay inay helo.
- Laakiin haddii shirkaddu musalifto, shariko-laydda caadiga ah waa kan ugu dambeeya ee loo tixgeliyo marka hantida shirkadda la iibinayo.
2. Preferred Stock (Kaydka Mudnaanta Leh)
- Badanaa saamilayda haysata (Preferred Stock) ma laha xuquuq codeyn markii la joogo shirarka saamilayda.
- Laakiin waxay leeyihiin mudnaanta faa’iidooyinka iyo hantida shirkadda marka la barbar dhigo (Common Stock)
- Tusaale ahaan, saamilayda haysata (Preferred Stock) waxay helaan faa’iido qaybsi (dividends) ka hor Common Stock
- Haddii shirkaddu musalifto oo la iibiyo hantida shirkada , preferred stockholdersku waa kuwa mudnaanta leh marka hantida la kala qaybinayo.
Saamiyada Cusub iyo Dib U Iibsashada saamiga
- Shirkaddu waxay soo saari kartaa saamiyo cusub si ay u hesho lacag dheeraad ah. Tani waxay yarayn kartaa saamiga saamileydi hore (haddii aysan iibsan saamiyada cusub).
- Shirkaddu waxay sidoo kale samayn kartaa dib u iibsasho (stock buyback), taas oo faa’iido u leh saamilayda maadaama ay saamiyadoodu faaaido sameeyeen
Waa Maxay Farqiga u Dhaxeeya Saamiyada iyo Bonds-ka?
Saamiyada (Stocks) waa qaybo ka mid ah milkiyadda shirkada, waxayna shirkaddu u soo saartaa si ay u hesho lacag ay ganacsigeeda ku ballaadhiso ama mashaariic cusub ugu fuliso. Marka qofku iibsanayo saamiyo, wuxuu noqdaa mulkiilayaasha shirkadda qeyb ka mid ah.
Saamiyada waxaa lagu kala iibsadaa laba suuq:
- Suuqa Koowaad (Primary Market)Ka soo qaad in shirkadda“SomaliTech”ay markii ugu horreysay suuqa keento saamiyo (IPO – Initial Public Offering). Haddii aad si toos ah uga iibsatid shirkadda, tani waa suuqa koowaad. Lacagta aad siisay shirkadda waxay u isticmaali doontaa kobcinta ganacsigeeda.
- Suuqa Labaad (Secondary Market)Haddii aad rabto inaad iibsato saamiyo, laakiin aad ka iibsato qof kale oo horay u lahaa, tani waa suuqa labaad. Tusaale ahaan, haddii saaxiibkaa horey uga iibsaday“SomaliTech” laakiin hadda rabo inuu iibiyo, adiga ayaad ka iibsan kartaa isaga. Lacagta ma aado shirkadda, ee waxay u gudubtaa saaxiibkaa.
Bonds-ku way ka duwan yihiin saamiyada. Qofka haysta bond ma ahan mulkiilaha shirkadda, balse wuxuu u egyahay qof dayn siiyay shirkadda. Wuxuu shirkadda ka helayaa lacagtiisa oo lagu daray dulsaarka (interest), sida qof bangi ka amaahanaya oo dib uga bixinaya lacagtii oo lagu daray dulsaarka.
Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya saamiyada iyo bonds-ka waa:
- Qofka haysta bond waa deyn-bixiye, shirkadduna waa inay lacagtiisa dib ugu celiso, halka qofka haysta saamiyo uu shirkadda la wadaago faa’iidada iyo khasaaraha.
- Haddii shirkaddu musalifto (ay burburto), dadka haysta bonds waxay helayaan lacagtooda marka hore, halka dadka haysta saamiyo aysan waxba heli karin haddii lacagtu aysan ku filnayn dhammaan daymaha.
Tusaale:
Ka soo qaad in shirkadda “SomaliTech” ay rabto $1 milyan oo ay ku dhisto warshad cusub, balse aysan rabin inay saamiyo cusub iibiso. Markaa waxay go’aansataa inay bonds soo saarto.
- Shirkaddu waxay dhahdaa: “Waxaan bixinaynaa 1,000 bond, mid walba wuxuu qiimihiisu yahay $1,000.”
- Adigu waxaad go’aansatay inaad iibsato 5 bond ($5,000).
- Shirkaddu waxay balanqaadaysaa inay lacagtaada dib kuu siinayso 5 sano gudahood, oo ay kugu siinayso 5% dulsaar ah sannadkii.
💰 Maxaad ka faa’iideysaa?
- Sannad kasta shirkaddu waxay ku siinaysaa $250 ($5,000 x 5%).
- Kadib 5 sano, shirkaddu waxay dib kuu siinaysaa $5,000-kii aad maalgelisay.
Sidee Loo Iibsadaa Saamiyada (Stock)?
Inta badan, saamiyada waxaa lagu kala iibsadaa suuqyada saamiyada (stock exchanges) sida Nasdaq ama New York Stock Exchange (NYSE) Shanghai Stock Exchange (SSE) ama Tokyo Stock Exchange (TSE) Marka shirkaddu ay noqoto mid dadweynuhu iibsan karo (public) iyada oo loo marayo Initial Public Offering (IPO), saamiyadeedu waxay u furmaan maalgashadayaasha si ay u iibsadaan ama u iibiyaan.

Tallaabooyinka ibsashada Saamiyada
1. Furasho Akoon Ganacsi (Brokerage Account)
- Si aad u iibsato saamiyo, waxaad u baahan tahay inaad furato akoon ganacsi (brokerage account) oo aad ka furato shirkad dhexdhexaadiye ah (broker). Tusaale ahaan, waxaad isticmaali kartaa platforms sida Interactive Brokers, Fidelity, E*TRADE, ama Robinhood.
2. Raadinta Saamiyada aad Rabto
- Marka aad akoonka furato, waxaad baari kartaa shirkadaha aad rabto inaad maalgeliso. Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad ka iibsato saamiyo shirkadda Apple (AAPL), waxaad raadisaa astaanta shirkadda ee suuqa.
3️⃣ Qiimeynta Suuqa (Bid iyo Offer Prices)
- Suuqa saamiyadu wuxuu leeyahay laba qiime:
- Bid Price (Qiimaha Iibsadayaashu Bixiyaan) – Waa inta iibsadayaashu diyaar u yihiin inay ku iibsadaan.
- Offer Price (Qiimaha Iibiyayaashu Dalbanayaan) – Waa inta iibiyayaashu rabaan in lagu iibiyo.
- Haddii aad rabto inaad isla markiiba iibsato, waxaad aqbali kartaa qiimaha la heli karo (market order). Haddii aad rabto qiime gaar ah, waxaad dhigi kartaa dalab sugaya (limit order).
4️⃣ Iibsashada Saamiyada
- Marka aad go’aansato inaad iibsato saamiyada , waxaad gali kartaa islamar kaaba, adigoo dooranaya :
- Market Order – Si aad isla markiiba u iibsato qiimaha suuqa.
- Limit Order – Si aad u sugto qiime gaar ah inta aan laguu iibin.
5️⃣ Maareynta Maalgashigaaga
- Kadib marka aad iibsato, waxaad la socon kartaa saamiyadaada. Waxaad go’aansan kartaa inaad hayso muddo dheer (long-term) ama inaad ka faa’iidaysato isbeddelada qiimaha (short-term trading).
Sidee Looga Heli Karaa Lacag Marka Aad Leedahay Saamiyo?
1. Dividend (Dividends) – Qaybta Faa’iidada Shirkadda
Waxaa jira laba siyaabood oo lacag looga helo marka ad haysato saami :
- Dibidend (Dividends) – Qaybta Faa’iidada Shirkadda Kordhinta
- Qiimaha Saamiyada (Capital Appreciation)
Waa maxay dividends?
Dividends waa lacag faa’iido ah oo shirkaddu siiso dadka haysta saamiyadeeda. Marka shirkaddu faa’iido samayso, waxay go’aansan kartaa in ay qeyb ka mid ah faa’iidadaas siiso saamileyda.
📌 Tusaale:
- Ka soo qaad in shirkad la yiraahdo “SomaliTech” ay leedahay 1,000 saami.
- Shirkaddu waxay ku dhawaaqday in ay bixinayso $5,000 oo dividend ah.
- Taasi waxay ka dhigan tahay in saamile kasta uu helayo $5 halkii saami uu leeyahay ($5,000 ÷ 1,000 = $5).
- Haddii aad leedahay 100 saami, waxaad heli doontaa $500 ($5 × 100).
⚠️ Xusuusnow:
- Dhammaan shirkaduhu ma bixiyaan dividends – shirkadaha sida Amazon iyo Tesla badanaa waxay faa’iidada dib ugu celshaan ganacsigooda.
- Shirkadaha waaweyn ee la isku halayn karo sida Apple, Coca-Cola, iyo Microsoft waxay badanaa bixiyaan dividends si joogto ah.
2. Kordhinta Qiimaha Saamiyada (Capital Appreciation)
🔹 Waa maxay Capital Appreciation?
waa marka adad ku iibsato qiimo hoose kadibna uu kor ukoco saamigii ad iibsatay
Tusaale:
- Haddii aad maanta iibsato saami shirkadda SomaliTech oo qiimaheedu yahay $10.
- 6 bilood Kadib, qiimihii saamiga ayaa kor u kacay oo noqday $15.
- Haddii aad hadda iibiso, waxaad faa’iido ka helaysaa $5 saami kasta.
- Haddii aad leedahay 100 saami, faa’iidadaadu waxay noqoneysaa $500 ($5 × 100).
💡 Maxaa keena qiimaha saamiyadu inay kor u kacaan?
- Haddii shirkaddu faa’iido badan samayso, qiimaha saamiyadeedu way korodhaa.
- Haddii shirkaddu la kulanto dhibaatooyin, qiimaha saamiyadu hoos ayay u dhacaan.
- Warka shirkadda, tartanka suuqa, iyo dhaqaalaha guud ayaa saameyn ku leh qiimaha saamiyada.

1️⃣ Khataraha Saamiyada (Stock Market Risks)
Markaad maalgeliso saamiyo, qiimahoodu wuu kordhi karaa ama hoos u dhici karaa iyadoo ku xiran xaaladda suuqa iyo go’aannada shirkadda. Haddii suuqu hoos u dhaco, saamiyadaadu waxay lumin karaan qiimaha ay haysteen.
Tusaale:
- Ka soo qaad inaad maalgelisay $1,000 oo aad ku iibsatey saamiyo shirkad la yiraahdo SomaliTech.
- Haddii shirkaddu faa’iido samayso, saamiyadaada qiimahooda wuu kordhi karaa, tusaale ahaan waxay noqon kartaa $1,500.
- Haddii shirkaddu lumiso macaamiisheeda ama ay la kulanto khasaare, saamilaydu waxay lumin karaan qiimahoodi, laga yaabee inay noqdaan $700.
2️⃣ Maxaa Saameeya Qiimaha Saamiyada?
🔹 Xaaladda Suuqa (Market Conditions) – Haddii dhaqaaluhu hoos u dhaco ama ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, saamiyada qiimahoodahoodu hoos ayuu u dhici karaa.
🔹 Xaaladda Shirkadda – Haddii shirkaddu faa’iido weyn sameyso, saamiyadeedu qiime sare ayay gaarayaan. Haddii ay khasaarto, saamiyadu waa qiime beelaan.
🔹 Suuqa Maaliyadeed (Stock Market Volatility) – Suuqyada saamiyadu waa kuwo mararka qaar si deg deg ah isku beddela.
3️⃣ Saamiyadu ma yihiin maalgashi halis badan?
- Maalgashi Wanaagsan – Taariikh ahaan, saamiyadu waxay noqdeen maalgashi faa’iido badan leh mustaqbalka fog, marka loo eego noocyada kale sida bonds iyo kaydka bangiyada.
- Khatartooda – Haddii aad u baahan tahay lacagtaada waqti gaaban, saamiyada maaha xalka ugu fiican maxaa yeelay way isbeddelaan marar badan.
📌 Tusaale:
- Haddii aad maalgeliso Apple, Amazon, ama Google muddo dheer, waxaa laga yaabaa in aad faa’iido badan ka hesho.
- Haddii aad maalgeliso shirkad cusub kadibna ay guuldarreysato, waxaad lumin kartaa lacagtaada.
#Saamiyo #Maalgashi #SuuqaSaamiyada #Dividends #CapitalAppreciation #KhatarahaMaalgashiga #iibsashadaSaamiyada #Bonds #ShirkadahaDadwaynaha #Saamile #CommonStock #PreferredStock
Pingback: tusmada Qiimaha Macaamiisha (CPI) -
Pingback: Waa kuma Chief Executive Officer (CEO) -
Pingback: Waa Maxay Suuqa Saamiyada? (Stock Market) - Somali Business Journal
Pingback: Waa maxay ETFS ? - Somali Business Journal