Waa Maxay Nasdaq? waa suuq elektaroonik ah oo caalami ah waxa lagu kala ibsadaa saamiyada shirkadaha. Magaca Nasdaq waxa laga soo gabiyay : National Association of Securities Dealers Automated Quotations. Waxaa la furay sanadkii 1971, wuxuuna noqday suuqii ugu horreeyay ee elektaroonik ah oo lagu kala iibsado saamiyada.[1]

Taariikhda Nasdaq
markii ugu horaysay Nasdaq waxa laga furay Mareykanka, gaar ahaan New York, iyadoo hoos tagayay urur la oran jiray NASD (oo hadda loo yaqaan FINRA).
Sanadkii 2006, Nasdaq waxay noqotay suuq madax-bannaan. Kadib, sanadkii 2008, waxay la midowday shirkado ka jira wadamada Scandinavia, iyadoo noqotay Nasdaq OMX Group. Sanadkii 2015, magaca shirkadda waxaa loo bedelay Nasdaq Inc.
Sida ay ushaqayso Nasdaq
waxay leeyahay in ka badan 5,000 oo shirkadood oo maalinkasta lagu kala iibsado saamiyadooda. Inta badan shirkadahani waa shirkado tiknoolajiyadeed oo waaweyn sida Apple iyo Microsoft.
Nasdaq waxay ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah:
- Nasdaq Global Select Market
- Nasdaq Global Market
- Nasdaq Capital Market
Suuqu wuxuu sidoo kale ka shaqeeyaa 29 suuq oo kala duwan, oo lagu kala iibsado saamiyada, daymaha (bonds) , alaabaha ceeriin (commodities), iyo agabyo kale oo dhaqaale oo ku yaal Maraykanka, Kanada, iyo Yurub.
Farsamada ganacsiga ee Nasdaq waxaa isticmaala in ka badan 100 suuq oo ku kala yaalla 50 waddan.
Waa Maxay Nasdaq Composite ?
Marka la yiraahdo Nasdaq, mararka qaar waxaa loola jeedaa Nasdaq Composite – oo ah tusmo (index) muujinaysa waxqabadka in ka badan 2,500 shirkadood oo ku qoran suuqa Nasdaq.
Shirkadaha waaweyn ee tusmadan ku jira waxaa ka mid ah:
- Apple (AAPL)
- Microsoft (MSFT)
- Alphabet (GOOG, GOOGL)
- Meta (META)
- Amazon (AMZN)
- Tesla (TSLA)
Waxqabadka Nasdaq Composite
- November 19, 2021, Nasdaq Composite waxay gaartay heerkeedii ugu sarreeyay oo ahaa 16,057.44.
- Intaas ka dib, waxay hoos u dhacday in ka badan 23% ilaa Abriil 2022.
- Bishii Abriil 2022, tusmadan waxay hoos u dhacday 13.3%, taasoo ahayd bishii ugu xumeyd tan iyo Oktoobar 2008, markaasoo ay hoos udhacday 17.4% waxana sababay musiibadii dhaqaale ee caalamiga ahayd .
Xeerka Kala-duwanaanta Guddiga Nasdaq
Nasdaq waxay ahayd suuqii ugu horreeyay ee isticmaala nidaamka elektarooniga ah ee ganacsiga. Waxaa loogu talagalay inay beddesho nidaamkii hore ee ahaa mid gaabis ah oo gacanta ku shaqayn jiray .
Sababtoo ah shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa mar walba raadiya horumarka, waxay ku biireen Nasdaq si ay uga faa’iideystaan suuqa elektaroonig ah oo degdeg ah.
Intii lagu jiray 1990-meeyadii, Nasdaq Composite waxay noqotay tusmada ay dadku ku cabiraan xaaladda shirkadaha tiknoolajiyadda. Intii u dhexeysay 1999 ilaa 2000, tusmadu waxay kor u kacday ku dhawaad 150%, laakiin markii suuqa “dot-com” uu burburay, waxay hoos u dhacday ku dhawaad 80% illaa Oktoobar 2002.
Hoggaanka Taariikheed ee nasdaq
Sanadkii 2016, Adena Friedman waxay noqotay madaxa fulinta (CEO) ee Nasdaq. Waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota suuq wayn oo Maraykan ah.
Dakhliga iyo Waxqabadka Maaliyadeed ee Nasdaq
Nasdaq waxay lacag ka heshaa adeegyo ay siiso macaamiisheeda sida bangiyada, maalgashadayaasha, iyo shirkadaha kale. Dakhliga ugu badan wuxuu ka yimaadaa:
- Adeegyada suuqyada – sida kala iibsiga saamiyada
- Xogta maalgashiga – sida tusmooyinka (indices), warbixinnada, iyo falanqaynta
- Farsamada suuqyada – nidaamyada ganacsiga iyo difaacyada ka hortagga khiyaanada maaliyadeed
- Adeegyada shirkadaha – sida lacagta diiwaangelinta iyo xiriirka maalgashadayaasha
Sanadkii 2022, Nasdaq waxay soo xareysay:
- Dakhliga guud: $6.23 bilyan
- Dakhliga saafiga ah: $1.12 bilyan
- Dakhliga ka haray kharashaadka ganacsiga: $3.58 bilyan
- Waxayna kordhisay dayntii sanadlaha ahayd ee saamiyada ilaa $0.78 halkii saami (kaas oo ahaa $0.70).
Waa Maxay Nasdaq 100?
Nasdaq 100 waa tusmo kale oo ay ku jiraan 100 shirkadood oo waaweyn oo aan ahayn kuwa maaliyadeed, dhammaantoodna ku qoran Nasdaq. Waxaa ka mid ah shirkado sida:
- Apple
- Dollar Tree
- Keurig
- Zoom Video
- Sirius XM
Maalgashadayaashu waxay ku maalgelin karaan tusmadan iyaga oo adeegsanaya ETF-yada, mutual funds, futures, iyo options.
Shirkada Apple xage ayay kadiwan gashan tahay NYSE mise nasdaq?
Apple waxay ku qoran tahay Nasdaq, iyadoo calaamaddeeda ganacsi (ticker) ay tahay AAPL. Waxay suuqyada ka bilaabatay Decembar 12, 1980, markaas oo qiimaha saamiga uu ahaa $22.
Juun 30, 2023, saami kasta oo Apple ah wuxuu gaaray qiimo dhan $190.25.
Gunaanad
Nasdaq waa mid ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee lagu kala iibsado saamiyada . Waxaa ku qoran in ka badan 5,000 shirkadood, kuwaas oo inta badan ah shirkado tiknoolajiyeed. Suuqa waxa la bilaabay 1971, waxayna ahayd suuqi ugu horreeyay oo elektaroonig ah.
#Nasdaq #SuuqaNasdaq #Maalgashi #SaamiyadaShirkadaha #Tiknoolajiyada #NasdaqComposite #Nasdaq100 #SuuqaSaamiyada #SomaliBusinessJournal #MaalgashiDigital