waa maxay KYC: waa hab ay bangiyada iyo shirkadaha maaliyadeed ku ogaadaan qofka macmiilka ah, si ay u hubiyaan in qofkaasi yahay qofka saxda ah.1
Erayga KYC :waxa uu ka yimid luuqada english, wuxuuna ka dhigan yahay “Aqoonso Macmiilkaaga.”
Tani waxay ka dhigan tahay in bangigu uu kaa codsado dokumentiyo (documents ) sida baasaboorka, aqoonsigaaga ama warqad caddeyneysa meesha aad degan tahay si loo xaqiijiyo in aad tahay qofka aad sheeganayso.
Waxaa la sameeyaa KYC:
- Marka aad furanayso akoon bangi
- Marka aad bilaabayso adeeg maaliyadeed oo cusub
Haddii aad keento dukumiintiyo aan sax ahayn ama aadan buuxin shuruudaha KYC, bangigu kuma siinayo addeegiisa sida inuu kuufuro bangi xisaabeen iyo wixi lamid ah
Maxay KYC muhiim u tahay?
1. Ka hortagga dambiyada dhaqaale
- Waxay ka hortagtaa khiyaanooyinka sida lacag-dhaqidda (lacag sharci darro ah oo la nadiifinayo) iyo maalgelinta argagixisada.
- Bangiyadu waxay badana hubinayaan oo xooga saaran in dambiilayaal anay adeegsanin adeegyadooda.
2. Kor u qaadidda ammaanka iyo kalsoonida
- Marka la hubiyo aqoonsiga macmiilka, bangigu wuxuu hubaa in qofka uu la macaamilayo uu yahay qof la isku halayn karo.
- Tani waxay ilaalisaa macluumaadka iyo lacagaha macaamiisha, waxayna sare u qaaddaa kalsoonida adeeg bixiyaha.
3. U hoggaansanaanta shuruucda
- Dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah (sida FATF) waxay ku khasbaan bangiyada in ay raacaan KYC.
- Haddii aysan taas samayn, bangiyadu waxay wajihi karaan ganaaxyo ama dhibaato sharciyeed.
Qaybaha KYC (Saddex Tallaabo oo Muhiim ah)
Marka la sameynayo KYC, waxaa la maraa saddex tallaabo oo isku xigta, kuwaas oo mid kasta muhiim tahay marka laraho in la fahmo qofka macmiilka ah iyo hab-dhaqankiisa maaliyadeed:
1. CIP – Barnaamijka Aqoonsiga Macmiilka
Tani waa tallaabada ugu horeysa ee KYC.
- Ujeedadeedu waa in la aqoonsado macmiilka inuu yahay qofka doonaya adeeggan?
- Bangiga ama hay’addu waxay codsadaan:
- Magacaaga, taariikhda dhalashada, iyo xogtaada kale ee muhiimka ah
- Dukumiintiyada aqoonsiga sida baasaboorka ama kaarka aqoonsiga
- Kadib, hay’addu waxay hubisaa in xogtaasi tahay mid sax ah oo adiga kugu saabsan
2. CDD – Baadhitaanka Macmiilka
Tani waa tallaabada labaad ee KYC, waxayna ka bilaabataa marka CIP la dhameeyo.
- Halkan, bangigu wuxuu isku dayayaa inuu si fiican kuu fahmo, gaar ahaan:
- Sidee ayaad lacag u heshaa? (tusaale: shaqo, ganacsi, iwm)
- Maxaad akoonka u furaysaa? (ujeeddadaada)
- Dalkee baad ka timid? (dalalka qaar waa “halis ”)
- Ma tahay qof siyaasad ahaan caan ah ama xiriir laleh dad caan ah ma xilal dowladeed ahaya
Ujeeddadu waa in la qiimeeyo halista aad keeni karto, si looga hortago dhibaatooyinka sharciyeed ama dhaqaale ee mustaqbalka dhici kara.
3. EDD – Baadhitaanka Dheeraadka ah
Tani waa tallaabo gaar ah oo la adeegsado haddii laguu arko inaad khatar leedahay ama keeni karto inta lagu guda jiro CIP iyo CDD.
Waa baaritaan qoto dheer oo la sameeyo haddii: Aad tahay qof siyaasi caan ah ama aad xiriir la leedahay dad xilal haya ,ama Warar xun lagaa qoray ama xog kugu saabsan ay kujirto internetka Ama haddii aad ka timid meel halis kajirto ama dembiyo dhaqaale.
Bangigu wuxuu sameyn karaa:
- In uu baaro si faahfaahsan ilaha lacagtaada
- In uu ogaado ganacsigaaga iyo la-hawlgalayaashaada
- Haddii loo baahdo, wuxuu booqan karaa goobta ganacsiga si loo xaqiijiyo jiritaankaaga
Ujeeddada EDD waa in la xaqiijiyo in macluumaadka aad siisay ay sax yihiin, lana hubiyo in dhaqdhaqaaqaagu uu sharci yahay.
Waxyaabaha Looga Baahan Yahay KYC
Si loo sameeyo KYC — gaar ahaan tallaabooyinka CIP (Aqoonsiga Macmiilka) iyo CDD (Baadhitaanka Macmiilka) — macmiilka waxaa laga rabaa inuu keeno xog iyo dukumiintiyo muujinaya qofka uu yahay iyo meesha uu degan yahay.
Waxyaabaha inta badan la is weydiiyo waa:
1. Dukuminti Aqoonsi
Waxaad keentaa mid ka mid ah dukumiintiyadan si laguu aqoonsado:
- Baasaboorka
- Kaarka aqoonsiga qaranka
- Rukhsadda darawalnimada (Driving licence )
2. Caddeyn Ciwaan (meesha aad degan tahay)
Waa in aad muujisaa meesha aad hadda degan tahay. Tusaale ahaan:
- Biil koronto ama Biil biyo
- Ama Warqad ka timid shirkadda taleefoonada
- Warqad bangi oo ciwaankaagaku ku qoran yahay
3. Xog Shaqsiyeed Kale
Mararka qaar bangigu wuxuu ku weydiin karaa:
- Lambarkaaga telefoonka ama email
- Goobta aad ka shaqeyso iyo jagada aad hayso
- Sawirkaaga (selfie)
Tusaale:
Haddii aad rabto inaad furato akoon bangi:
- Keenso baasaboorkaaga
- Iyo biil koronto oo muujinaya meesha aad degan tahay Bangigu wuxuu hubin doonaa in dukumiintiyadan ay sax yihiin iyo in kale
KYC iyo Hay’adaha Maaliyadeed
- Bangiyada iyo shirkadaha maaliyadeed waxay KYC u isticmaalaan si ay u xaqiijiyaan in macaamiishoodu ay yihiin dad lagu kalsoonaan karo oo sharci ah.
- Tusaale: Haddii aad codsato amaah, ama aad furato koonto cusub, bangigu wuxuu kuu samayn doonaa KYC si uu kuu xaqiijiyo.
- Sidoo kale, shirkadaha maalgashiga (sida kuwa saamiyada) waxay kaa rabaan KYC ka hor inta aadan wax maalgelin ah sameynin. Waxay doonayaan in aysan jirin dad lacag sharci darro ah suuqa keenaya.
Maxay Tani Muhiim u Tahay?
- KYC waxay ka hortagtaa in nidaamka maaliyadeed loo adeegsado lacag sharci darro ah ama hawlo dambiyeed.
- Waxay ka caawisaa in la ogaan karo dhaqdhaqaaqyada shakiga ah .
- Waxay ilaalisaa nidaamka dhaqaale, waxayna dhiirrigelisaa daahfurnaanta iyo kalsoonida.
KYC iyo Lacagaha Dijitalka (Cryptocurrency)
Lacagaha dijitalka ah, sida Bitcoin iyo Ethereum, waa lacag cusub oo aan ku xidhneyn bangiyada caadiga ah. Si kastaba ha ahaatee, si looga hortago in lacagahan loo adeegsado falal sharci darro (sida lacag-dhaqid ama maalgelinta dembi), shirkadaha sarrifka lacagaha dijitalka ah (crypto exchanges) waxay isticmaalaan KYC.
Maxaa Lagaaga Baahan Yahay Marka Aad iibsanaysid Cryptocurrency?
Marka aad rabto inaad iibsato ama iibiso lacag dijital ah, shirkaddahaa sarrifka sida binance iyo bybit badanaa waxay codsadaan :
- Dukumiintigaaga aqoonsiga, sida:
- Baasaboorka
- Kaarka aqoonsiga
- Rukhsadda darawalnimada
- Caddaynta cinwaankaaga, sida:
- Biilka korontada
- Biilka biyaha
- Warqad bangi oo ciwaankaagu ku qoran
- Sawirkaaga (selfie) si loo hubiyo inaad adiga tahay .
- Xog dheeraad ah, sida:
- Lambarka taleefoonka
- Email-kaaga
- Haddii aad tahay ganacsade – diiwaangelinta shirkaddaada ama warqado maaliyadeed
Tusaale:
Haddii aad rabto inaad iibsato Bitcoin adigoo adeegsanaya shirkad sarrif ah:
- Waa inaad keentaa baasaboorkaaga iyo biil koronto.
- Kadib waxay hubin doonaan inaad adiga tahay qofka saxda ah.
- Markaas kadib, waxaad si sharci ah u iibsan kartaa ama u iibin kartaa lacagahaas.
Sababta KYC Loogu Baahan Yahay Cryptocurrency:
- Si loo xaqiijiyo in akoonka cryptada uu leeyahay qof dhab ah oo la hubo.
- Haddii lacagahaas loo isticmaalo falal sharci darro ah, hay’adaha amniga waxay adeegsan karaan xogta KYC si ay u ogaadaan qofka ka dambeeya.
Tags:
#KYC #AqoonsigaMacaamiilka #Bangiyada #AmnigaMaaliyadeed #Cryptocurrency #Bitcoin #Ethereum #LacagahaDijitalka #FahankaKYC #SharcigaMaaliyadeed