Hordhac
G7 waa urur caalami ah oo ay ku mideysan yihiin toddobada dal ee ugu dhaqaalaha wayn dunida: Maraykanka, UK, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Kanada iyo Japan. Kooxdani waxay door wayn ku leedahay dejinta siyaasadaha dhaqaale, lacag iyo amni ee caalamka. Waxaa la aasaasay 1970-meeyadii, waxaana mar loo beddelay G8 markii Ruushku kusoo biiray,
Waa Maxay G7? Baro Saamaynta Ururka iyo Farqiga U Dhaxeeya G20
Wadamada laysku yirahdo G7 : waa urur dowladeed oo ay ku mideysan yihiin todobada waddan ee ugu dhaqaalaha wayn dunida. Ururkan wuxuu door muhiim ah ku leeyahay go’aanada dhaqaalaha iyo lacagta ee caalamka[1].

Xubnaha G7
G7 waxay ka koobanyihin toddobo waddan oo dhaqalo ahan horumaray :
- ๐ซ๐ท Faransiiska
- ๐ฉ๐ช Jarmalka
- ๐ฎ๐น Talyaaniga
- ๐ฏ๐ต Japan
- ๐บ๐ธ Maraykanka
- ๐ฌ๐ง Boqortooyada Midowday (UK)
- ๐จ๐ฆ Kanada
Xubnaha kale ee la xiriira:
- Midowga Yurub (EU) mararka qaar waxaa loo arkaa xubinta 8-aad ee aan rasmiga ahayn (de facto member), maadaama ay leedahay xuquuqda dhammaan xubnaha, inkasta oo aysan shirarka guddoomin karin ama martigelin karin.
Taariikh Kooban
- G7 waxaa la aas aasay horaantii 1970-meeyadii hoggaamiyeyaasha waddamadan ayaa isugu yimid si ay uga wada hadlaan arrimaha dhaqaale iyo lacagta aduunka.
- Ururku wuxuu mar noqday G8 markii Ruushku uu kusoo biiray, laakiin waa laga saaray 2014 kadib markii uu si sharci darro ah u wareegay gobolka Crimea ee kaas oo katirsana Ukraine.
Sidee ayay U Shaqeyaan
- G7 waa madal hoggaamiyeyaasha dalalkaas ay ku kulmaan si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah sida:
- Dhibaatooyinka dhaqaale
- Sicir-bararka
- Sicir-bararka shidaalka
- Isbeddellada lacagaha
- Daynta dalalka saboolka ah
- Khilaafaadka caalamiga ah
- Dhibaatooyinka dhaqaale
- waddan kasta ayaa si is-dhaafsi ah u qabta guddoominta G7 sanad kasta.
Tusaalooyin Ka Mid kamid Ah Howlaha G7:
1. Gargaarka Daynta Dalalka Saboolka ah
- 1996: G7 waxay la shaqaysay Bangiga Adduunka si loo sameeyo barnaamij lagu cafinayo daymaha 42 dal oo sabool ah oo lagu magacaabo HIPC (Heavily Indebted Poor Countries).
- 2005: Waxay bilaabeen Multilateral Debt Relief Initiative (MDRI) si loo tirtiro daymaha dalalkaas haddii ay buuxiyaan shuruudaha.
2. Maaraynta Nidaamka Lacagaha Adduunka
- 1999: G7 waxay abuurtay Financial Stability Forum (FSF) si ay ula socdaan khataraha dhaqaale ee dunida. Waxaa ku jiray:
- Wasiirrada maaliyadda
- Guddoomiyeyaasha bankiyada dhexe
- Hayโadaha lacageed ee caalamiga ah
- Wasiirrada maaliyadda
Taariikhda G7
Sidee Ayuu Ku Bilaabmay G7
Asalka G7 wuxuu bilaabmay horaantii 1970-meeyadii, markii hogaamiyeyaasha Maraykanka, UK, Faransiiska, Jarmalka Galbeed (West Germany), iyo Japan ay ku kulmeen Paris si ay uga wada hadlaan hoos u dhaca dhaqaalaha iyo kacdoonka qiimaha shidaalka.
Kulan kaas waxaa dhiirrigeliyay Madaxweynihii Faransiiska Valรฉry Giscard dโEstaing, kaasoo sanadkii 1975 martigeliyay kulankii Rambouillet isagoo casuumay:
- Faransiiska
- Maraykanka
- UK
- Jarmalka
- Japan
- + Talyaaniga
Markan waxaa kulanka ka qaybgalay Madaxda waddamada iyo wasiirrada maaliyadda taasoo saldhig u noqotay qaabka G7 ee maanta.
๐จ๐ฆ sidee ayay Kanada ugu biirtay:
Sanadkii 1976, Kanada ayaa si rasmi ah loogu casuumay inay ku biirto, waxaana rasmiyan loo aqoonsaday kooxdii “Group of Seven” (G7).
Is Beddelka Martigelinta (Presidency Rotation)
Martigelinta shirarka G7 way wareegtaa sanad walba, iyadoo kala dambeyntoodu tahay:
France โ USA โ UK โ Germany โ Japan โ Italy โ Canada
Ballaarintii G7 โ G8 (1998)
Markii dhaqaalaha adduunku uu is beddelay 1990-meeyadii, waddamo badan waxay bilaabeen inay si dhow ula shaqeeyaan dalalka reer galbeedka.
Taariikh kooban:
- 1991: USSR (Soviet Union) ayaa burburay, waxaana dhashay dalal badan, oo uu ku jiro Ruushka.
- Isla sanadkaas, Ruushka waxaa kadhacday doorashdii ugu horreysay oo madaxweyne, loo dortay Boris Yeltsin.
- 1994: Madaxweynihi Ruushka Boris Yeltsin wuxuu bilaabay inuu la kulmo madaxda G7, kulamadaas waxaa loogu magac daray P-8 (Political 8).
- 1998: Ruushka waxaa si rasmi ah loogu daray kooxda, waxaana G7 loo beddelay G8.
- 2014: Ruushka waxaa laga saaray kooxda kadib markii uu si sharci darro ah ula wareegay gobolka Crimea ee Ukraine.
- Wixii markaas ka dambeeyay, kooxdu waxay ku noqotay G7, iyadoo Ruushku aan dib loo casuumin ilaa 2025.
waa maxay G20, Maxay tahay farqiga udhexeya G7iyo G20,?
Maadaama dhaqaalaha caalamka uu si degdeg ah u kobcayo, waddamada horumaraya sida Shiinaha, Hindiya, Brazil, Mexico, iyo Koonfur Afrika ayaa sido kale noqday kuwo muhiim ah.
1999: Waxaa la aasaasay Group of Twenty (G20) :
- Dhammaan xubnaha G7 โ
- 12 waddan oo kaleโ
- Midowga Yurub (EU)
ay uga wada hadlaan arrimaha dhaqaale ee caalamka.
- 12 waddan oo kaleโ
Isbarbardhig:
- G7: kaliya waxay kakooban yihin waddamada horumaray
- G20: Waxay ka tarjumaysaa isbeddelka cusub ee suuqa, iyadoo la tixgelinayo waddamada dhaqaalahoodu kobcayo
Maanta: G20 ma ka xoog badan yahay G7?
Haa, dad badan waxay aaminsan yihiin in G20:
- Ay hadda leedahay saamayn dhaqaale oo ka ballaaran G7
- Sababtoo ah waxay matashaa in ka badan 80% GDP-ga caalamka
Xubnaha G20
๐บ๐ธ Mareykanka (USA) ๐จ๐ณ Shiinaha (China) ๐ฏ๐ต Japan ๐ฉ๐ช Jarmalka (Germany) ๐ฌ๐ง Boqortooyadi Midowday (UK) ๐ซ๐ท Faransiiska (France) ๐ฎ๐น Talyaaniga (Italy) ๐จ๐ฆ Kanada (Canada) ๐ท๐บ Ruushka (Russia) ๐ฎ๐ณ Hindiya (India) | ๐ง๐ท Brazil ๐ฒ๐ฝ Mexico ๐ฆ๐ท Argentina ๐ฟ๐ฆ Koonfur Afrika ๐ฆ๐บ Australia ๐ฐ๐ท Koonfurta Kuuriya ๐ฎ๐ฉ Indonesia ๐ธ๐ฆ Sacuudi Carabiya ๐น๐ท Turkiga (Turkey) ๐ช๐บ Midowga Yurub โ EU |
FAQ
1. G7 waa maxay?
G7 waa koox ka kooban 7 dal oo ah kuwa ugu dhaqaalaha wayn dunida Waxay xooga saaran arrimaha dhaqaale, caafimaad, cimilada, iyo siyaasadda caalamka.
2. G7 saamayn intee leeg ayay ku leeyihin dalalka saboolka ah?
waxay bixiyaan taageero dhaqaale, dayn cafin, iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah sida cudurrada iyo cimilada.
3. Maxaa loo sameeyay G7?
Waxaa loo sameeyay in lagu xalliyo dhibaatooyinka dhaqaale iyo siyaasadeed ee caalamka.
4.Wadamada G7 waa kuwee?
Maraykanka, UK, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Kanada, iyo Japan.
5. Waa maxay G20?
G20 waa urur caalami ah oo ay ku mideysan yihiin 19 dal iyo Midowga Yurub (EU). Waxaa la aasaasay sanadkii 1999 si loo xalliyo arrimaha dhaqaalaha caalamka, loogana hortago dhibaatooyin dhaqaale oo waawayn.
6. Waa maxay farqiga G7 iyo G20?
G7 = dalalka horumaray, G20 = dalalka horumaray + kuwa dhaqaalahoodu soo korayo.
Gunaanad
Gunaanad
G7 waa koox dhaqaale iyo siyaasadeed oo door wayn ku leh mustaqbalka dhaqaalaha caalamka. Inkasta oo G20 ay matasho qayb ballaaran oo ka mid ah GDP-ga caalamka, haddana G7 wali waa mid saamayn wayn leh. dadka xiisaynaya dhaqaalaha waa inay bartaan sida G7 iyo G20 u kala duwan yihiin si ay u fahmaan dhaqaalaha dunida ee maanta.
“Adiga, ma aaminsan tahay in G7 ay wali ka awood badan tahay G20
#G20#UruradaDhaqaalahaadduunka#DowladahaHorumaray##G7#XubnahaG7#TaariikhdaG7#ShirkaG7#G7vsG20#G20