Somali Business Journal

Waa maxay Bitcoin (BTC)? 

Key Takeaways

  • Waa maxay Bitcoin (BTC)?  waa lacag dijital ah oo aan laheyn hay’ad dhexe (decentralized).
  • Waxaa la soo bandhigay 2008 iyadoo Satoshi Nakamoto uu soo qorey whitepaper-ka; block-kii ugu horeeyayna la qoday Jan 3, 2009.
  • Mining ama -qodistu waa tartan kombuyuutarrada u dhexeeya si ay u xaliyaan xisaab adag; guuleystaha ayaa hela abaalmarin bitcoins cusub ah .
  • Bitcoin waxaa loo isticmaali karaa maalgashi, ganacsi, iyo iibsasho; haddana waxaa la socdo khataro sida qiimo dhac iyo xatooyo.
Waa maxay Bitcoin (BTC)? 

Hordhac iyo Qeexid (Definition)

Waa maxay Bitcoin (BTC)?  waa lacag dijital ah oo ku shaqaysa teknoolojiyadda blockchain, taas oo  fududaynaysa  in lacag la is dhaafsado si toos ah (peer-to-peer) adigoon u baahnayn bangi ama hay’ad dhexe. Taasi waxay ka dhigan tahay in xawiladu ay   dhacdo iyadoo la isticmalayo heshiis elektaroonik ah, halka diiwaanka xawilaadas lagu kaydiyo  shabakad kombuyuutaro ah oo kala firidhisan ama meelo kala duwan yaala .

Erayada ugu muhimsan : Bitcoin (BTC), decentralized, blockchain, wallet (boorso ), mining (qodis).

Sida ay Bitcoin ku bilabmatay (How Bitcoin Started)

Bishii Agoosto 2008, domain-ka Bitcoin.org ayaa la diiwaan geliyey. Waxay u muuqatay dadaalkii ay wadeen Satoshi Nakamoto inuu miro dhalay taas oo hamigoodu ahaa  si dii  ay u  samayn lahayen  nidaam lacageed elektaroonik ah oo peer-to-peer ah.

Bishii Oktoobar 2008, Satoshi wuxuu ku soo bandhigay liiska email-ka ee cryptography qoraal magaciisu ahaa “Bitcoin: A Peer-to-Peer Electronic Cash System”  warqaddan (whitepaper) ayaa noqotay asalka habka Bitcoin uu u shaqeeyo[1].

Block-kii ugu horreeyey (First Block / Genesis Block)

3-da Janaayo 2009 waxaa la qoday block-gii ugu horreeyey oo Bitcoin ah , oo loo yaqaan genesis block ama Block 0. Block-kan waxaa ku jiray qoraal la xiriira war-saxaafadeed, taasoo tilmaam u noqonaysay taariikhda iyo sababta block-ga loo abuuray[2].

waxaana dhacay xawilaadi ugu horaysay oo Bitcoin ah oo dhexmaray Satoshi Nakamoto iyo nin la oran jiray Hal Finney. Satoshi wuxuu u diray Hal Finney 10 bitcoins.

Waa maxay Bitcoin (BTC)? 

Abaalmarinta iyo Halving (Rewards & Halving)

Marka miner-ka (qodahu) uu ku guuleysto in uu xaliyo xisaabta (cryptographic puzzle) oo uu ku daro block-g cusub, waxaa la siiyaa abaalmarin bitcoins cusub ah . Si kastaba, abaalmarintan way yaraataa mar kasta oo la gaaro halving  tani waxay dhacdaa qiyaastii 4 sano kasta mar, halving kii ugu danbeeyay waxa uu dhacay 2024 abalmarintuna waxa ay hoos ugu soo dhacday 3.125 taasoo ka dhigan in tirada bitcoins ee la abuuro ay kala badnaato.

Tusaale ahaan, sanadihii hore abaalmarintu waxay ka  bilaabmaysay 50 BTC per block; si tartiib tartiib ah ayay hoos ugu dhacaysay .

Qaybsanaanta (Denominations) – Satoshi

Hal Bitcoin waxaa loo qaybin karaa ilaa 8 meelood dhinaca jajabinta (decimals), taas oo micnaheedu yahay in hal bitcoin loo jajabin karo 100 milyan oo qaybood. Qaybtan yar ee ugu hooseysa waxaa loogu yeeraa satoshi — oo ah 0.00000001 BTC.

Yuu ahaa Satoshi Nakamoto?

Satoshi Nakamoto wali qofna si dhab ah uma oga qofka uu ahaa . Waxaa laga yaabaa inuu yahay hal qof ama koox. Magaciisu asal ahaan waa Japanese, laakiin heerka sare ee uu English u yaqaanay ayay dadka qaar umaleeyeen in laga yaabo inuu yahay qof ku dhashay ama ku koray waddamada Englishka looga hadlo.

Waxyaalaha Muhiimka ah (Important)

  • 8-da Janaayo 2009: noocii ugu horeeyay ee software-ka Bitcoin ayaa lagu shaaciyey liiska Cryptography [3].
  • 9-ka Janaayo 2009: Block 1 ayaa la qoday, taasoo bilaw u ahayd -qodista Bitcoin ee bulshada dhexdeeda.

Sida Bitcoin u shaqayso: Teknoolojiyadda Blockchain

Blockchain waa diiwaan wadaaga (distributed ledger) oo kaydiya kala socodka dhammaan xawiladaha  Bitcoin. Halkii xogta lagu kaydin lahaa hal server, blockchain-ku wuxuu ku kaydsan yahay kumannaan kombuyuutar oo isku xidhan, kuwaas oo dhammaantood ilaalinaya  nuqulka diiwaanka.

Block waliba wuxuu ka kooban yahay madax (header) iyo liiska xawiladaha . Madaxkasta oo gaar ah waxaa ku jira macluumaad sida nooca software-ka, previous block hash (hash block-kii ka horeeyey), merkle root (hash guud oo ka kooban xawiladaha  block-ga), taariikhda (timestamp), heerka adayga  (difficulty), iyo nonce  lambarka loo adeegsado in la xaliyo xisaabta.

Hashing iyo sirta SHA-256 ayaa ah farsamooyinka aasaasiga u ah  ilaalinta xogta si aan loo beddelin; haddii wax laga beddelo block-ga, hash-kii block-gaas wuu is beddelaya, taasoo saamayn ku yeelanaysa dhammaan blocks-ka dambe [4]. 

Tusaale : Marka xalimo ay dirto BTC u dirto hasssan, database-ka blockchain ayaa cusboonaysiiya xisaabtooda:

  • 1 BTC ayaa laga jarayaa xalimo,
  • 1 BTC ayaa loogu darayaa hasssan.

Waxay la mid tahay in Xaliimo ku qortay warqad uu qof walba akhrisan karo, kuna sheegto inay 1 BTC siisay Hassan. Hadda, marka Hassan uu rabo inuu lacagtaas u diro Geedi, shabakadda (network) si sahlan ayay u hubin kartaa haddii Hassan weli hayo 1 BTC.

Blockchain wuxuu u shaqeeyaa sidii xisaab dhijitaal ah (digital ledger) oo diiwaangeliya macaamil kasta (transaction) isla markaana ilaalisa lacagaha dadka.

Qaab dhismeedka Block-ga

Block kasta oo ku jira blockchain-ka waa fayl xogeed ka kooban:

  • Block header: madaxa xogta block-ga.
  • Transaction counter: tirada xawiladaha  ee block-ga ku jirta.
  • Transactions: liiska dhammaan xawiladaha.

Block header-ka waxa ku jira:

  1. Software version – Nooca software-ka blockchain-ka (mararka qaar waxaa loo yaqaan “magic number”).
  2. Previous block hash – Xogta sirta ah ee laga soo xareeyey block-gii hore.
  3. Merkle root – Hal hash oo isku keenaya dhammaan hash-yadii xawiladihi hore  ee block-gaas.
  4. Timestamp – Taariikhda iyo waqtiga uu furmay block-gu.
  5. Difficulty target – Heerka adayga ee ay miners-ku isku dayeen  in ay xaliyaan.
  6. Nonce – Lambarka loo adeegsado hal mar si loogu xaliyo xisaabta sirta ah ee furitaanka block-ga [5].

Block kasta wuxuu xambaarsan yahay xog sir ah oo laga soo qaaday block-kii hore, taasoo keenaysa  in la helo silsilad (chain) isku xiran oo ka kooban blocks badan ilaa laga gaaro midkii ugu horeeyay — genesis block.

Sirta iyo Amniga (Encryption)

Bitcoin wuxuu adeegsadaa SHA-256 hashing algorithm si uu u xafido  xogta ku jirta blocks-ka blockchain-ka. Marka xogta xawiladaha  la geliyo block-ga, waxaa loo beddelaa tiro 256-bit ah (oo ka kooban 64 xarfaha hexadecimal). Tiradan sirta ah waxay ka kooban yihin  dhammaan xogtii xawiladaha iyo xiriirkii ay la lahayeen blocks-kii ka horeeyey. 

Habkan sirta ah ayaa muhiim u ah in xogta aan la beddeli karin. Haddii hal xabo oo xog ah la beddelo, hash-kii oo dhan wuu is beddelayaa, taasoo burin karta silsiladda oo dhan  sidaas darteed waa sababta blockchain uu u yahay mid ammaan ah [6].

Sida Loo iibsado Bitcoin (How to Buy Bitcoin)

Haddii aadan rabin inaad Bitcoin qodo  (mining), waxaad si fudud u iibsan kartaa adigoo adeegsanaya cryptocurrency exchange. Badi dadka maanta ma awoodaan inay iibsadaan hal Bitcoin oo dhan, sababtoo ah qiimaheedu  aad ayuu  u sarreeyaa. Laakiin waxaad iibsan kartaa qayb ka mid ah Bitcoin, tusaale ahaan 0.01 BTC, adigoo isticmaalaya lacag rasmi ah sida Doolarka Maraykanka [7].

Tallaabooyinka lagu iibsado Bitcoin:

  1. Furo akoon exchange ah Tusaale ahaan, Coinbase, Binance, Kraken, ama OKX.
  2. Ku xidh akoonkaaga bangiga ama kaarkaaga – waxaad ku maalgelin kartaa lacag (USD, EUR, TRY, iwm.).
  3. Raadi BTC – kadibna dooro inta aad rabto inaad iibsato.
  4. Xaqiiji iibsashada –  waa la xaqiijiyaa, waxaana Bitcoin-ka lagu keydiyaa wallet-kaaga.

Tusaale ahaan, Coinbase wuxuu kuu oggolaanayaa inaad iibsato Bitcoin adigoo adeegsanaya bangigaaga ama kaarkaaga daynta/debit-ka. Sidoo kale, waxaad Bitcoin ku iibsan kartaa meelo kale sida Binance P2P, halkaas oo dadku si toos ah u kala iibsadaan Bitcoin-ta.whitepaper by Satoshi Nakamoto.

Sida Loo Qodo Bitcoin (How to Mine Bitcoin)

Markii hore, waxaa suurtogal ahayd in Bitcoin lagu qodo kombuyuutar caadi ah oo shaqsi leeyahay. Laakiin hadda, iyadoo shabakadda Bitcoin ay aad u kortay oo ay soo bateen qodayaasha (miners), fursadda qof keli ah uu ku xaliyo hash waa mid aad u yar.

Sanadka 2025, shabakadda Bitcoin waxay soo saartaa qiyaastii 920 quintillion hashes ilbiriqsigii, taasoo ka dhigan tartan aan sahlaneyn. Si kastaba, waxaa jira laba waddo oo aad ku heli karto fursad aad ku qodo bitcoin-ta :

  1. Mining Pool – Ku biir koox -qodayaal ah si aad u wadaagtaan awoodda kombuyuutarradiinna. Barnaamijyada caanka ah waxaa ka mid ah CGMiner iyo BFGMiner.
  2. ASIC Miner – iibso qalab khaas ah oo loogu talagalay miningka, oo la yiraahdo Application Specific Integrated Circuit (ASIC). Qiimihiisu waa qiyaastii $10,000 marka uu cusub yahay , halka kuwa la isticmaalay lagu qiimeeyo qiime  hooseya.

Laakiin maskaxda ku hay: xitaa haddii aad leedahay 1–2 ASIC, weli ma jirto dammaanad in aad abaalmarin hesho, sababtoo ah shirkado waawayn oo leh boqollaal kun oo qalab ah ayaa kula tartamaaya.

Bitcoin mining waa habka lagu ilaaliyo shabakadda Bitcoin sido kale lagu xaqiijiyo xawilaadaha.

Marka qof BTC diro, wuxuu u diraa shabakadda halkaas oo ay nodes kale (miners) xaqiijinayaan.

Mining micnaheedu waa xaqiijinta xawilaadaha iyo kaydintooda blockchain-ka. Si tan loo sameeyo, miners waxay ku tartamaan inay xalliyaan su’aal xisaabeed aad u adag, taasoo u baahan awood xisaabeed (computing power) aad u badan.

  • Nodes-ku waxay isku dayaan inay xalliyaan su’aalo adag si ay u xaqiijiyaan waxiladaha (transactions).

Node-ka ugu horreeya ee xalliya su’aasha, wuxuu helaya fursad uu ku daro block cusub oo xawilado ah blockchain-ka.

Abaalmarin ahaan, node-kaas xisabta xaliyay waxa uu helayaa Bitcoin cusub.

Qiimaha sare ee mining-ku wuxuu ka caawiyaa shabakadda inay noqoto mid amnigeedu sareeyo. Block walba oo la sameeyo waxa uu keenayaa bitcoin cusub oo lagu daro wadarta lacagta guud la diwangaliyay.

Talo Muhiim ah (Tip)

Ku biirista mining pool waxay kordhin kartaa fursadda in lagu siiyo abaalmarin (reward), laakiin waa muhiim inaad barato:

  • Qaabka loo qaybsado abaalmarinta.
  • Kharashyada (fees) ay pool-ku qaataan.
  • Iyo inaad akhrido dib u eegista (reviews) mining pools-ka.

Waa Maxay Proof of Work (PoW)?

Si loo ilaaliyo badbaadada iyo daahfurnaanta blockchain-ka, BTC waxay isticmaashaa nidaam loo yaqaan Proof of Work (PoW).

Proof of Work waa nidaamka xaqiijinaya xawiladaha cusub ee la gelinayo blockchain-ka inay yihiin kuwo saxan . Waxay u baahan tahay shaqo culus (xisaab adag) si block loo abuuro, laakiin si sahlan ayaa loo hubiyaa marka la dhamaystiro .

Qaanuunku wuxuu dhigaya in la abuuro ugu badnaan 21 milyan oo BTC ah. Sida laga soo xigtay xogta Sebtembar 2024, in ka badan 94% Bitcoin-ka ayaa la soo saaray (la “mine”-gareeyay), laakiin waxay qaadan doontaa sanado aad u badan si loo helo inta hartay.

Tusaale fudud:

  • Miner-ka waa inuu xalliyo xisaab adag si uu block cusub ugu daro blockchain-ka.
  • Haddii uu isku dayo inuu abuuro (block aan sax ahayn), shabakaddu si degdeg ah ayay u diidiidaysa block-kaas.
  • Mininka kacsan iyo qarashka sare ee mining-ka ayaa ka hortaga in dadku wax khaldan geliyaan.

Intaas waxaa dheer, cryptocurrencies badan oo kale (oo BTC la mid ah sida : Litecoin) waxay isticmaalaan Proof of Work si ay u ilaaliyaan shabakadooda.

 Sida Loo Adeegsado Bitcoin & Khatarta Maalgashiga

Bitcoin markii hore waxaa loo sameeyay in uu noqdo hab lacag bixineed oo toos ah (peer-to-peer), laakiin maanta wuxuu isu beddelay maalgashi iyo kayd qiimeeed. Qiimaha sii kordhaya, tartanka ka imanaya crypto kale, iyo horumarka blockchain-ka ayaa beddelay sidii loo gutalagay  Bitcoin-ta .

 Isticmaalka Bitcoin ee Lacag Bixinta

Bitcoin waxaa aqbala in badan oo ka mid ah ganacsiyada, dukaamada iyo adeeg bixiyeyaasha onleenka ah.

  • Dukaamada (brick-and-mortar) ee aqbala Bitcoin waxay muujiyaan calaamad leh “Bitcoin Accepted Here.”
  • Xawilada  waxaa la sameeyaa iyadoo la isticmaalayo QR code, wallet app, ama terminal lacag bixineed.
  • Ganacsiyada onleenka ah waxay si fudud ugu dari karaan ikhtiyaarka lacag bixinta Bitcoin si la mid ah sida PayPal ama kaarka daynta [8].
Waa maxay Bitcoin (BTC)? 

Talo: Si aad Bitcoin u isticmaasho, waa inaad haysataa cryptocurrency wallet — tani waa halka lagu kaydiyo furayaasha gaarka ah (private keys) ee kuu oggolaanaya inaad lacag dirto ama hesho [9].

Maalgashi & Falanqayn (Investing and Speculating)

Markii Bitcoin uu caan noqday, maalgashadeyaal iyo ganacsato ayaa bilaabay in ay xiiseyaan. Intii u dhaxeysay 2009 iyo 2017, qiimaha bitcoin  si tartiib ah ayuu kor ugu kacayay ilaa uu ka gaaray $1,000 sanadkii 2017. Waxaa xigtay koror wayn oo qiimaheedu  gaaray $69,000 bishii November 2021.

Kadib hoos ayuu u dhacay sanadkii 2022, laakiin sanadihii 2023–2025 ayuu  mar kale kor u kacay, iyadoo  biloowgii 2025 gaaray $124,000 taasoo ahayd rekoodh cusub.

Qiimaha Bitcoin wuxuu aad ugu xiran yahay dareenka suuqa, siyaasadda, iyo wararka waawayn. Maalgashadayaasha badankood waxay adeegsadaan istaraatijiyad la yiraahdo “trade the news”, taas oo micnaheedu tahay in ay iibsadaan Bitcoin marka ay dhacaan warar saamaynaya  suuqa.

 Khatarta Maalgashi ee Bitcoin

Inkasta oo Bitcoin ay bixiso fursado faa’iido leh, haddana waxaa la socda khataro badan:

1.  Khatarta Sharci (Regulatory Risk)

Dowladaha iyo hay’adaha maaliyadeed wali ma qeexin sida saxda ah ee loo maamulo Bitcoin. Mararka qaar, sharciyada cusub waxay keeni karaan in qiimuhu hoos u dhaco.

2.  Khatar Amni (Security Risk)

Dad badan ma qodan karan  Bitcoin; waxay ka iibsadaan exchanges-ka sida Coinbase ama Binance. Hase yeeshee, is-waydaarsiyadan waa dhijitaal waxayna halis ugu jiraan hackers iyo cillado farsamo.

3.  Khatar Caymis (Insurance Risk)

Bitcoin lama siin karo wax caymis ah sida  hay’adaha FDIC ama SIPC. Qaar ka mid ah is-waydaarsiyada(decentralized) sida Gemini iyo Coinbase ayaa bixiya caymis xaddidan, laakiin waa kaliya haddii cillad aya ka timaado nidaamkooda [10].

4.  Khatarta Suuqa (Market Risk)

Qiimaha Bitcoin aad ayuu isku badali kara wakhti kooban  (volatile). Waxaa suuragal ah in uu maalin gudaheed kaco ama uu hoos u dhaco.

5. Khatarta Musuqmaasuqa (Fraud Risk)

Inkasta oo blockchain uu yahay mid ammaan ah, hadana waxaa jira fursado lagu khiyaamaykaro dadka cusub, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan lacagaha been abuurka ah ama mashruucyo “fake” ah.

Khataraha ugu waaweyn:

  1. Hacking iyo xatooyo: Tuugada internet-ka (hackers) waxay isticmaalaan xeelado sida phishing si ay u helaan furahaaga sirta ah (private keys) ama xisaabtaada.

Phishing waa nooc ka mid ah khiyanada internet-ka taas oo la isku dayo in lagaa xado xogtaada gaarka ah sida:

  • Ereyada sirta ah (password)
  • Lambarka kaarkaaga bangiga
  • Aqoonsigaaga (username)
  • Macluumaadka lacagta sida PIN ama CVV

2. Malware iyo ransomware: sida kombiyuutarkaaga ama telefoonkaaga — waxaa lagu rakibaya barnaamijyo waxyeello leh (malware), kuwaas oo loo isticmaalo in lagaa xado Bitcoin-kaaga ama xogtaada kale.

Mararka qaar, waxaa jiri kara nooc gaar ah oo malware ah oo la yiraahdo ransomware. Markuu moobilkaaga soo galo, wuxuu xirayaa faylashaada, kadibna wuxuu kuu soo dirayaa fariin uu kugu leeyahay:

Haddii aad rabto in faylasha laguu furo, bixi lacag — badanaa Bitcoin.”

Ransomware-kaas wuxuu kaa dhigayaa in aad khasab ku bixiso lacagta si aad u hesho faylashaada mar kale.

Malware: waa eray guud oo loo adeegsado dhammaan barnaamijyada waxyeellada leh ee loo diro kombiyuutarrada ama moobilada si:

  • Loo xado xogtaada
  • Loo burburiyo ama loo qalqal geliyo computerka ama moobilka
  • Loo helo xogtada si qarsoodi ah

Noocyada malware-ka waxaa ka mid ah:

Virus –Worm –Trojan Horse –Spyware –Adware

Sida Aad Iskaga Ilaalin Karto:

  • Adeegso password adag oo adkaysi leh.
  • Isticmaal two-factor authentication (2FA).
  • Ku keydi Bitcoin-kaaga wallet ammaan ah oo aan si fudud loo jabsan karin.
  • Software-rada Bitcoin ku saabsan kala soo dag meelaha lagu kalsoon yahay ee rasmiga ah.

Xeerarka & Shuruucda Bitcoin

Maalmahan, waddamo kala duwan waxay isku dayayaan in ay sameeyaan xeerar cad oo ku saabsan crypto.

  • 🇺🇸 Maraykanka: Hay’adda SEC waxay 2025 ku dhawaaqday barnaamij la yiraahdo Project Crypto, si loo caddeeyo shuruucda lagu maamulayo crypto.
  • 🇪🇺 Midowga Yurub: Sharciga Markets in Crypto Assets (MiCA) ayaa dhaqan galay 2023, kaas oo nidaaminaya cryptada  dhammaan EU.
  • 🇮🇳 Hindiya: Wali ma ogola crypto si buuxda, waxayna mamnuucday dhowr is-waydaarsi sanadkii 2023.

 FAQs

1. Waa maxay dhab ahaantii Bitcoin , sideese u shaqaysa ?
Bitcoin waa lacag dijitaal ah oo aan lahayn xarun dhexe. Waxay ku shaqeysaa blockchain, kaasoo xogta  kaydiya si ammaan ah oo aan la beddeli karin.

2. Haddii aan maanta $100 gashado, maxaa dhici kara?
Qiimaha Bitcoin aad ayuu  u kacsan yahay. Waxaa laga yaabaa inaad faa’iido  heshid, ama  sidoo kale khasaarto.

3. Ma lagu badalankara Bitcoin lacagaha  caadi ah?
Haa. Waxaa lagu beddeli karaa lacagaha sida USD, EUR, ama TRY.

 Gunaanad 

Bitcoin waxay ahayd lacagtii ugu horreysay oo  dhijitaal ah oo dunida laga hirgeliyo sanadkii 2009. Maanta wuxuu noqday mid si wayn loo isticmaalo — qaarna waxay u arkaan lacag, qaarna waxay u arkaan maalgashi.

Inkastoo qodista (mining) Bitcoin ay adag tahay, haddana iibsashada iyo iska iibintu  waa  ay sahlan tahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in maalgashaduhu fahmo khataraha .


Talo: Ka hor inta aadan maalgelin samayn , hubi inaad fahantay suuqa, khataraha, iyo istaraatijiyadda aad rabto inaad raacdo.

#Bitcoin#WaaMaxayBitcoin#SidaLooIibsadoBitcoin#BitcoinMining#BlockchainIyoBitcoin#MaalgashiBitcoin#SatoshiNakamoto#ProofOfWork

1 thought on “Waa maxay Bitcoin (BTC)? ”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top