Somali Business Journal

Waa Kuma Satoshi Nakamoto?

Waa Kuma Satoshi Nakamoto waa magac qarsoon oo  ay isticmaleen abuurayashii Bitcoin iyo qoraagii qoray warqaddii asalka ahayd ee Bitcoin (whitepaper).

Dad badan ayaa isku dayay inay sheegtaan inay yihiin Satoshi Nakamoto, balse ilaa maanta lama hubo cidda dhabta ah.

Inkastoo Satoshi uu qarsoonaa in ka badan 10 sano, haddana hufnaanta blockchain ayaa caddaysay in Satoshi uu wali leeyahay bitcoins.

Xogtiisa  waxaa lagu ogaaday iyadoo loo marayo furayaasha dadweynaha (public keys) ee laga helay genesis block (block-kii ugu horreeyay ee la sameeyay).

hordhac

Sanadkii 2008, qof wata magaca Satoshi Nakamoto ayaa daabacay qoraal kusabsab Bitcoin , wuxu qoray : Bitcoin: A Peer-to-Peer Electronic Cash System.

Qoraalkan waxa uu sharxayaa sida lacag elektaroonik ah oo aan lahayn bangi dhexe loo isticmaali karo.

Satoshi Nakamoto ma ahayn qofka curiyay fikradda blockchain, waxa uu ahaa kii ugu horreeyay ee sameeyay lacag ku dhisan blockchain.[1]

Bitcoin si rasmi ah ayaa loo bilaabay sanadkii 2009.

Ka hor intaas, Satoshi waxa uu  si qarsoodi ah u isticmali jiray  emails iyo forums (goobaha doodaha ee internetka).

Sanadkii 2011, Satoshi si lama filaan ah ayuu u joojiyay dhammaan xiriirkii uu la lahaa dadka. Wixii markaas ka dambeeyay, laga soobilabo xiligas ila hada lama yaqan qofka uu yahay Satoshi Nakamoto.

Waxa kaliya ee la ognahay waa  in Satoshi uu ahaa qof/koox horumariyay lacagti ugu horreysay oo ah decentralised

Waxyaabaha Muhiimka ah ee la xasuusto:

  • Satoshi Nakamoto waa magac la isticmaalay markii la sameynayay Bitcoin.
  • 2008 ayuu qoray qoraalki Bitcoin (whitepaper).
  • 2009 ayay Bitcoin si rasmi ah u shaqo bilowday.
  • 2011 ayuu Satoshi qarsoomay oo laga waayay internet-ka. Illaa hadda cidda dhabta ah lama yaqaan.

Waa Kuma Satoshi Nakamoto?

Kahor inta aynaan ka jawaabin su’aashan, waa in aan marka hore isweydiinaa:

“Ma hal qof baa mise waa koox ?”

Nasiib darro, wax caddeyn ah oo adag ma hayno si aan u xaqiijino midkood.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in Satoshi uu yahay hal qof, laakiin qaar kale waxay sidokale aaminsan  yihiin inay yihin koox ay ku jiraan computer scientists, cryptography experts, iyo cypherpunks.

Kahor inta uusan Satoshi joojin dhammaan xiriirka bishii April 2011, wuxuu sheegay inuu yahay nin Japanese ah oo dhashay April 5, 1975.

Laakiin dadku waxa ay ogaadeen inuu yahay qof englishka sifican u yaqan taas oo muujinaysa inuu kaso jeedo wadamada english ka looga hadlo  Sidoo kale, waqtiga uu wax soo qori jiray wuxuu badanaa ahanjiray  saacadaha shaqada Yurub, taas oo dad badan ka shakisiisay inuu Japan degan yahay .

Dad iyo kooxo badan ayaa lagu tuhmay inay yihiin Satoshi Nakamoto, laakiin tiro yar oo keliya ayaa loo maleeyay inay yihin .

Hal Finney

waxa uu ka mid ahaa kuwa ugu suurtagalka badan ee laga yaabo inuu yahay Satoshi Nakamoto.

Hal Finney wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee isticmaalay Bitcoin, sidoo kale waa ninkii qaatay Bitcoin transaction-kii ugu horreeyay abid.

Waxa uu sidoo kale ahaa software developer iyo mid ka mid ah cypherpunks-kii caan baxay 1990-meeyadii.

Nasiib darro, Hal Finney wuxuu geeriyooday sanadkii 2014 kadib markii uu la xanuunsaday cudur neerfaha ku dhaca oo sababay inuu muddo paralyzed noqdo ka hor inta anuu dhiman.

Isagu had iyo jeer wuu diidi jiray in uu yahay Satoshi Nakamoto.

Nick Szabo

Nick Szabo waa mid kale oo si aad ah loogu tuhunsan yahay inuu yahay Satoshi Nakamoto.

waxa uu ahaa computer scientist caan ah oo abuuray lacagta dhijitaalka ah ee la yiraahdo bit gold sanado kahor intii aan la helin Bitcoin.

Isaga iyo Satoshi waxay aad isugu ekaayeen marka la eego qoraalkooda, waqtiga ay wax qoraan, iyo xiriirkooda gudaha bulshada cypherpunk.

Inkastoo Nick Szabo uu si cad u diiday inuu yahay Satoshi Nakamoto, dad badan oo ka tirsan bulshada cryptocurrency ma rumaysna inkiraadiisa. Waxaa jira waxyaabo badan oo isaga iyo Satoshi iskaga egyihiin , kuwaas oo la oran karo waa shil ama waa ulakac.

Dorian Nakamoto

Dorian Nakamoto waa nin Japanese-American ah oo magaciisu dhab ahaantii yahay Satoshi Nakamoto.

Wuxuu ahaa  computer engineer waxa uu u shaqayn jiray shirkado ka shaqeeya technologiyada iyo adeegyada maaliyadeed.

Sidoo kale, Dorian wuxuu muddo ka badan 10 sano kunoola  magaalada California taas oo ah isla magalada uu ku noola  Hal Finney.

Markii la wareystay, Dorian wuxuu u muuqday inuu qirtay inuu qayb ka ahaa horumarinta Bitcoin.

Laakiin markaa kadib, wuxuu sheegay in uu si qalad ah u fahmay su’aasha. Wuxuu cadeeyay inuusan marnaba ka shaqeyn mashruuca Bitcoin, xitaa uusan garanayn jiritaankiisa ilaa saxaafaddu si weyn u buunbuunisay sheekada ku saabsan isaga.

Documentary-ga HBO

Bishii October 2024, agaasimaha filimada Cullen Hoback iyo HBO waxay ku dhawaaqeen filimkooda cusub ee la yiraahdo “Money Electric: The Bitcoin Mystery.”

Filimkan wuxuu isku dayayaa inuu baaritaan ku sameeyo cidda dhabta ah ee abuuray Bitcoin, isagoo muujinaya in laga yaabo in la helo xog cusub oo ku saabsan Satoshi Nakamoto.

Cullen Hoback, oo horey u sameeyay taxanaha HBO ee la yiraahdo “Q: Into the Storm”, markaas  oo uu sheegay inuu helay dadkii ka dambeeyay sheekadii QAnon, hadda wuxuu feejignaan dheeraad ah saarayaa baaritaanka Satoshi Nakamoto.

Satoshi Nakamoto, Immisa Ayuu Hantiday?

Si kastaba ha noqotee, qofka dhabta ah ee Satoshi Nakamoto ah, waxa hubaal ah inuu aad u taajirsan yahay.

Forensic technologists (cilmi-baarayaal raady) ayaa helay halka uu Satoshi ku kaydiyay bitcoins-kiisa, taas oo muujisay hantidiisu inta ay dhantahay.

Tan iyo bilowgii 2009, Satoshi Nakamoto xitaa hal satoshi ma uu kharash garayn.

Qiimeynta lacagta uu haysto way kala duwan tahay, laakiin inta badan dadku waxay aaminsan yihiin inuu leeyahay ku dhowaad 1 million Bitcoins.

Tani waxay ka dhigaysaa Satoshi mid ka mid ah dadka ugu taajirsan dunida.

Markii la qiimeeyay suuqa Bitcoin bishii October 2024, bitcoins-ka uu haysto  waxay qiimaheedu ka badnaatay $61 billion.

Gunaanad

Waxaa jira dad badan oo sheegtay inay iyagu yihiin Satoshi Nakamoto.

Satoshi wuxuu noqon karaa hal qof ama koox dad ah.

Xita lama oga inuu geeriyooday iyo inkale .

Laakiin ilaa aan helno caddeyn dhab ah, qofna  si rasmi ah uma ogaan karo  cidda  Satoshi Nakamoto tahay.

Dadka intooda badan ee ku jira bulshada Bitcoin iyo crypto waxay aaminsan yihiin in aqoonsiga Satoshi ay qarsoodi sii   ahaato waligeed, si Bitcoin u sii ahaato mid xor ah oo aan cid gaar ah lagu xirin.

Qodobbo Muhiim ah:

  • Nick Szabo waa qof lagu tuhunsan yahay inuu yahay Satoshi.
  • Dorian Nakamoto magaciisu waa Satoshi Nakamoto, laakiin wuu inkiray inuu ka shaqeeyay Bitcoin.
  • Satoshi Nakamoto wuxuu leeyahay qiyaastii 1.1 million Bitcoin ah , taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah dadka ugu hantida badan aduunka.
  • Aqoonsiga Satoshi Nakamoto wali waa sir waana sugayna malinta la ogaado .

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top