SEC (Securities and Exchange Commission) waa hay’ad federaal ah , una xilsaaran ilaalinta maalgashadayaasha iyo hufnaanta suuqyada saamiyada.
Ujeedada ugu weyn ee SEC waa in la hubiyo in shirkaduhu si saxan oo cadaalad ah ula xiriiraan maalgashadayaasha, si suuqa saamiyadu unoqdo mid hufan. Guddigan ayaa sidoo kale fuliya shuruucda muhiimka ah ee suuqyada maaliyadeed, sidaa darteed maal-gashadayaasha iyo shirkadaha waa inay u hoggaansamaan xeerarka ay dejiso SEC.
SEC waxaa la aasaasay 1934-kii, kadib burburkii weynaa ee suuqyada maraykanka 1929, si maalgashadayaashu u helaan kalsooni dheeraad ah.

Sidee ayay U Shaqaysaa SEC
SEC waxa ay leedahay qaab-dhismeed nidaamsan oo ka kooban guddi qaabilsan maamulka iyo waaxyo shaqo oo kala duwan. Guddiga SEC waxay ka koobantahay shan xubnood oo Komishan ah, kuwaas oo Madaxweynuhu uu magacaabo, waxaana ansixiya Senate-ka Mareykanka. Xilalkoodu waa 5 sano oo iskudhafan, Si SEC uga madax-banaanaato eex siyaasadeed, waxaa sharcigu dhigayaa in ugu badnaan saddex xubnood ay ka imaan karaan hal xisbi siyaasadeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka ayaa shanta xubnood ee guddiga ka dhex doorta mid, si uu u noqdo Guddoomiyaha SEC, oo ah qofka hay’adda hoggaaminaya.1
qaybaha ugu muhiimsan ee SEC waxaa ka mid ah:
Waaxda Fulinta (Division of Enforcement) qaybatan oo baaritaanno ku samaysa cid kasta oo jebisa sharciyada suuqa.
iyo Waaxda Maaliyadda Shirkadaha (Corporation Finance) waxay dib u eegta warbixinada maaliyadeed ee shirkadaha,
Waaxda Ganacsiga iyo suuqyada (Trading and Markets) waxay kormeerta nidaamka ganacsiga suuqyada saamiyada,
Waaxda Maaraynta Maalgashiga (Investment Management) waxay la socota sanduuqyada maalgashiga iyo shirkadaha kale ee maalgashiga,
iyo Waaxda Falanqaynta Dhaqaalaha (Economic and Risk Analysis) waxay qiimeysa saamaynta dhaqaale ee xeerarka cusub.
Shaqada SEC waxaa sido kale ka mid ah in shirkadaha iyo hay’adaha kale ee maalgelinta ay si joogto ah ay ugu soo gudbiyaan warbixinno maaliyadeed oo faahfaahsan.
Tusaale
shirkaduhu waa inay sanad kasta diyaariyaan Warbixinta 10-K iyo (3dii biloodba mar), Warbixinta 10-Q, taas oo SEC u xaqiijinaysa inay helayso xogta ku saabsan dhaqaalaha shirkadda.[2]
Sidoo kale, shirkaduhu waa inay sameeyaan warbixinnada 8-K marka dhacdooyin muhiim ah oo lama filaan ah ay soo baxaan. [3]
Maxay yihin warbixinada 10-K , 10-Q iyo 8-K :
- Warbixinta 10-K: Waa warbixin maaliyadeed oo dhamaystiran taas oo shirkad kastaa ay soo gudbiso sanadkiiba hal mar. Waxaa ku jira dhammaan faahfaahinta shirkadda: lacagaha ay heshay, lacagaha ay bixisay, khataraha ay wajahdo, qorshayaasheeda, iwm. Waa warbixin aad u faahfaahsan .
- Warbixinta 10-Q: waa warbixin maaliyadeed oo shirkaduhu soo diraan rubuc kasta (3 biloodba mar). Warbixintan waa mid kooban marka la barbardhigo 10-K, laakiin weli waxay sheegtaa sida dhaqaalaha shirkadaha uu yahay.
- Warbixinta 8-K waa in la diraa 8-K marka ay dhacdo arrin lama filaan ah.
Tusaale ahaan, haddii agaasimaha shirkadda iscasilo ama shirkaddu khasaare weyn la kulanto.
Warbixintu waxay suuqyada iyo maalgashadayaasha ka caawisaa inay ogaadaan wixii dhacay.
Dhammaan warbixinadaan waxaa lagu soo gudbiyaa hab elektaroonik ah oo la yiraahdo EDGAR.
Marka SEC ay hesho xogta shirkadaha, waxay samaysaa dib u eegis.
Xogta saxda ah waxay ka caawisaa maalgashadayaasha inay gaaraan go’aanno xog ogaal ah.
Haddii qof ama shirkad jabiso xeerarka, Waaxda Fulinta SEC waxay qaaddaa tallaabo sharci.
Waxay dacwo u gudbisaa maxkamad ama waxay ku ganaaxdaa ciqaabo maaliyadeed.
Shuruucda Fulinta.
- Xeerka Securities ee 1933 wuxuu dhigaya in shirkad kasta oo saami cusub iibinaysa ay iska diiwaangeliso SEC.
Sidoo kale, waa inay soo bandhigto macluumaad maaliyadeed oo dhameystiran.
Ujeeddadu waa in maalgashadayaashu ay helaan xog muhiim ah ka hor intaanay maalgashan.[5]. - waxaana mamnuuc ah iibinta saami warbixin la,aan am an ladiwangalin . Sharcigan waxa uu gacan ka gaystay in la yareeyo khiyaanada iyo wax isdabamarinta
- Xeerka Exchange Act ee 1934 waa xeerkii aasaasay SEC, waxaana looga dan lahaa in lagu kormeero suuqa saamiyada kadib burburkii suuqa samiyada maraykanka
Xeerkan wuxuu farayaa in shirkad kasta oo saamiyadeeda ka iibisa dadweynaha ay si joogto ah u soo gudbiso warbixino maaliyadeed (sida 10- iyo 10-Q ). Tani waxay ka caawisaa maalgashadayaasha inay si cad u fahmaan xaaladda dhabta ah ee shirkadda.
Sidoo kale, xeerkan wuxuu mamnuucayaa khiyaanada suuqa. Gaar ahaan, qodobka 10b-5 wuxuu leeyahay: qof kasta oo addegsada khiyaano, ama qariya macluumaad muhiim ah oo maalgashadayaashu u baahanyihin, waa la ganaaxi doona.[6]
Ugu dambayn, Xeerka 1934 wuxuu si rasmi ah u mamnuucayaa ganacsiga sharci darrada ah (manipulation) iyo khiyaamada
Xeerka Hay’adaha Maalgashiga (Investment Company Act, 1940)
Xeerkan waxaa la ansixiyay sanadkii 1940, wuxuuna xakameeyaa sanduuqyada maalgashiga iyo hay’adaha kale ee maalgelinta dadweynaha. Shirkadaha noocan ah waxaa looga baahan yahay inay iska diiwaangeliyaan hay’adda SEC (Securities and Exchange Commission).
Sidoo kale, waa inay si joogto ah u soo bandhigaan warbixino maaliyadeed si loo ilaaliyo maalgeliyeyaasha, lagana hortago khiyaamo iyo xadgudub.
Xeerka La-taliyayaasha Maalgashiga (Investment Advisers Act, 1940)
Xeerkan wuxuu sharciyeeyaa dad ama shirkado bixiya adeegyada talo-bixinta maalgashiga. Waxaa looga baahan yahay in lataliyayaasha maalgashiga ay iska diiwaangeliyaan SEC, isla markaana ay u hoggaansamaan qawaaniinta anshaxa iyo daah-furnaanta.
Ujeeddada xeerkan waa in la xaqiijiyo in maalgeliyeyaashu helaan talooyin lagu kalsoonaan karo oo hufan.
Xeerka Sarbanes-Oxley (2002)
Kadib musuqmaasuqyo waaweyn oo ka dhacay shirkado ay ka mid yihiin Enron iyo WorldCom dabayaaqadii sanadkii 2001, Congress-ku wuxuu ansixiyay xeer cusub oo lagu magacaabo Sarbanes-Oxley.
Sharcigani wuxuu kor u qaaday isla xisaabtanka shirkadaha waaweyn, wuxuuna adkeeyay maareynta maamulka gudaha iyo ilaalinta xogta maaliyadeed, si loo yareeyo khiyaanada iyo khaladaadka xagga xisaabaadka.
Xeerka Dodd-Frank (2010)
Kadib burburkii weynaa ee maaliyadeed ee dhacay 2008, Congress-ku wuxuu ansixiyay Xeerka Dodd-Frank si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Sharcigani wuxuu ballaariyay awoodaha SEC, wuxuuna ku daray kormeerka suuqyada halista ah, hay’adaha qiimeeya amaahda (credit rating agencies), iyo sidoo kale barnaamijyo wax looga qabanayo khataraha dhaqaale ee waaweyn.
Taariikhda SEC:
- 1929: Suuqa saamiyada maraykanka ayaa burburay, dadkuna waxay waayeen kalsoonidii maalgashiga. Taas ayaa keentay baahi loo qabo sharciyo iyo kormeer cusub.
- 1933-1934: Dowladda Maraykanku waxay ansixisay xeerar cusub oo suuqyada nidaamiya. 1934-kii waxaa la aasaasay SEC si ay u ilaaliso suuqyada. Madaxwaynihi maraykanka Roosevelt wuxuu u magacaabay Joseph P. Kennedy Sr. inuu noqdo guddoomiyihii ugu horreeyay ee SEC, si loo dhiso kalsoonida maalgashadayaasha.
- 1935-1940: SEC waxay furatay xafiisyo gobol si ay u balaadhiso kormeerka. Waxaa la ansixiyay sharciyo cusub oo xakamaynaya shirkadaha tamarta (PUHCA) iyo sanduuqyada maalgashiga (Investment Acts).
- 1970-1980: Waxaa la adkeeyay xeerarka, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah khiyaanada (insider trading). Teknoolojiyada cusub sida kombuyuutarada ayaa fududeeyay ururinta iyo falanqaynta xogta suuqayada .
- 1990-meeyadii, SEC waxay bilawday nidaamka EDGAR si shirkaduhu warbixinnada ugu diraan si elektaroonik ah.
Tani waxay dadka u sahlaysaa inay si degdeg ah u helaan xogta maaliyadeed. - 2000-2008: Waxaa dhacay burburka shirkadaha tiknoolajiyada (Dot-com) sido kale waxa bilowmay musuqmaasuq (sida Enron). Sidoo kale, burburkii dhaqaalaha 2008 wuxuu keenay in SEC ay kormeerto oo la adkeeyo xeerarka cusub sida (Dodd-Frank Act).
- 2010-illaa hadda: Suuqyo cusub sida cryptocurrency iyo AI ayaa soo baxay. SEC waxay si dhow ula socotaa wax-soo-saarka cusub, waxayna xoogga saarta ilaalinta maalgashadayaasha iyo
Kacdoonnadii Muhiimka Ahaa:
- Ilaalinta Macluumaadka ayaa la adkeeyay iyadoo la hirgeliyay nidaamka EDGAR.
Tani waxay maalgashadayaasha u sahashay inay si fudud u helaan xogta shirkadaha. - Horumarka Teknolojiyada: Imaatinka internetka iyo qalabyada casriga ah ayaa suuqyada si xawli ah u beddelay. SEC waxay la qabsatay nidaamyada online-ka ah si ay si joogto ah ula socoto ganacsiga iyo xogaha suuqa.
- Shilalka iyo Musuqa, burburkii 2008 kadib iyo khiyaamadii Bernie Madoff, SEC waxay ku qasbanatay inay dejiso sharciyo cusub.
Sharciyadan waxaa ka mid aha barnaamijka Whistleblower, kaasoo abaalmariya dadka soo bandhiga sharci-jebinta. - Horumarka Caalamiga ah: Maadaama suuqyada ay noqdeen caalami, SEC waxay la shaqaysaa hay’ado caalami ah si loo xakameeyo khiyaanooyinka suuqyada xuduudaha dhaafa. Sidoo kale, suuqyada cusub sida cryptocurrency waxay keeneen in la diyaariyo xeerar cusub.
Caqabadaha SEC:
- Khayraad Xaddidan: SEC mararka qaar ma haysato lacag iyo shaqaale ku filan si ay u kormeerto suuqyada soo koraya iyo teknoolojiyada cusub.
- Isbeddelada Sharciga:Sharciyada cusub iyo go’aamada maxkamadaha (tusaale SEC vs. Jarkesy 2024) waxay bedelaan awoodaha SEC, taasoo ku qasbeysa inay la qabsato.
- Kalsoonida Dadwaynaha: Dhaliilo ayaa SEC loo jeediyaa marka ay si gaabis ah uga falceliso musuqmaasuqa, taasoo saameysa kalsoonida dadwaynaha.
- Teknoolojiyada Cusub: Kobaca
kriptogaiyo teknoolojiyada cusub waxay abuureen meelo aan si cad sharci loogu hayn, taasoo SEC ku qasbeysa inay sharciyo cusub soo saarto. - Cadaadis Siyaasadeed: In kasta oo ay madax-bannaan tahay, SEC mararka qaar waxay la kulantaa faragelin siyaasadeed oo saameyn karta go’aannadeeda.[8]
Gunaanad:
SEC waa hay’ad aad muhiim ugu ah suuqyada maaliyadeed ee Mareykanka iyo dhaqaalaha caalamka. Waxay hubisaa in maalgashadayaashu helaan xog sax ah, isla markaana suuqu uu si sharci ah u shaqeeyo.Inkastoo ay soo baxeen caqabado cusub, sida horumarka teknolojiyadda iyo isbeddelka sharciyada, SEC waxay ku dadaalaysaa inay la jaanqaaddo.
Sidoo kale, SEC waxay xoojineysaa kalsoonida suuqa
send money to philippines online
Sweet blog! I found it while searching on Yahoo News.
Do you have any suggestions on how to get listed in Yahoo News?
I’ve been trying for a while but I never seem to get
there! Appreciate it