Somali Business Journal

Qodista lacagaha Dijitalka ah (Crypto Mining)

Kaba soo qaad inuu jiro  buug wayn oo dijital ah oo internet-ka dhexdisa  yaalla, kaas oo lagu qoro dhammaan xawilaadaha lacagta sida Bitcoin.

Qodista lacagaha Dijitalka ah (crypto mining) waxay hubisaa in buuggan uu sax yahay oo qofna uusan been ka sheegi karin sida inuu wax kudaro ama uu wax kasaaro .

waa-maxay-crpto-mining-

Waa kuma Qodayaashu?

Qof kasta oo isticmaala kombiyuutarro awood leh si uu:

  • u xaqiijiyo xawilaadaha dadka kale,
  • una helo abaal-marin lacag ah (Bitcoin ama lacag kale oo dijital ah), wuxuu noqdaa qode (miner).

Sidee ayaa loo qodaa (mining ) ?

  1. Lacag ayaa la diraa: Marka uu qof diro Bitcoin, xawilaaddaas waxay sugaysaa in la xaqiijiyo.
  2. Qodayaasha ayaa soo ururiya xawilaadaha: Waxay isugu keenaan “block” (xirmo).
  3. Waxay xalliyaan xisaab adag: Qofkii xalliya xisaabta koowaad ayaa guuleysta.
  4. Waxa uu ku daraa block-ka buugga weyn (blockchain) : Buugga la wada leeyahay.
  5. Guulaystihii : Wuxuu helayaa abaal-marin: Bitcoin cusub + lacagti xawilaadaha. Waxa na looyaqan: block subsidy [1]

Maxaa Loogu Baahan Yahay Qodista (mining )?

  • Waxa ay ka dhigtaa xawiladaha mid amnigeedu aad u sareeyo .
  • Waxa ay u ogolaataa Bitcoin inay shaqeeyo iyadoo aan bangi dhexe jirin.
  • Waxa ay keentaa lacag cusub oo blockchain-ka ku soo biirta.

Qodista lacagaha Dijitalka ah (crypto mining) mid been abuur ah maha. Waxa kamid tahay 21 millian ee Bitcoin , Waxay raacdaa sharciyo iyo habracyo , cid walbana waa u siman tahay.

Tusaale fudud:

Qodistu waa sida tartan tirooyin lagu qiyaasayo. Qofkii ku guuleysta wuxuu helaa abaal-marin.

Tallaabada 1: Hash-garaynta xawilaadaha

  • Marka hore: Qodaha (miner) wuxuu soo qaataa xawilaadaha aan la xaqiijin wali ee ku jira meel la yiraahdo mempool

Kadibna:

Wuxuu mid mid u mariyaa hash function — taasi waa barnaamij tirakoob oo isku beddela nambaro iyo xarfo kooban oo u gaar ah (xawilaada).

Natiijadaas waxaa la dhahaa hash, waana sida aqoonsi gaar ah oo xawilaad kasta leedahay.

Tusaale fudud:

Hash function—wuxuu u shaqeeyaa sida shaanbad. Marka aad waraaq shaabad saarto, waxay noqonaysaa mid la garan karo oo aan la beddeli karin. Hash-ku sidoo kale waa sidaas: haddii xitaa hal xaraf xawilaadda laga beddelo, hash-keeduna wuu isbeddelaa.

Tallaabada 2: Abuuridda geedka Merkle (Merkle Tree)

Tallaabada 2: Abuurista Merkle Tree

Merkle Tree : waa hab la isku geeyo hash-yada xawilaadaha si loo helo hal hash oo ah : Merkle Root.

Sida ay u shaqeyso:

  1. Xawilaad walba waxaa loo beddelaa hash.
  2. Labo labo ayaa la isku daraa, markale aya hash lagu sameeya .
  3. Habkaas ayaa lagu celceliyaa ilaa laga helo hal hash—kaasoo noqonaya: Merkle Root.

Merkle Root-ka waxaa lagu daraa block-ka cusub si loo muujiyo in dhammaan xawilaadaha ku jira block gan, la xaqiijiyay.

Tallaabada 3: Helidda block hash sax ah

Marka block cusub la samaynayo:

  1. Qodaha wuxuu isku daraa:
    • Hash-ka block-kii hore,
    • Merkle root (oo ka yimid xawilaadaha cusub) ,
    • Iyo tiro isbedbeddel ah oo loo yaqaan nonce.
  2. Waxa uu mar-mariyaa dhammaan xogtaas hash function.
  3. Ujeeddadu waa in uu helo hash-ka block oo bilaabma tiro badan oo eber ah (0000…) — taasoo muujinaysa heerka dhibka (difficulty) ee mining-ka.
  • Maadaama aan la beddeli karin hash-ka block-kii hore iyo Merkle root-ka, waxa keliya ee uu beddeli karo waa nonce, markaas ayuu marar badan isku dayaa ilaa uu ka helo hash sax ah.

4: Faafinta Block-ga la qoday (Broadcasting mined block)

Marka qoduhu uu helo hash sax ah:

  1. Wuxuu ku faafinayaa block-gaas shabakadda Bitcoin.
  2. Qodayaal kale iyo nodes kale ayaa hubinaya haddii block-gaas sax yahay.
  3. Haddii uu sax noqdo, waxaa lagu darayaa blockchain-ka rasmiga ah.
  4. Dhamaan qodayaasha kale waxay u gudbayaan block-ga xiga.

Maxaa Dhaca Marka Laba Block Isla Waqti La Qodo?

Mararka qaar, laba qodayaal ayaa iskumar qoda 2 block oo sax ah, kadibna shabakaddu way kala qaybsantaa si ku-meel-gaar ah.

  • Qodayaasha kale waxay bilaabaan inay ku xirmaan labadaas block-mid kamid ah ama ay raacan block gii ay markii ugu horaysay ay arkeen. Intaas kadib block gii laraacay ayaa noqonaya mid ka saxda da ha. Midda kale waa layska tuura, waxaana loo yaqaanaa (orphan block ama block gii la dayacay)

Qodayaashii raacay block-ga la dayacay waxay ku noqdaan block-ga guuleysatay si ay u sii wataan qodista.

Waa Maxay Mining Difficulty?

Mining difficulty waa heerka dhib ama shaqo ee lagu helo hash sax ah.

  • Haddii qodayaal badan ay shabakad ku biiraan → dhibku wuu kordhaa.
  • Haddii qaar ka baxaan → dhibku wuu yaraadaa.
  • Ujeedadu waa : in celcelis ahaan block cusub la helo 10-kii daqiiqo kasta (Bitcoin).

Waxaa la cusboonaysiiyaa 14-kii maalmoodba mar, si ay xawaaraha mining-ku joogto u ahaato.

Noocyada Mining-ka Cryptocurrency

CPU Mining—Qodista adigoo isticmaalaya kombiyuutara caadi ah

CPU mining waa marka la isticmaalo maskaxda kombiyuutarka (CPU) si loo xalliyo xisaabaadka adag ee loo baahan yahay si loo helo block cusub, waana qayb ka mid ah nidaamka Proof of Work (PoW).

Bilowgii Bitcoin:

  • Markii hore, dadku waxay Bitcoin ku qodi jireen kombiyuutarada caadiga ah. Ma jirin tartan badan, culayskuna waa uu yaraa. Qof walba waxa uu awoodi karay inu isku dayo qodista BTC

Maxaa is beddelay?

Markii dad badan bilaabeen wax qodista , waxa badatay tartankii. Waxaa la sameeyay qalab gaar ah oo aad u awood badan (sida ASICs).

CPU mining waa laga awood batay, wuxuuna noqday mid aan faa’iido lahayn oo laga guuray.

GPU Mining—Qodista adigoo isticmaalaya kaarka muuqaalka (graphics card)

GPU (Graphics Processing Unit) waa qalab loogu talagalay in uu isla mar ahaantaas qabto hawlo badan, sida samaynta muuqaalada ciyaaraha ama waxyaabaha 3D ah. Sid kalena loo isticmaali karo qodista (mining).

Maxay yihiin faa’iidooyinka GPU mining?

  • Waa raqiis qiimo ahaan markii loo eego (ASIC).
  • Waa ka dabacsan yahay , waxaana loo adeegsan karaa cryptocurrencies kala duwan.
  • Gaar ahan Si fiican ayuu ugu shaqeyaa altcoins ka qaar, iyadoo ay ku xirantahay algorithm-ka ay isticmalan

ASIC Mining—Qalab gaar u ah qodista crypto

ASIC (Application-Specific Integrated Circuit) waa qalab si gaar ah loogu sameeyay qodista cryptada.

Maxa kadhigay ASIC mid gaar u ah crypto?

  • Waa qalab aad u awood badan waxa uu na si degdeg ah u qodi kara crypto
  • Ka madax banan CPU iyo GPU marka loo eego xawaarah iyo tamarta.
  • Si gaar ah loogu talagalay hal algorithm (tusaale: SHA-256 ee Bitcoin).
    • Waa qaali badana

Mining Pools—Iskaashiga qodayaasha si loo helo abaalmarin

Qofka ugu horreeya ee hela block cusub ayaa hela abaalmarinta, taasoo ka dhigeysa in qodayaasha yar-yar ay fursad yar u helaan guusha. Mining pool waa xal arrintaas loogu talagalay.

Waa maxay mining pool?

  • Waa kooxo qodayaal ah oo iskaashanaya, waxayna isku daraan awooddooda (hash power).
  • Haddii pool-ku helo block, abaalmarinta ayaa loo qaybiyaa dhammaan xubnaha iyadoo lagu saleynayo shaqada uu mid walba qabtay.

Maxay faa’iido leedahay?

  • Waxay kordhisaa fursadda helidda abaalmarinta, xitaa haddii aad leedahay qalab yar , Waxaa laga yareeyaa culayska korontada iyo kharashka qalabka.

Laakiin.

  • Maaddaama pools-yadu ay noqdeen kuwa waaweyn, waxaa jira cabsi ah in awoodda qodista ay gacanta u gasho koox yar, taasoo keeni karta 51% attack (weerar halis ah oo lagu khiyaanayn karo shabakadda).

Cloud Mining—Qodid la’aan qalab adiga kuu gaar ah

  • Cloud mining waa marka aad kiraysato awood kombiyuutar si aad qode u noqoto adigoon iibsan qalabka laftiisa.
  • Waxaa bixiya shirkado sida Binance iyo kuwo kale.
  • Faa’iido: Uma baahnid inaad iibsatid qalab ama aad isticmaasho koronto badan.
  • Khatar: Waxaa jirta qatar khiyaano iyo faa’iido yar.
  • Talo: Haddii aad dooranayso cloud mining, shirkad sumcad leh oo la isku halayn karo dooro.

Bitcoin Mining—Waa maxay? Sidee buu u shaqeeyaa?

  • Bitcoin waa lacagta ugu caansan ee la qodo.
  • Waxaa la adeegsadaa PoW (Proof of Work)—hab lagu xaqiijiyo xawilaadaha iyo amniga shabakadda.
  • Waxaa la hirgeliyey 2008-kii, waxaana sameeyay Satoshi Nakamoto.
  • PoW (Proof of Work) wuxuu u baahan yahay koronto badan iyo awood xisaabeed sare si looga hortago tuugo iyo weerarro.
  • Qodayaashu waxay xaliyaan xisaab adag, qofka ugu horreeya ee xalliya wuxuu helaa:
    • Abaalmarin lacageed (tusaale: Bitcoin)
    • Lacagaha xawilaadaha lagu sameeyey block-gaas

Tusaale: Abaalmarinta Bitcoin

  • Laga soo bilaabo December 2024 ilaa halving ka xiga 2028 abaalmarinta halkii block waa 3.125 BTC.
  • Abaalmarinta Bitcoin way yaraanaysaa 50% markasta oo halving dhaco. Halving-ku wuxuu dhacaa mar kasta 210,000 block la gaadho, taasoo qiyaastii ku dhacda 4-tii sanoba mar.

Gunaanand

Qodista lacagaha Dijitalka ah (crypto mining) waxay muhiim u tahay amniga shabakadda iyo abuurista lacag cusub.

Faa’iidada ugu wayn waa dakhliga laga helo block rewards.

  • Laakiin faa’iidadaas waxay ku xiran tahay:
    • Qiimaha suuqyada,
    • Qiimaha korontada,
    • Qiimaha qalabka,
    • Isbedelka hababka xaqiijinta lacagaha

1 thought on “Qodista lacagaha Dijitalka ah (Crypto Mining)”

  1. Pingback: Waa maxay Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold? - Somali Business Journal

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top