New York Stock Exchange (NYSE) waa suuqa saamiyada kaas oo ku yaal magaalada New York, Maraykanka. Waa suuqa saamiyada ugu wayn aduunka marka la eego qiimaha guud ee shirkadaha ku qoran.[1]

Markii hore, New York Stock Exchange (NYSE) waxay ahayd urur gaar loo leeyahay, balse waxay noqotay shirkad dadweyne March 8, 2006, kadib markii ay la midoowday suuq elektaroonig ah oo layiraahdo Archipelago.
Sanadkii 2007, NYSE waxay la midoowday Euronext oo ahayd suuqii saamiyada ee ugu waynaa Yurub. Labadan suuq waxay noqdeen NYSE Euronext, ka dibna waxaa iibsatay Intercontinental Exchange (ICE) NYSE waxay hoostagta (ICE).
Sida ay U Shaqayso NYSE
NYSE waxay ku taallaa Wall Street, New York, waxaana loo yaqaan magac kale “Big Board.” Waxaa jira laba dabaq ganacsi oo ay kakooban tahay :
- Mid loogu talagalay iibsiga iyo iibinta saamiyada shirkadaha
- Mid loogu talagalay ikhtiyaaraadka ama (optionska )
Dhismayaasha NYSE ee ku yaalla 18 Broad Street iyo 11 Wall Street waxaa loo aqoonsaday inay yihiin dhaxal-dhaqameed tan iyo 1978.
Saacadaha Shaqada NYSE
NYSE waxay furan tahay Isniin ilaa Jimce saacadaha:
🕤 9:30 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo (ET)
Waxay xiran tahay maalmaha fasaxyada Maraykanka sida:
- Haddii fasaxu ku aado Sabti, NYSE waxay xirmi kartaa Jimcaha ka horreeya
- Haddii fasaxu ku beegmo Axad, NYSE waxay xirmi kartaa Isniinta xigta
Taariikhda iyo Astaanta Suuqa Saamiyada New York (NYSE)
Furitaanka iyo Xiritaanka Suuqa – Gambaleelka NYSE
Suuqa NYSE wuxuu furmaa 9:30 subaxnimo (wakhtiga New York) wuxuuna xirmaa 4:00 galabnimo. Marka la furayo iyo marka la xirayo, waxaa la garaacaa gambaleel (bell), taasoo calaamad u ah bilaabashada iyo dhammaadka maalintaas.
Markii hore, gambaleel lama isticmaalijirn . Waxaa la adeegsanjiray ul garsooreed (gavel), ka dibna waxay u beddeleen gambaleel wayn oo lagu magacaabo “gong” dhamaadkii qarnigii 19aad.
Ugu dambayn, sanadkii 1903 ayaa si rasmi ah loo bilaabay isticmaalka gambaleelka ee ilaa maanta la isticmaalo.
Tan iyo 1995, NYSE waxay bilowday in madaxda shirkadaha lagu casuumo si ay u garaacaan gambaleelka — gaar ahaan marka shirkadohoodu ay la yimaadaan badeeco cusub, heshiis ganacsi ama dhacdo muhiim ah. Mararka qaar, dad caan ah sida ciyaartoyda iyo fanaaniinta ayaa sidoo kale lagu casuumaa.
Tusaalooyinka dadkii garaacay gambaleelka:
- Michael Phelps – orodyahankii olombikada
- Snoop Dogg – fannaan ka mid ah fanaaninta ugu caansan Mareykanka
- Ban Ki-moon – Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay
Taariikh Gaaban
- May 17, 1792: 24 ganacsade ayaa saxiixday heshiis lagu magacaabo (Buttonwood Agreement), 68 Wall Street, taas oo ahayd bilowgii rasmiga ahaa ee NYSE.
Waxa lagu bilaabay 5 xisaabood oo ay ku jiraan 3 dayn dowladeed iyo 2 saamiyo bangi ah. - 1824: Shirkadda ugu da’da wayn ee weli ku qoran NYSE waa Consolidated Edison (ED), oo markii hore loo yaqaanay New York Gas Light Company.
- NYSE waxay oggolaan kartaa shirkadaha ajnabiga ah inay iska diiwaan geliyaan suuqa haddii ay buuxiyaan shuruudaha lagu qoro.
Saameynta Dhaqaale ee NYSE
NYSE waxay leeyahay saameyn toos ah iyo mid dadban oo ku saabsan dhaqaalaha Mareykanka iyo kan caalamka:
- Qiimaha Shirkadaha: NYSE waxay martigelisaa shirkadaha ugu waaweyn sida Coca-Cola, McDonald’s, iyo Walmart.
- Maalgashiga Caalamiga ah: Maalgashadeyaal caalami ah ayaa isticmaala NYSE si ay uga ganacsadaan saamiyada shirkadaha Mareykanka.
- Sumcad Maaliyadeed: In shirkad laga diiwaan geliyo NYSE waxay u dhigantaa sumcad sare oo maaliyadeed.
Dhacdooyin Taariikhi ah
- 1929: Suuqa saamiyada ayaa si xun u burburay (Black Tuesday), taasoo horseeday Masiibadii Dhaqaale (Great Depression)
- 1987: Maalintii madobayd (Black Monday) oo uu DJIA hoos u dhacay ilaa 22.6%
- 2001: NYSE waxay xirnayd afar maalmood sababo laxiriira weeraradii 9/11
- 2020: Dabaqa ganacsiga NYSE ayaa la xidhay markii uu faafay cudurkii COVID-19, waxaana shaqada la wareegay nidaam elektaroonig ah
Waa Kee Suuqa Saamiyada Ugu Da’da Weyn Adduunka?
Suuqa saamiyada ugu da’da wayn adduunka waa Amsterdam Stock Exchange (AEX) ee dalka Netherlands. Waxaa la aasaasay sanadkii 1602 ayadoo ay shirkadda Dutch East India Company u adeegsanaysay inay maalgashi ka hesho dadwaynaha.
Maanta, suuqaas waxaa leh shirkadda Euronext, oo sidoo kale qayb ka ahayd is-bedbedelladii taariikheed ee NYSE.
Waa Kee Suuqa Saamiyada Ugu Wayn Adduunka?
Suuqa saamiyada New York (NYSE) waa suuqa ugu wayn adduunka marka la eego qiimaha guud ee shirkadaha halkaas ku jira (market capitalization).
Suuqyada kale ee ku xiga waa:
- NASDAQ (Mareykanka)
- Shanghai Stock Exchange (Shiinaha)
- Euronext (Yurub)
Gunaanad
Suuqa Saamiyada New York (NYSE) waa suuqa saamiyada ugu faca wayn uguna saamaynta badan Mareykanka, sidoo kalena waa kan ugu wayn caalamka marka la eego qiimaha shirkadaha ka diiwaan gashan.
#SuuqaSaamiyada #Maalgashi #SaamiyadaShirkadaha #WallStreet #DhaqaalahaMareykanka #SuuqyadaCaalamka #SomaliBusinessJournal #FalanqeynMaaliyadeed
Pingback: Waa maxay ETFS ? - Somali Business Journal