Somali Business Journal

Boqortooyada Ingiriiska oo sharci cusub kuso rogtay shirkadaha crypta,da kashaqeeya

Sanadka 2026, UK waxay waajibinaysaa shirkadaha crypta-da inay soo gudbiyaan xawilaadaha macaamiisha si loo xoojiyo canshuuraha hantida dhijitaalka ah.

Wasaaradda Canshuuraha UK (HMRC) laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, shirkad kasta oo crypta,da  kashaqaysa  laga doonayo inay soo gudbiso  xogta xawiladad kasta[1]

Xogta la gudbinayo waxay ka koobnaan doontaa magaca isticmaalaha, cinwaanka, lambarka canshuurta, iyo faahfaahinta lacagta la wareejiyay.

Shirkadaha iyo hay’adaha isticmaala crypta-da waa in xogtooda la ururiyaa lana soo gudbiyaa.

ciqaabta

Haddii shirkad anaay aqbalin sharcigan  ama ay bixiso xog khaldan, waxaa lagu ganaaxi doona illaa £300 ($398.4) qofkiiba.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay si degdeg ah ugu wargelin doonto shirkadaha ,sido

kalena ay siindoonto  habka saxda ah ee la raacayo .

Sido kale  waxay ugu baaqday shirkadaha crypta-da kashaqeeya  in ay hadda bilaabaan ururinta xogta.

Xeerkan cusub wuxuu qeyb ka yahay qorshaha UK ee lagu hirgelinayo nidaamka cusub ee Canshuurta Hantida Dhijitaalka ah (Cryptoasset Reporting Framework), kaas oo ay sameysay Hay’adda Horumarinta Dhaqaalaha ee UK (OECD).

Ujeedada UK ayaa ah in la dhiso nidaam sharciyeed xooggan kaas oo  ka qayb qaadanaya  koritaanka warshadaha crypta,da  kashaqeeya  isla markaana ilaalinaya xuquuqda isticmaalayasha.

Qodobo kale oo muhiim ah:

  • Rachel Reeves, Wasiirka Maaliyadda UK, ayaa Abriil kusoo bandhigtay sharci lagu xakameynayo shirkadaha crypta-da si looga hortago khiyaanada.
  • Reeves waxay tiri: “Warka maanta wuxuu caddeynayaa in Britain ay u furantahay ganacsiga – laakiin anay aqbalayn khiyaamada iyo xasilooni darrada.”
  • Daraasad ay sameysay Hay’adda Maamulka Maaliyadda (FCA) ayaa muujisay in 12% dadka waaweyn ee UK ay lahaayeen crypto sanadkii 2024, taas oo aad uga badan 4% xogta la diiwaangeliyay sanadki 2021.

UK iyo  Midowga Yurub (EU):

UK waxay ku dartsy xeerarkan crypta-da ah nidaamka maaliyadeed, kaas oo ka duwan midka EU, taasoo sameysay sharci cusub (MiCA).

Farqiga ugu wayn ayaa ah in UK ay oggolaaneyso shirkadaha ajnabiga ah ee stablecoin-ka inay ka howlgalaan gudaha UK iyadoon diiwaangelin. EU ayaa qorsheynaya inay xadido isticmaalka stablecoin-yada si loo yareeyo khataraha dhaqaale.

1 thought on “Boqortooyada Ingiriiska oo sharci cusub kuso rogtay shirkadaha crypta,da kashaqeeya”

  1. Hey there!

    Welcome to Moviezhive.com, where blockbuster entertainment is just a click away!

    Stream a vast collection of Bollywood, Hollywood, and international movies for free—no subscriptions, no hassles.

    What Makes Us Special?

    ✔️ Thousands of movies across all genres

    ✔️ Zero pop-up ads for seamless viewing

    ✔️ Advanced zero-buffering tech for smooth playback

    ✔️ Fresh titles added regularly

    Can’t find a movie? Request it, and we’ll upload it fast!

    Watch anytime, anywhere. Visit https://moviezhive.com now and start your movie adventure!

    Enjoy the Show,
    The Moviezhive Team

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top