
Waa maxay Lacagta (Cryptocurrency)?
Lacagta Dijitaalka ah (Cryptocurrency)?ah waa lacag internetka ku jirta oo ammaan ah, waxaana lagu ilaaliyaa hab sir ah oo adag. Taas oo ka dhigaysa mid aan la been abuuri karin ama laba jeer la isticmaali karin.
Inta badan lacagaha dijitaalka ah waxay ku shaqeeyaan shabakad aan shirkad dhexe lahayn, iyaga oo isticmaalaya tiknoolajiyadda “blockchain” – taas oo ah diiwaan faafsan oo ay xaqiijiyaan kombiyuutaro badan oo kala duwan.[1]
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lacagta dijitaalka ah waa inaanay jirin cid dhexe oo soo saarta, taas oo ka dhigaysa mid aan la faragelin karin ama aan la maamuli karin [2].
Fahamka Lacagta Dijitaalka ah (Cryptocurrency)
Lacagta Dijitaalka ah (Cryptocurrency)? ah waa lacag internetka ku jirta, waxaana lagu ilaaliyaa hab sir ah oo aad u adag. Waxay u sahlayaan dadka inay si ammaan ah lacag ugu kala diraan internetka iyaga oo aan u baahnayn cid saddexaad oo dhexdhexaad ah. Ereyga “Crypto” waxay u taagan tahay “cryptography.” Tani waxay tilmaamaysaa hababka loo isticmaalo in lagu sugo oo lagu xaqiijiyo amanka .
2009: Dhalashada Bitcoin:
Bitcoin ayaa ahayd cryptocurrency-gii ugu horreeyay ee si rasmi ah loo sameeyo. Waxaa soo saaray qof ama koox dad ah oo isticmaalaya magaca Satoshi Nakamoto.
Khubaradu waxay sheegaan in tiknoolajiyadda blockchain ay faa’iido u leedahay shirkado badan, gaar ahaan:
silsiladaha sahayda,diwangalinta iyo codbixinta internetka, iyo maalgelinta dadwaynaha. Bangiyada waaweyn sida JPMorgan Chase & Co. (JPM) ayaa adeegsanaya blockchain si ay u yareeyaan kharashaadka ganacsiga una fududeeyaan lacag bixinta

Noocyada Lacagaha Dijitaalka ah (Cryptocurrency)
Lacagta Dijitaalka ah (Cryptocurrency)? ah waa lacag lagu kaydiyo blockchain loona diro si elektaroonik ah. Tusaale ahaan, marka aad lacag u dirayso qof kale adiga oo adeegsanaya Bitcoin (BTC), diiwaanka macaamilkaas waxa uu si toos ah ugu qormaya blockchain,ka
taasoo meesha ka saaraysa baahida bangi dhexe.
Sidoo kale, XRP oo ka tirsan XRP Ledger Foundation waxaa loogu talagalay hay’adaha maaliyadeed si ay u fududeeyaan wareejinta lacagaha caalamiga ah.
Maadaama uu jiro noocyo badan oo lacagaha dijitaalka ah, waa muhiim in la fahmo kala duwanaanshahooda. Ogaanshaha ujeedada lacagta aad xiisaynayso waxay kaa caawin kartaa inaad go’aan sax ah ka gaarto maalgashigaaga. Lacagaha leh ujeedo cad ayaa inta badan ka khatar yar kuwa aan lahayn adeegsiga dhabta ah.
Tusaale Noocyada Lacagaha Dijitaalka
Halkan waxaan kugu tusidoona noocyada ugu waaweyn ee lacagaha dijitaalka ah iyo sida loo isticmaalo:
- (Utility Tokens) : Lacagahan waxaa loo adeegsadaa fulinta hawlo gaar ah oo ku jira blockchainka.
Tusaale: Ethereum (ETH) – Waxaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo khidmadaha macaamilka marka la isticmaalayo shabakadda Ethereum.
Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad sameysato smart contract (heshiis caqliyeed) ama aad abuurto codsi ku shaqeeya Ethereum, waa inaad bixisaa ETH si shabakadu u xaqiijiso shaqadaada .
2. Lacagaha Macaamilka (Transactional Tokens)
Lacagahan waxaa loogu talagalay in loo isticmaalo sida lacagta caadiga ah ee lagu kala iibsan karo alaabta iyo adeegyada.
Tusaale: Bitcoin (BTC) – Waa lacagta dijitaalka ah ee ugu caansan, waxaana dad badan u adeegsadaan kayd ahaan ama lacag ay ku kala ganacsadaan.
Haddii aad rabto inaad qof lacag u dirto adiga oo aan isticmaalin bangi, waxaad isticmaali kartaa Bitcoin.
3. Lacagaha Maamulka (Governance Tokens)
Lacagahan waxay siiyaan mulkiilayaashooda xuquuq codbixin oo la xiriirta horumarka blockchain-ka.
Tusaale: Uniswap (UNI) – Mulkiilayaasha UNI waxay ka qaybqaadan karaan go’aamada la xiriira sida ay u shaqayn doonto madasha Uniswap.
Tusaale ahaan, haddii ay jiraan isbeddel lagu sameynayo sida Uniswap u shaqeeyo, dadka haysta UNI ayaa cod ka dhiiban kara.
4. Lacagaha Madasha (Platform Tokens)
Lacagta Dijitaalka ah (Cryptocurrency)? waxay taageerta madalaha blockchain-ka kuwaas oo fududeeya in lagu dhiso barnaamijyo ama adeegyo kale.
Tusaale: Solana (SOL) – Waxaa loo isticmaalaa in lagu taageero barnaamijyada lagu dhiso blockchain-ka Solana, sida ciyaaraha iyo codsiyada maaliyadeed.
Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad sameysato ciyaar ku shaqeysa blockchain, ama token waxaad isticmaali kartaa Solana.
5. Calaamadaha Amniga (Security Tokens)
Lacagahan waxay matalaan hanti dhab ah, sida guryo, saami shirkadeed, ama wax kale oo qiimo leh.
Tusaale:
MS Token – Lacagahan waxay u oggolaadaan dadka inay lahaadaan qaybo ka mid ah hantida Millennium Sapphire
Tusaale ahaan, haddii shirkad rabto inay qeybiso saami (stocks) iyada oo aan loo baahnayn nidaam dhaqameed, waxay isticmaali kartaa Security Tokens si ay dadka ugu qaybiso lahaanshaha saamiga .

Sida Loo Iibsado Lacagaha Dijitaalka ah (Cryptocurrency)
Haddii aad rabto inaad isticmaasho lacagaha dijitaalka ah si aad wax ugu iibsato ama aad adeeg u hesho, waa inaad booqataa suuqyada lacagaha dijitaalka ah (cryptocurrency exchange). Suuqyadani waa meelo aad ka iibsan karto ama ku iibin karto lacagaha dijitaalka ah si la mid ah sida lagu kala iibsado saamiyada shirkadaha (stocks).
Markaad iibsatid lacagta, waa inaad u wareejisaa boorsada dhijitaalka ah (digital wallet) ama aad isticmaashaa adeeg saddexaad sida Coinbase , binance, Bybit si aad u kaydsato lacagahaaga.
sidee loo maalgashtaa
Haddii ujeeddadaadu tahay inaad lacagaha dijitaalka ah u iibsato maalgelin ahaan, waxaa laga yaabaa inaad taas ka samayn karto goobaha maalgashiga (brokerage).
Tusaale ahaan, Robinhood waxay u ogolaataa dadka inay maal gashadaan Bitcoin iyo lacagaha kale ee dijitaalka ah, laakiin ma ogola in lacagahaas lagala boxo madasha si loogu isticmaalo wax kala iibsiga.
Sidoo kale, waxaa jira ETF-yada lacagaha dijitaalka ah, kuwaas oo kuu sahlaya inaad maal gashato lacagaha dhijitaalka ah adiga oo aan lahayn boorso dhijitaal ah (wallet). Tusaale ahaan, laga bilaabo May 2024, maalgashadayaashu waxaybilaabeen iibsashada saamiyada Bitcoin futures ETF.
Waxaa intaa dheer, hay’adda SEC waxay ogolaatay in suuqyada lagu kala iibsado saamiyada Ether.
Lacagaha Dijitaalka ah Ma Sharci Baa?
Lacagaha caadiga ah (fiat currencies) sida doolarka Maraykanka ($USD) waxay sharciyadooda ka helaan dowladda ama hay’adaha maaliyadeed eedalka . Doolarka Maraykanka waxaa soo saarta dowladda wuxuuna leeyahay awood sharciyeed.
Laakiin lacagaha dijitaalka ah ma jiro qof gaar ah ama shirkad gaar ah oo daabacda, taas ayaa keentay inay adkaato in si sharci ah looga aqoonsado dalal badan. Waxaa intaa dheer, lacagahaas waxay inta badan ka shaqeeyaan meel ka baxsan nidaamyada dhaqaalaha caadiga ah, taasoo sii adkaysay sharciyadooda.
Waxaa muhiim ah in aad hubiso sharciga dalkaaga si aad u ogaato xeerarka lagu maamulo lacagaha dijitaalka ah intaanad maalgashan ama aadan iibsan kahor .
Lacagaha Dijitaalka ah ee Maraykanka
Xaaladda Shrciga ee Lacagaha Dijitaalka ah ee Maraykanka
Sharciga lacagaha dijitaalka ah ee Maraykanka wuxuu saameyn ku leeyahay sida loo isticmaalo iyo sida looga ganacsado maalin kasta.
Sharciyeynta Xawaaladaha Crypto
Bishii Juun 2019, hay’adda Financial Action Task Force (FATF) waxay soo jeedisay in macamisha isticmalaysa crypto in ay maraaan habka layiraahdo (Travel Rule,) waa sharci la doonayo in lagu hubiyo cidda diraysa iyo cidda qaadanaysa lacagaha marka la isdhaafsanayo crypto. Ujeeddadiisu waa in la helo macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dadka ku lug leh si looga hortago lacag-dhaqidda (AML – Anti-Money Laundering) iyo wax-is-daba-marinta maaliyadeed.
Xukunka Maxkamadaha ee 2023
Bishii Luuliyo 2023, maxkamadaha Maraykanka waxay xukumeen in lacagaha dijitaalka ah (crypto) loo aqoonsado securities (maalgelin la maamulo) marka ay iibsadaan hay’adaha waaweyn ee maaliyadeed (institutional investors). Laakiin, ma loo aqoonsan karo securities haddii ay iibsadaan dadweynaha caadiga ah (retail investors) iyaga oo adeegsanaya suuqyada caadiga ah (crypto exchanges).
Dad badan oo taageera crypto waxay xukunkaan u arkeen guul weyn, maadaama ay xoojinayso suuqyada ganacsiga. Si kastaba ha ahaatee, SEC (Securities and Exchange Commission) waxay wali si dhow u kormeertaa suuqyada crypto, gaar ahaan shirkadaha waaweyn ee maalgashiga, taasoo ka dhigaysa in crypto uu weli ku jiro sharciyeyn adag.
Xaaladda Sharciga ee Lacagaha Dijitaalka ah (Crypto) ee Aasiya iyo Yurub
Aasiya
🇯🇵 Jabaan:
Sharciga Payment Services Act ee Jabaan wuxuu Bitcoin u aqoonsaday hanti sharci ah. Suuqyada lacagaha dijitaalka ah ee ka howlgala dalka jabaan waxay ururiyaan macluumaadka macaamiisha iyo faahfaahinta lacagaha la kala xawilayo.
🇨🇳 Shiinaha:
Shiinuhu wuxuu mamnuucay suuqyada lacagaha dijitaalka ah, lamacaamilkooda, iyo xitaa habka loo qodo (mining). Si kastaba ha ahaatee, Shiinuhu wuxuu leeyahay lacag dijitaal ah oo ay dowladda si rasmi ah u maamusho, taasoo loo yaqaan Central Bank Digital Currency (CBDC).
🇮🇳 Hindiya:
Hindiya waxay qorshaynaysaa inay dejiso sharciyo ku saabsan crypto, laakiin inta sharcigaas laga meelmarinayo , crypto lama mamnuucin. ~Suuqyada ganacsiga crypto waa xor inay sii shaqeeyaan oo ay dadku ka iibsadaan lacagaha dijitaalka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Hindiya waxay horay u soo rogtay canshuuraha crypto, sida 30% cashuur faa’iidada laga helo crypto iyo 1% TDS (Tax Deducted at Source) marka la sameeyo wax kala iibsiga.
Yurub
🇪🇺 Midowga Yurub (EU):
Lacagaha dijitaalka ah waa sharci gudaha Midowga Yurub. Si kastaba ha ahaatee, noocyada ganacsiga ay ku lug leeyihiin, sida derivatives :(heshiisyada maaliyadeed ee lagu maal gashado cryptada), waa in loo arko inay yihiin “qalab maaliyadeed” (financial instruments).
Bishii Juun 2023, Markets in Crypto-Assets (MiCA) oo ah xeer cusub oo ka yimid European Commission, ayaa dhaqan galay. Xeerkan wuxuu dejinayaa shuruudo adag oo lagu ilaalinayo ganacsiga crypto iyo shirkadaha adeegyada maaliyadeed ee isticmaalaya lacagaha dijitaalka ah.
Ma Ammaan Baa In Lacagaha Dijitaalka ah La Maalgashado?
Lacagaha dijitaalka ah (cryptocurrency) waxaa lagu yaqaannaa inay yihiin maalgelin aan deggenayn sababtoo ah:
Faa’iidooyinka Crypto
Tiknoolajiyad Sugan – Blockchain waa nidaam hufan oo ammaan ah, macquulna maha inay wax isdaba marin ka dhex dhacaan
Xorriyad Maaliyadeed – Ma jiro bangi dhexe oo xakameeya, taasoo qof walba siinaysa awood uu si toos ah u maamulo lacagtiisa.
Xawaalado Degdeg ah – Lacagaha si fudud ayaa loo kala dirsan karaa dunida oo dhan iyada oo aan loo baahnayn bangiyo ama hay’ado kale.
Kharash Hoose – Waxay meesha ka saaraysaa dhexdhexaadiyaasha sida bangiyada, taasoo ka dhigaysa xawaaladaha mid raqiis ah.
Suuq Kobcaya – Crypto waxay gaadhay qiime dhan $2.4 trillion, waxaana larajaynaya inay gaadhi doono meel sare .
Faa’iido Maalgelin – Qofka si sax ah u maalgeliyo wuxuu heli karaa faa’iido sare.
Lacagta Dijitaalka ah (Crypto) matahay maalgashi fiican?
Lacagta dijitaalka ah waxay maalgashi fiican u noqon karaan qof jecel inuu ku shaqeysto saadaasha suuqa (speculating) oo awood u leh inuu dhaqaale ahaan u dulqaato inuu khasaaro ama uu faaiido . Si kastaba ha ahaatee, maaha maalgashi 100/100 la isku halayn karo .
Gunaanad
Lacagaha dijitaalka ah waa hanti dhijitaal ah oo lagu ilaaliyo hab sir ah (cryptography). Maadaama ay tahay tiknoolajiyad cusub, aad bay u badan tahay saadaasha suuqa, waana muhiim in la fahmo khataraha ay leedahay ka hor inta aanad maalgashan.