Waa Maxay Bitcoin Dominance?
Waa Maxay Bitcoin Dominance? Suuqa cryptocurrency-gu wuxuu ka kooban yahay kumanaan lacag dijitaal ah sida Bitcoin, Ethereum, Solana, iyo kuwo kale. Si kastaba ha ahaatee, Bitcoin wali waa lacagta ugu wayn uguna caansan suuqa cryptocurrency.
Mid ka mid ah tilmaamayaasha muhiimka ah ee dadka falanqeeya suuqa cryptada ay isticmaalaan waxaa la yiraahdaa Bitcoin Dominance. Tilmaamahan wuxuu ka caawiyaa maalgashadayaasha iyo traders-ka inay fahmaan sida ay Bitcoin u xooggan tahay marka loo barbar dhigo coins-ka kale[1].
Maqaalkan waxaan si fudud ugu sharxi doonaa:
- Waa maxay Bitcoin Dominance
- Sida loo xisaabiyo
- Sababta ay muhiim u tahay
- Taariikhdeeda
- Iyo sida traders-ku u isticmaalaan

Waa Maxay Bitcoin Dominance?
Bitcoin Dominance waa boqolley (%) muujinaysa inta ay Bitcoin ka leedahay wadarta guud ee suuqa cryptocurrency-ga.
Si kale haddii loo dhigo, waxay ku tusinsysaa:
intee ka mid ah lacagta ku jirta suuqa cryptocurrency ayaa kujirta Bitcoin.
Haddii Bitcoin Dominance ay sarayso, waxay ka dhigan tahay in Bitcoin ay haysto qayb wayn oo ka mid ah lacagta kujirta suuqa cryptocurrency.
Haddii ay hoosayso ama ay hood u dhacdo, waxay ka dhigan tahay in coinska kale (altcoins) ay sii kordhayaan .
Waa Maxay Bitcoin Dominance iyo Sida Loo Xisaabiyo
Xisaabinta Bitcoin Dominance waa mid fudud.
Formulada :
Bitcoin Dominance = (Bitcoin Market Cap ÷ Total Crypto Market Cap) × 100
Tusaale
Aynu qiyaasno:
- Wadarta lacagta guud ee kujirta suuqa cryptocurrency-ga waa = $3 trillion
- Market cap ka Bitcoin = $1.8 trillion
Xisaabintu waxay noqonaysaa:
1.8 ÷ 3 = 0.60
Marka boqolley ahaan loo badalo:
Bitcoin Dominance = 60%
Tani waxay ka dhigan tahay:
- 60% lacagtu waxay kujirta Bitcoin
- 40% waxay ku jirtaa altcoins
Altcoins waxaa ka mid ah:

Maxay Bitcoin Dominance Muhiim u Tahay?
Bitcoin Dominance waa tilmaame muhiim ah sababtoo ah waxay dadka ka caawisaa inay fahmaan jihada suuqa iyo lacag intee leeg aya kujirta cryptocurrency-ga.
Waxaa jira laba xaaladood oo muhiim ah.
1. Marka Bitcoin Dominance Kor U Kaco
Haddii Bitcoin Dominance uu kordho, badanaa waxay ka dhigan tahay:
- Dad badan ayaa lacag galinaya Bitcoin
- Altcoins-kuna hoos ayuu udhacaysa
Sababta ugu wayn waa in maalgashadayaashu ay raadinayaan hanti ammaan badan marka suuqu uu noqdo mid aan degganayn.
Bitcoin badanaa waxaa loo arkaa “Digital Gold” sababtoo ah waa coin-ka ugu wayn uguna kalsoonida badan.
2. Marka Bitcoin Dominance uu Hoos U Dhaco
Haddii Bitcoin Dominance ay hoos u dhacdo, waxaa badanaa dhaca:
- Lacag badan waxay gashaa altcoins-ka
- Qiimaha altcoins-kuna si degdeg ah ayuu kor ugu kacaa
Xilligan waxaa badanaa loo yaqaan Altcoin Season.
Altcoin Season waa waqti coins badan ay kor u kacaan si ka dhakhsiyo badan Bitcoin.
Taariikhda Bitcoin Dominance
Si loo fahmo sida uu tilmaamahan u shaqeeyo, waa muhiim in la eego taariikhda Bitcoin Dominance.
2013 – Bitcoin ayaa ugu awood badnay Suuqa
Sanadkii 2013, suuqa cryptocurrency wuxuu ahaa mid aad u yar.
Waqtigaas:
- Bitcoin Dominance waxay ahayd qiyaastii 94%
Sababtu waa in coins kale aysan jirin ama aysan caan ahayn.
Ethereum wali ma aysan soo bixin, stablecoins-na ma jirin.

2017 – Kororka Altcoins
Sanadkii 2017 waxaa dhacay mid ka mid ah kororki ugu wayna ee taariikhda cryptocurrency .
Bitcoin Dominance waxay hoos ugu dhacday:
85% → 40%
Sababta ugu wayn waxay ahayd:
- ICOs badan oo cusub
- Ethereum tokens badan
- Maalgashi cusub oo cryptada soo galay
Dad badan waxay bilaabeen inay maalgelin ku sameeyaan coins cusub.
2018 – Hoos Udhicii Suuqa cryptocurrency
Sanadkii 2018 suuqa cryptadu wuu burburay.
Mashaariic badan oo ICO ah ayaa fashilmay.
Waqtigaas Bitcoin Dominance waxay gaartay:
32.8%
Tani waxay ahayd heerkii ugu hooseeyay taariikhda.
Maxaa Sababay In Dominance uu Hoos U Dhacdo?
Waxaa jira dhowr sababood oo keenay in Bitcoin Dominance hoos u dhaco.
1. Altcoins Badan
Maanta waxaa jira kumanaan coins.
Qaar ka mid ah coins-ka waawayn waa:
- Ethereum
- Solana
- Cardano
- Avalanche
- Polkadot
Coins-kan waxay soo jiitaan maalgashadayaal badan.
2. Stablecoins
Stablecoins sida:
- USDT
- USDC
- DAI
waxay leeyihiin market cap aad u wayn.
Stablecoinskan waxay qayb ka noqdaan wadarta suuqa cryptada taas oo hoos u dhigta Bitcoin Dominance.
3. Teknoolajiyada Blockchain
Mashaariic badan oo cusub waxay bixiyaan adeegyo kala duwan sida:
- DeFi (Decentralized Finance)
- NFTs
- Smart Contracts
Ethereum iyo blockchain– kale ayaa ka caan noqday adeegyadaas.
Waa Maxay “The Flippening”?
“The Flippening” waa fikrad ay qaar ka mid ah dadka cryptocurrency-ga ku jira ay hadlaan.
Fikraddan waxay sheegaysaa in Ethereum ay maalin uun ka waynaan karto Bitcoin marka loo eego market cap.
Sanadkii 2017 Ethereum waxay aad ugu dhowaatay Bitcoin.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa maanta Bitcoin weli waa coin-ka ugu wayn.
Caqabadaha Bitcoin Dominance
Inkasta oo ay muhiim tahay, haddana Bitcoin Dominance ma aha tilmaame qumman.
Waxaa jira dhowr sababood.
Bitcoin badan oo Lumay
Malaayiin Bitcoin ah ayaa lumay sababtoo ah:
- Wallets kii ay kujireen aya la waayay
- Private keys-ki aya lumay
Dominance ma xisaabiso ama matixgaliso coins-kaas lumay.
Market Cap Altcoins
Qaar ka mid ah altcoins waxay leeyihiin market cap sare laakiin liquidity yar.
Tani waxay keeni kartaa sawir khaldan oo ku saabsan awoodda suuqa.
Coins Kala Duwan
Bitcoin waa store of value.
Laakiin coins-ka kale waa:
- software platforms
- blockchain systems
Isbarbardhiggoodu mararka qaar ma aha mid sax ah.
Sidee Traders-ku u Adeegsadaan Bitcoin Dominance?
Traders badan waxay isticmaalaan Bitcoin Dominance si ay u fahmaan dhaqdhaqaaqa suuqa.
Tusaale ahaan:
Marka Dominance Kor U Kacdo
Traders-ku waxay filayaan:
- Bitcoin inay korayso
- Altcoins-ku inay gaabis noqon doonan
Marka Dominance Hoos U Dhacdo
Traders-ku waxay filayaan:
- Altcoins-ku inay si degdeg ah u koridoobnan
Tani waa sababta traders badan ay u raacaan chart-ka BTC Dominance.
Halkee Lagu Arkaa Bitcoin Dominance?
Waxaa jira dhowr website oo bixiya xogtan.
Kuwa ugu caansan waa:
- CoinMarketCap
- CoinGecko
- TradingView
Bogaggan waxaad ka arki kartaa:
- BTC Dominance chart
- Market cap coins
- Dhaqdhaqaaqa suuqa
FAQ
Maxaa dhaca marka Bitcoin Dominance kor u kaco?
Badanaa waxay muujisaa in maalgashadayaashu ay lacag gelinayaan Bitcoin halkii ay gelin lahaayeen altcoins ka.
Waa maxay Altcoin Season?
Waa xilli coins badan ay si degdeg ah u koraan sababtoo ah lacag badan ayaa ku qulqulaysa altcoinska.
Halkee laga arkaa Bitcoin Dominance?
Waxaad ka arki kartaa CoinMarketCap, CoinGecko, ama TradingView.
Bitcoin Dominance ma ku filan tahay falanqaynta suuqa?
Maya. Waxaa muhiim ah in lagu daro technical analysis iyo fundamental analysis.
Gunaanad
Waa Maxay Bitcoin Dominance? Bitcoin Dominance waa tilmaame muhiim ah oo ka caawiya dadka ku jira cryptocurrency-ga inay fahmaan sida uu suuqu u socdo.
Waxay muujisaa:
- awoodda Bitcoin
- kororka altcoins
- jihada lacagta suuqa
Haddii Dominance kor u kacdo, Bitcoin badanaa waa mid xooggan.
Haddii ay hoos u dhacdo, altcoins-ku badanaa way kordhaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in Bitcoin Dominance lagu daro falanqayn kale sida:
- Technical analysis
- Fundamental analysis
- Market sentiment
Markaad isku darto dhammaan macluumaadkan, waxaad heli kartaa faham wanaagsan oo ku saabsan suuqa cryptocurrency.
#BitcoinDominance#Bitcoin#Cryptocurrency#CryptoMarket#AltcoinSeason#Waa Maxay Bitcoin Dominance?