Somali Business Journal

Waa Maxay G7

Hordhac

G7 waa urur caalami ah oo ay ku mideysan yihiin toddobada dal ee ugu dhaqaalaha wayn dunida: Maraykanka, UK, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Kanada iyo Japan. Kooxdani waxay door wayn ku leedahay dejinta siyaasadaha dhaqaale, lacag iyo amni ee caalamka. Waxaa la aasaasay 1970-meeyadii, waxaana mar loo beddelay G8 markii Ruushku kusoo biiray,

Waa Maxay G7? Baro Saamaynta Ururka iyo Farqiga U Dhaxeeya G20

Wadamada laysku yirahdo G7 : waa urur dowladeed oo ay ku mideysan yihiin todobada waddan ee ugu dhaqaalaha wayn dunida. Ururkan wuxuu door muhiim ah ku leeyahay go’aanada dhaqaalaha iyo lacagta ee caalamka[1].

 Xubnaha G7

G7 waxay ka koobanyihin  toddobo waddan oo dhaqalo ahan horumaray :

  1. ๐Ÿ‡ซ๐Ÿ‡ท Faransiiska
  2. ๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ช Jarmalka
  3. ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡น Talyaaniga
  4. ๐Ÿ‡ฏ๐Ÿ‡ต Japan
  5. ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ Maraykanka
  6. ๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง Boqortooyada Midowday (UK)
  7. ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ Kanada

 Xubnaha kale ee la xiriira:

  • Midowga Yurub (EU) mararka qaar waxaa loo arkaa xubinta 8-aad ee aan rasmiga ahayn (de facto member), maadaama ay leedahay xuquuqda dhammaan xubnaha, inkasta oo aysan shirarka guddoomin karin ama martigelin karin.

 Taariikh Kooban

  • G7 waxaa la aas aasay horaantii 1970-meeyadii hoggaamiyeyaasha waddamadan ayaa isugu yimid si ay uga wada hadlaan arrimaha dhaqaale iyo lacagta aduunka.
  • Ururku wuxuu mar noqday G8 markii Ruushku uu kusoo biiray, laakiin waa laga saaray 2014 kadib markii uu si sharci darro ah u wareegay gobolka Crimea ee kaas oo katirsana Ukraine.

Sidee ayay U Shaqeyaan 

  • G7 waa madal hoggaamiyeyaasha dalalkaas ay ku kulmaan si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah sida:
    • Dhibaatooyinka dhaqaale
    • Sicir-bararka
    • Sicir-bararka shidaalka
    • Isbeddellada lacagaha
    • Daynta dalalka saboolka ah
    • Khilaafaadka caalamiga ah
  • waddan kasta ayaa si is-dhaafsi ah u qabta guddoominta G7 sanad kasta.

Tusaalooyin Ka Mid kamid  Ah Howlaha G7:

 1. Gargaarka Daynta Dalalka Saboolka ah

  • 1996: G7 waxay la shaqaysay Bangiga Adduunka si loo sameeyo barnaamij lagu cafinayo daymaha 42 dal oo sabool ah oo lagu magacaabo HIPC (Heavily Indebted Poor Countries).
  • 2005: Waxay bilaabeen Multilateral Debt Relief Initiative (MDRI) si loo tirtiro daymaha dalalkaas haddii ay buuxiyaan shuruudaha.

 2. Maaraynta Nidaamka Lacagaha Adduunka

  • 1999: G7 waxay abuurtay Financial Stability Forum (FSF) si ay ula socdaan khataraha dhaqaale ee dunida. Waxaa ku jiray:
    • Wasiirrada maaliyadda
    • Guddoomiyeyaasha bankiyada dhexe
    • Hayโ€™adaha lacageed ee caalamiga ah

Taariikhda G7

Sidee Ayuu Ku Bilaabmay G7

Asalka G7 wuxuu bilaabmay horaantii 1970-meeyadii, markii hogaamiyeyaasha Maraykanka, UK, Faransiiska, Jarmalka Galbeed (West Germany), iyo Japan ay ku kulmeen Paris si ay uga wada hadlaan hoos u dhaca dhaqaalaha iyo kacdoonka qiimaha shidaalka.

Kulan kaas waxaa dhiirrigeliyay Madaxweynihii Faransiiska Valรฉry Giscard dโ€™Estaing, kaasoo sanadkii 1975 martigeliyay kulankii Rambouillet isagoo casuumay:

  • Faransiiska
  • Maraykanka
  • UK
  • Jarmalka
  • Japan
  • + Talyaaniga

Markan waxaa kulanka ka qaybgalay Madaxda waddamada iyo wasiirrada maaliyadda  taasoo saldhig u noqotay qaabka G7 ee maanta.

๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ sidee ayay Kanada ugu  biirtay:

Sanadkii 1976, Kanada ayaa si rasmi ah loogu casuumay inay ku biirto, waxaana rasmiyan loo aqoonsaday kooxdii “Group of Seven” (G7).

Is Beddelka Martigelinta (Presidency Rotation)

Martigelinta shirarka G7 way wareegtaa sanad walba, iyadoo kala dambeyntoodu tahay:

France โ†’ USA โ†’ UK โ†’ Germany โ†’ Japan โ†’ Italy โ†’ Canada

Ballaarintii G7 โ†’ G8 (1998)

Markii dhaqaalaha adduunku uu is beddelay 1990-meeyadii, waddamo badan waxay bilaabeen inay si dhow ula shaqeeyaan dalalka reer galbeedka.

Taariikh kooban:

  • 1991: USSR (Soviet Union) ayaa burburay, waxaana dhashay dalal badan, oo uu ku jiro Ruushka.
  • Isla sanadkaas, Ruushka waxaa kadhacday doorashdii ugu horreysay oo  madaxweyne, loo dortay  Boris Yeltsin.
  • 1994: Madaxweynihi  Ruushka Boris Yeltsin wuxuu bilaabay inuu la kulmo madaxda G7, kulamadaas waxaa loogu magac daray P-8 (Political 8).
  • 1998: Ruushka waxaa si rasmi ah loogu daray kooxda, waxaana G7 loo beddelay G8.
  • 2014: Ruushka waxaa laga saaray kooxda kadib markii uu si sharci darro ah ula wareegay gobolka Crimea ee Ukraine.
  • Wixii markaas ka dambeeyay, kooxdu waxay ku noqotay G7, iyadoo Ruushku aan dib loo casuumin ilaa 2025.

waa maxay G20,  Maxay tahay farqiga udhexeya G7iyo G20,?

Maadaama dhaqaalaha caalamka uu si degdeg ah u kobcayo, waddamada horumaraya sida Shiinaha, Hindiya, Brazil, Mexico, iyo Koonfur Afrika ayaa sido kale noqday kuwo muhiim ah.

1999: Waxaa la aasaasay Group of Twenty (G20) :

  • Dhammaan xubnaha G7 โž•
    • 12 waddan oo kaleโž•
    • Midowga Yurub (EU)
      ay uga wada hadlaan arrimaha dhaqaale ee caalamka.

Isbarbardhig:

  • G7: kaliya waxay kakooban yihin  waddamada horumaray
  • G20: Waxay ka tarjumaysaa isbeddelka cusub ee suuqa, iyadoo la tixgelinayo waddamada dhaqaalahoodu kobcayo

Maanta: G20 ma ka xoog badan yahay G7?

Haa, dad badan waxay aaminsan yihiin in G20:

  • Ay hadda leedahay saamayn dhaqaale oo ka ballaaran G7
  • Sababtoo ah waxay matashaa  in ka badan 80% GDP-ga caalamka

 Xubnaha G20 

๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ Mareykanka (USA)

๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ณ Shiinaha (China)

๐Ÿ‡ฏ๐Ÿ‡ต Japan

๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ช Jarmalka (Germany)

๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง Boqortooyadi Midowday (UK)

๐Ÿ‡ซ๐Ÿ‡ท Faransiiska (France)

๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡น Talyaaniga (Italy)

๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ Kanada (Canada)

๐Ÿ‡ท๐Ÿ‡บ Ruushka (Russia)

๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ณ Hindiya (India)
๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ท Brazil

๐Ÿ‡ฒ๐Ÿ‡ฝ Mexico

๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡ท Argentina

๐Ÿ‡ฟ๐Ÿ‡ฆ Koonfur Afrika

๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡บ Australia

๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ท Koonfurta Kuuriya 
๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ฉ Indonesia

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฆ Sacuudi Carabiya 
๐Ÿ‡น๐Ÿ‡ท Turkiga (Turkey)

๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡บ Midowga Yurub โ€“ EU

FAQ 

1. G7 waa maxay?

G7 waa koox ka kooban 7 dal oo ah kuwa ugu dhaqaalaha wayn dunida Waxay xooga saaran  arrimaha dhaqaale, caafimaad, cimilada, iyo siyaasadda caalamka.

2. G7 saamayn intee leeg ayay ku leeyihin dalalka saboolka ah?

waxay bixiyaan taageero dhaqaale, dayn cafin,  iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah sida cudurrada iyo cimilada.

3. Maxaa loo sameeyay G7?

Waxaa loo sameeyay in lagu xalliyo dhibaatooyinka dhaqaale iyo siyaasadeed ee caalamka.

4.Wadamada G7 waa kuwee?

Maraykanka, UK, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Kanada, iyo Japan.

5. Waa maxay G20?

G20 waa urur caalami ah oo ay ku mideysan yihiin 19 dal iyo Midowga Yurub (EU). Waxaa la aasaasay sanadkii 1999 si loo xalliyo arrimaha dhaqaalaha caalamka, loogana hortago dhibaatooyin dhaqaale oo waawayn.

6. Waa maxay farqiga G7 iyo G20?

G7 = dalalka horumaray, G20 = dalalka horumaray + kuwa dhaqaalahoodu soo korayo.

Gunaanad

Gunaanad

G7 waa koox dhaqaale iyo siyaasadeed oo door wayn ku leh mustaqbalka dhaqaalaha caalamka. Inkasta oo G20 ay matasho qayb ballaaran oo ka mid ah GDP-ga caalamka, haddana G7 wali waa mid saamayn wayn leh. dadka xiisaynaya dhaqaalaha waa inay bartaan sida G7 iyo G20 u kala duwan yihiin si ay u fahmaan dhaqaalaha dunida ee maanta.

“Adiga, ma aaminsan tahay in G7 ay wali ka awood badan tahay G20

#G20#UruradaDhaqaalahaadduunka#DowladahaHorumaray##G7#XubnahaG7#TaariikhdaG7#ShirkaG7#G7vsG20#G20

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top