Hordhac:
Fahamka Sicir-bararka iyo Fursadaha Dhaqaale
Waa maxay Sicir-barar , waa marka qiimaha alaabada iyo adeegyadu (sida cuntada, kirada, shidaalka, iwm) ay si tartiib tartiib ah u kacaan. Marka qiimuhu kordho, lacagtii aad haystay wax yar ayey kuu goynaysa – waxayna luminaysa qiimaheedi wax iibsiga[1] .

Tusaale :
- Sanadkan: 10 doollar waxaad ku iibsan kartaa 5 xabbo oo rooti ah.
- Sanadka dambe: Isla 10-kii doollar waxaad ku heshay 3 xabbo oo rooti ah.
Taas macnaheedu waa qiimaha rootigu wuu kacay, lacagtiina wax yar ayay goynaysa (waa sicir-barar).
Sidee loo cabbiraa sicir-bararka?
Heerka sicir-bararka waxaa lagu qiyaasaa iyadoo la eegayo isbeddelka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada muhiimka ah muddo cayiman, badanaa hal sano.
- Haddii sicir-bararku yahay 10% sanadkan, waxay la micno tahay in badeecooyinka badankood 10% ka qaalisan yihiin marka loo eego sanadkii hore.
Waa maxay Sicir-barar iyo Sicir-dhac
- Sicir-barar :Waa marka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadu ay kordhan.
- Sicir-dhac: Waa marka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadu ay hoos u dhacaan.
Waa maxay Sicir-barar ,Maxaase Keena Sicir-bararka?
1️.Lacag badan oo suuqa la soo geliyo
Marka lacag badan la geliyo suuqa, dadku waxay haystaan lacag badan, sidaas darteed baahida wax iibsigu kor ayay u kacdaa, qiimuhuna wuu kacaa.
2️Lacagta oo qiimaheedu hoos u dhaco
Haddii lacagta waddanka qiimaheedu yaraado marka loo eego lacagaha kale ee caalamiga ah (USD, EUR), markaas alaabta dibadda laga keeni jiray waxay noqonaysa mid qaali ah .
3️daynta oo sifudud lagu bixiyo
Marka bangiyadu si fudud dayn kusiiyaan dadka , dadkuna marka waxa ay helayan fursad ay wax badan ku iibsadan → baahidu kor ayay u kacdaa, qiimaha badeecoyinkuna sido kale qor ayuu u kacaa .
4️.Badeecooyinka muhiimka ah oo yaraata
Marka raashinka, sida shidaalka ama waxyaabaha aasaasiga ah ay yaraadaan, qiimahoodu wuu kacaa.
5️Caqabado ku yimaada gaadiidka iyo keenista alaabada
Marka alaabada aan si fudud lagu keeni karin, sida marka ay jiraan dagaallo, cunaqabatayn, ama xaalado degdeg ah → sahaydu way yaraataa → qiimuhuna kor ayuu u kacaa.
Sidee Sicir-bararku u Saameeyaa Dadka?
Sicir-bararku wuxuu saamayn ku yeeshaa qof walba. Marka lacagtu lumiso awooddeeda wax iibsiga, waxaa dhici kara:
- Mushaharkaagu inuu isku mid ahaado, laakiin qiimaha wax walba ay kordhaan –
Tusaale, haddii aad bishii mushahar ahaan u qaadan jirtay $500, oo aad ku bixin jirtay $300 kirada guriga, sicir-bararka ayaa sababi kara in kiradu ay noqoto $400,
- Ganacsatadu qiimaha ayay kordhiyaan:
Haddii alaabta laga keeno meel kale ay qaali noqoto, dukaamadu iyaguna waxay sare u qaadaan qiimaha ay dadka uga iibinayaan
Tusaale: Haddii kiilada bariiska ah lagu keeni jiray $20, haddana ay noqoto $30 – dukaanku wuxuu iibin doonaa $30, adigana waa inaad bixisaa lacagtaas.
- Shaqaalaha inay mushaar badan dalbadaan – Maadaama qiimaha badeecoyinku kor u kaceey, shaqaaluhu waxay doonayaan in mushaarkooda kor loo qaado si ay nolol u helaan.
- Lacagta kaydsan way qiima beeshaa– Haddii aad haysato $1,000 oo aad u kaydsatay wax iibsiga mustaqbalka, sicir-bararka ayaa keenaya in lacagtaas aysan wax badan kuu qabanin marka loo eego waqtigii aad keydsatay.
Maxaa Laga Samayn Karaa?
Dowladaha iyo bangiyada dhexe waxay isku dayaan inay xakameeyaan sicir-bararka iyagoo:
- Kor u qaadaya dulsaarka bangiyada si dadka aysan amaah badan u qaadan.
- Sido lakale waxay xakameeyan lacagta la daabaco si aysan suuqa lacag badan ugu soo kordhin.
- La dagaallanka sababaha keena sicir-bararka:
Tusaale, haddii shidaalka ama gaadiidka ay dhibaato ka jirto, waxay sababtaa in qiimaha badeecooyinku kordhan. Dowladuhu waxay isku dayaan inay xalliyaan arrimahaas si sicir-bararku hoos ugu dhaco.
Noocyada Sicir-bararka
Sicir-bararka waxaa loo kala qaybiyaa saddex nooc:
- Sicir-bararka dalabka(Baahi badan ) (Demand-Pull Inflation)
- Sicir-bararka qiimaha wax soosaarka oo kor u kaca (Cost-Push Inflation)
- Sicir-bararka joogtada ah (Built-In Inflation)
1. Sicir-bararka Baahi Badan (Demand-Pull Inflation)
Sicir-bararkan wuxuu dhacaa marka dadku lacag badan haystaan oo ay si xad dhaaf ah wax u iibsadaan, halka wax-soo-saarku uusan la jaanqaadi karin dalabkan aadka ubadan. Tani waxay keentaa in qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadu ay kordhan.
Tusaale: Haddii mushharku uu kordho, dadku waxay bilaabi doonaan inay wax badan iibsadaan, sida guryo, baabuur iyo raashin. Haddii warshaduhu aysan bixin karin badeecooyin ku filan baahida jirta, qiimaha ayaa sare u kacaya.
2. Sicir-bararka Qiimaha waxsoosarka oo kor ukaca (Cost-Push Inflation)
Noocan wuxuu dhacaa marka kharashaadka wax-soo-saarku uu kordho, taasoo sababta in qiimaha alaabooyinku ay sare u kacaan. Waxaa sababa:
- Koror ku yimaada qiimaha shidaalka
- Yaraanshaha alaabaha muhiimka ah
- Dagaallo ama xayiraado ganacsi
Tusaale: Haddii qiimaha shidaalku sare u kaco, warshaduhu waxay isticmaalaan shidaal si ay alaabo u soo saaraan. Markii shidaalku qaali noqdo, kharashaadka wax-soo-saarku aad buu u kordhayaa, taasoo keenaysa in qiimaha badeecooyinku kor u kacaan.
3. Sicir-bararka Joogtada Ah (Built-In Inflation)
Noocan sicir-bararka ah wuxuu ku salaysan yahay filashada dadka. Haddii dadku aaminsan yihiin in sicir-bararku socon doono, waxay la jaanqaadi doonaan kororka qiimaha. Shaqaaluhu waxay dalbadaan mushaar kordhin si ay ula jaanqaadaan qiimaha sare, ganacsiyaduna waxay kor u qaadaan qiimaha badeecooyinkooda si ay uga jawaabaan kororka mushaaraadka.
Tusaale: Haddii shaqaaluhu arkaan in qiimaha cuntooyinka iyo guryuhu sii kordhayaan, waxay dalbanayaan mushaar badan. Haddii loo kordhiyo, ganacsiyadu waxay sare u qaadi doonaan qiimaha badeecadahooda si ay u daboolaan kharashaadka kordhay. Sidaas darteed, sicir-bararku wuu sii socondona .
Sidee Sicir-bararku u Saameeyaa Qiimaha?
Qiimaha alaabooyinka waa sahal in la cabbiro marka la fiirinayo badeeco kaliya, laakiin nolosha maalinlaha ah waxay u baahan tahay wax ka badan hal ama laba shay. Dadku waxay u baahan yihiin badeecooyin kala duwan sida:
- Cunto iyo biyo
- Shidaal iyo koronto
- Gaadiid iyo adeegyo caafimaad
- Waxbarasho iyo madadaalo
Sicir-bararku wuxuu cabbiraa isbedelka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada si loo ogaado sida guud ee nolol maalmeedku isku bedelay .
Sicir-bararka iyo Awoodda Wax iibsiga
Marka sicir-bararku kordho, qiimaha alaabooyinka iyo adeegyadu sare ayay u kacaan. Tani waxay keentaa in lacagtu lumiso awooddeedii wax iibsiga.
Tusaale: Haddii maanta $10 ay kugu filan tahay inaad iibsato 5 xabbo oo rooti ah, laakiin sanadka dambe isla $10 aad ku hesho 3 xabbo, sicir-barar aya jira.
Sicir-bararka joogtada ah wuxuu sare u qaadaa kharashka nolol-maalmeedka, taasoo keeni karta in dadka badankoodu ay dareemaan culays dhaqaale.

Maxaa Keena Sicir-bararka Joogtada ah?
Sida ay sheegayaan dhaqaaleyahannadu, sicir-bararka joogtada ah wuxuu dhacaa marka:
Lacagta la daabacayo ay ka badan tahay koboca dhaqaalaha:
Tusaale: Haddii dowladdu ay suuqa soogaliso lacag badan, dadku waxay helayaan lacag badan oo ay wax ku iibsadaan.
Markay baahi badani jirto, laakiin sahaydu aysan kordhin wali :
Tani waxay keentaa in qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadu ay qaali noqdaan – maxaa yeelay dad badan ayaa raba alaab tiradeedu aad u yar tahay.
Tusaale Taariikhi ah: Sicir-bararkii Yurub (1500–1700)
Markii Isbaanishku qabsadeen boqortooyooyinkii Aztec iyo Inca ee Ameerika, waxay heleen dahab iyo lacag badan. Waxay lacagtaas badan ku shubeen Yurub.
Natiijada:
Suqa Yurub lacag badan ayaa soo gashay, balse badeecooyinku aad bay u yaraaayeen
Lacagtu waxay noqotay mid qiimaheedu hoos u dhacay, sababtoo ah dadbadan aya lacag haysta oo raba inay badeeco iibsadan taas oo ugu banbaytii dhalisay sicir-barar ballaaran oo sababay qiimo-dhac joogto ah , waxayna gaartay heeerkii ugu hooseeyay
Sidee Loo Xakameeyaa Sicir-bararka?
Bangiyada dhexe iyo hay’adaha maaliyadeed ee dowladuhu waxay qaadaan tallaabooyin lagu xakameeyo sicir-bararka, sida:
- Xakameynta lacagta la daabacayo – Haddii lacagta la daabacayo yaraato, sicir-bararku hoos ayuu u dhacaa.
- Kor u qaadista dulsaarka bangiyada – Markii bangiyadu kor uqaadan dulsaarka suuqu xasilooni ayuu gala
- Xakameynta Qiimaha Badeecooyinka Muhiimka ah– Sida shidaalka iyo raashinka si dadku aysan culays u dareemin.
Sicir-barar vs. Sicir-dhaca (Deflation)
Haddii sicir-bararku yahay qiimaha oo sare u kaca, sicir-dhacu (deflation) waa ka soo horjeedka waana marka qiimaha alaabooyinku ay hoos u dhacaan. Haddii sicir-bararku hoos uga dhaco heer eber ah , sicir-dhac ayuu la micno yahay .
Waxaa sidoo kale jira “Disinflation,” oo ah marka sicir-bararku uu wali jiro, laakiin uu gaabinayo. Tusaale ahaan, haddii qiimuhu sanad walba 10% u kici jiray, laakiin sanadkan uu 5% kaliya sare u kaco, taasi waa disinflation.
Sidee Lacagtaada Uga Badbaadin Kartaa Sicir-Bararka?
Waxaa jira siyaabo kala duwan oo qofku lacagtiisa uga difaaci karo sicir-bararka.
Tusaale, qofku wuxuu maalgelin ku samayn karaa hantida qiimaheedu sare u kaco marka sicir-bararku kordho . Waxaa ka mid ah:
- Maalgashi ku samee badeecooyinka la isticmaalo maalin walba (Commodities) – Sida hadhuudhka, hilibka, shidaalka, korontada, iyo gaaska dabiiciga ah. Qiimaha badeecooyinkan caadiyan way kordhaan marka sicir-bararku sare u kaco.
- Guryaha iyo Kirada – Guryaha iyo dhulka waxay noqon karaan maalgashi wanaagsan. Mulkiilayaasha guryahu waxay kordhin karaan kirada si ay ula jaan-qaadaan sicir-bararka.
- Dammaanaddaha Dowladda (TIPS) – Dowladuhu, sida Maraykanka, waxay bixiyaan dammaanado lagu magacaabo Treasury Inflation-Protected Securities (TIPS). Waxay ilaaliyaan qiimaha lacagta, maadaama ay la jaan-qaadaan sicir-bararka.
Noocyada Cabbirrada Lagu Qiimeeyo Sicir-bararka
Si loo ogaado heerka sicir-bararka, waxaa la isticmaalaa qalabyo gaar ah oo cabbira isbeddelka qiimaha badeecoyinka iyo adeegyada. Kuwa ugu muhiimsan waa:
- Consumer Price Index (CPI)
- Producer Price Index (PPI)
- Wholesale Price Index (WPI)
Waa Maxay Consumer Price Index (CPI)?
CPI waa cabbir lagu ogaado isbeddelka celceliska qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada muhiimka ah ee ay dadwaynuhu u baahan yihiin. Waxaa ka mid ah:
- Gaadiidka (Tusaale: tikidhada basaska, shidaalka)
- Cuntada (bariiska, hilibka, khudaarta)
- Daryeelka caafimaadka ( daawooyinka, adeegyada isbitaallada)
Waa Maxay Wholesale Price Index (WPI)?
WPI wuxuu cabbiraa qiimaha badeecooyinka ka hor inta aan suuqa la keenin – sida qiimaha warshaduhu iskaga iibiyaan badeecoyinka ama qiimaha jumlada (retail level)..
Tusaale: Marka la eego suuqyada dharka, WPI wuxuu cabbiraa qiimaha:
- Suufka (raw cotton)
- Xarigga suufka (cotton yarn)
- Dharka aan la midabeeynin (cotton gray goods)
- Dharka la dhammeeyey (cotton clothing)
Dalka Maraykanka iyo wadamo kale, halkii ay ka isticmaali lahaayeen WPI, waxay adeegsadaan cabbir la mid ah oo la yiraahdo Producer Price Index (PPI).
Waa Maxay Producer Price Index (PPI)?
PPI waa cabbir muujinaya isbeddelka celceliska qiimaha ay helaan shirkadaha gudaha ee soo saara badeecooyin iyo adeegyo kala duwan. Waxaa lagu xisaabiyaa isbeddelka qiimaha laga helo dhinaca iibiyaha (seller), taasoo ka duwan CPI, oo diiradda saarta qiimaha macaamiishu bixiyaan (buyer).
Tusaaale :
Haddii qiimaha qamadiga uu hoos u dhaco Warshadaha sameeya rootiga iyo burka waxay heli doonaan qamadi raqiis ah taas oo sababi karta in qiimaha rootigu uu isbedelo (qiimo dhimis) .
Qaabka Loo Xisaabiyo Sicir-Bararka
Waxaa jira habab badan oo loo cabbiro sicir-bararka iyadoo la adeegsanayo tusmooyinka qiimaha sida CPI (Consumer Price Index) iyo PPI (Producer Price Index). Marka la rabo in la ogaado heerka sicir-bararka ee u dhexeeya laba xilli (bilo ama sanad), waxaa la adeegsanayaa qaacidaadad hoose:
Haddii aad rabto in aad ogaato sida awoodda iibka ee $10,000 ay isu bedeshay intii u dhaxaysay January 1975 ilaa January 2024, waxaa la helayaa macluumaadka CPI ee labada sano:
- CPI 1975 = 52.1
- CPI 2024 = 308.417
$$ \text{Inflation Rate} = \left( \frac{\text{Final CPI} – \text{Initial CPI}}{\text{Initial CPI}} \right) \times 100 $$
Tusaale:
- CPI 1975 = 52.1
- CPI 2024 = 308.4
$$ \text{Inflation Rate} = \left( \frac{308.4 – 52.1}{52.1} \right) \times 100 $$
$$ = (4.92) \times 100 = 492\% $$
Habka Loo Xisaabiyo Qiimaha Lacag Hore Marka La Eego Sicir-bararka
Foomka guud:
Tusaale:
- Lacagtii hore: $10,000
- Heerka sicir-bararka: 5.9197
(Tani waxay ka dhigan tahay in sicir-bararku kordhay 491.97% tan iyo 1975)
Si aad u ogaato qiimaha cusub ee $10,000, waxaa lagu dhuftaa heerka sicir-bararka:
$$ \text{Qiimaha cusub} = 5.9197 \times 10{,}000 = 59{,}197 $$
Natiijo:
$10,000 oo aad haysaty sanadkii 1975 waxay maanta la mid noqon lahayd $59,197.
Tusaale : Haddii rootigu 1975 uu ahaa $1, maanta qiimahaasi wuu labanlaabmi karaa ama in ka badan ayuu noqon karaa sicir-bararka awgiis.
Faa’iidooyinka iyo Khasaaraha Sicir-Bararka
Sicir-bararku wuxuu leeyahay labo dhinac — mararka qaar waa faa’iido, mararka qaarna waa dhibaato.
Faa’iidooyinka Sicir-Bararka
- Qiimaha Hantida kor ayuu uqada
Haddii aad leedahay hanti sida guri, dhul, ama badeeco kaydsan, sicir-bararku wuxuu kor u qaadi karaa hantidaas.
Tusaale:
Qof haysta guri wuxuu ka faa’iidaysan karaa sicir-bararka, sababtoo ah wuxuu guriga ku iibin karaa qiimo ka sarreeya kii hore.
- Maalgashigu Wuxuu Noqon Karaa Mid Faa’iido Leh
Marka sicir-barar jiro, dad iyo shirkado badan waxay raadiyaan maalgashi faa’iido badan leh
Tusaale:
Dadku waxay bilaabaan inay iibsadaan saamiyo (stocks) ama hanti kale,
- Koror Dhaqaale
Sicir-bararka yar (aan xad dhaaf ahayn) wuxuu dhiirrigelin karaa dhaqaalaha.
Sabab:
Dadku waxay doorbidaan inay lacagtooda hadda isticmaalaan halkii ay kaydin lahaayeen, maxaa yeelay lacagta mustaqbalka wax yar bay noqon naysa.
Khasaaraha Sicir-Bararka
- Awoodda iibka aya Hoos U Dhacda
Marka qiimaha cunto, guryo, iyo adeegyo kale kor u kacaan, lacagta aad haysato wax yar bay kuu goynaysa.
Tusaale:
Haddii aad hore $10 ugu iibsan jirtay 10 xabbo oo rooti ah, sicir-bararka awgiis hadda waxaad ku iibsan kartaa 6 kaliya.
- Kharashaadka Wax-soosaarka oo Kordha
Shirkaduhu waxay la kulmaan kharash kor u kacaya marka alaabaha ay isticmalayso qaali noqdaan.
Tusaale:
Shidaalku haddii uu qaali noqdo, gaadiidka iyo keenista badeecooyinkuba waxay noqonayaan qaali , taasoo qiimaha alaabaha kor u sii qaadaysa.
- Mushaharka oo Aan La kordhin
Marka sicir-barar yimado , mushaharka shaqaalayasha badankood si degdeg ah looma kordhiyo.
Natiijo:
Dadku waxay dareemaan culays dhaqaale, noloshuna way adkaata — gaar ahaan dadka dakhligoodu hooseeyo.
- Lacagta oo Dhammaan Qiimo Beesha (Hyperinflation)
Haddii sicir-bararku uu aad u bato (hyperinflation), lacagta dalku waxay lumisa qiimaheedi
Tusaale:
Zimbabwe waxa dhacay sicir-barar xad-dhaaf ah.
Dadku waxay lacag badan ku iibsan jireen hal xabbo oo rooti ah, ilaa ay lacagtoodii noqotay mid aan qiimo lahayn — warqad u eg lacag, balse waxba aan lagu iibsan karin.
FAQ
1. Waa maxay Sicir-barar?
Sicir-barar waa marka qiimaha badeecoyinka iyo adeegyadu ay si joogto ah u kacan, taasoo yareynaysa awoodda wax iibsiga ee lacagtaada.
2. Sidee loo cabbiraa sicir-bararka?
Waxaa lagu cabbiraa iyadoo la fiiriyo isbeddelka qiimaha badeecooyinka muhiimka ah muddo cayiman, iyadoo la adeegsado cabbiro kaladuwan sida CPI, PPI, iyo WPI.
3. Maxaa keena sicir-bararka?
Waxaa keeni kara:
- Lacag badan oo suuqa lagu shubo
- Qiimaha shidaalka ama badeecooyinka kale oo isbadela
- dalab badan iyo sahay yar
- Lacagta waddanka oo qiimo beesha
4. Sidee ayuu qofku isaga difaaci karaa sicir-bararka?
- Maalgashi ku samee hanti qiimaheedu kaco sida (guryo, macdan, saamiyo)
- Isticmaal dammaanado sida TIPS
6. Waa maxay farqiga u dhaxeeya CPI, WPI iyo PPI?
- CPI: Qiimaha uu macaamilku bixiyo (macamiilka)
- WPI: Qiimaha jumlada kahor inta aan suuqa la keenin
- PPI: Qiimaha ay shirkaduhu helaan marka ay alaabooyinka iibiyaan
Gunaanad:
Waa maxay Sicir-barar waa xaqiiqo nolosha ka mid ah – wuxuuna saameeyaa qof walba, ha ahaado shaqaale, arday, ganacsade ama xataa qof hawlgab ah. Waxaa muhiim ah in la fahmo sababihiisa, saameyntiisa, iyo sida looga hortagi karo.
Adiga oo aqoon u leh sicir-bararka, waxaad heli kartaa awood aad kula qabsato isbedbedelka qiimaha nolosha – adigoo ilaalinaya lacagtaada, maalgelintaada, iyo mustaqbalkaaga dhaqaale.
Ka Badbaadi lacagtada Sicir-Barar
Baro sida sicir-bararku u shaqeeyo, maxaa keena, iyo sida aad naftaada iyo lacagtaada uga ilaalin karto.
- Faham dhaqaluhu sida uu ushaqeeyo
- Qaado tallaabooyin maaliyadeed
- ilaali qiimaha lacagtaada
Akhri maqaalkan –una faa’iidee naftaada & asxabtada .Waa maxay Sicir-barar
#Waa maxay Sicir-barar #Dhaqaalaha #CPI #QiimahaAlaabada #MaaliyadaSomalia
Pingback: Waa Maxay G7 Saameynta Ururka iyo Farqiga U Dhaxeeya G20 iyo G7 ? - Somali Business Journal