Waa Maxay Liquidity Pool waa barkad dhijitaal ah oo ay dadku lacagtooda crypta-da ah ku shubaan,
si ay u fududeeyan in lacagaha lagu kala beddedho sid fudud markii lajoogo suuqyada DEX (decentralized exchanges) iyadoon qof dhexe loo baahnayn [1].

Tusaale:
- Axmed wuxuu ku shubay barkadda: 1 ETH + 2000 USDT
- Fartuun waxay rabtaa ETH, waxayna keensatay USDT
- Waxay ETH ka kaheshay barkadda
- Axmed wuxuu helay faa’iido yar (fee), sababtoo ah lacagtiisa ayaa la isticmaalay
Maxay muhiim u tahay?
- Waxay sahlaysaa in lacagaha si degdeg ah loo kala beddelo.
- Uma baahnid bangi ama shirkad dhexe si aad lacag u beddesho.
- Waa tiir muhiim u ah DeFi (Decentralized Finance).
Fiiro Gaar ah:
- Haddii qiimaha lacagaha crypta-da is beddedelaan si lama filaan ah, dadka lacagta ku shubay barkada waxay la kulmi karaan khasaare, arrintan waxaa la yiraahdaa impermanent loss.
Sababta Keetay Liquidity Pools
Intii aan la helin nidaamka AMM (Automatic Market Maker):
- Ganacsigu aad buu u adkaa sababtoo ah qofka wax iibinaya iyo kan iska iibinaya waa inay isla waqtigaas is helaan.
- Haddii midkood maqnaado, wax is-waydaarsi ah ma dhici jirin.
- Taasi waxay keentay lacag yari kutimaada suuqa, taasoo dhib ku ahayd ganacsatada.
Xalka:
AMM wuxuu keenay Liquidity Pools, oo dadku lacagtooda ku shubayaan barkad kadibna ay helan faa’iido khidmad ganacsi ah. Tani waxay dadka ku dhiirrigelisay inay lacag badan keensadaan → Suuquna uu noqdo mid firfircoon.
Maxaa Liquidity Pools ka Muhiim kadhigay?
Marka suuqa ay lacag yari ka jiro:
- Waxaa dhacaya waxa loo yaqaan slippage
- Slippage = farqiga u dhexeeya qiimaha aad filaysay iyo qiimaha dhabta ah ee wax lagu kala iibsaday.
Tusaale Fudud:
Waxaad rabtaa inaad ETH ku iibsato 2000 USDT,
laakiin suuqa lacag yari ayaa ka jirta → waxaa laga yaabaa inaad bixiso 2050 USDT.
Sababta? Ma jirto qof si degdeg ah kugu siinaya ETH qiimihii aad filaysay.
Sida Liquidity Pools-ku u Xaliyaan Dhibka:
- Waxay keenaan lacag badan oo kaydsan
- Dadku lacagtooda ayay ku shubaan barkadda
- Barkadda ayaa kuu suuq galinaysa qiimo toos ah oo joogto ah
- Waxaa yaraata slippage, ganacsiguna wuxuu noqdaa mid degdeg ah oo la isku hallayn karo
Sidee ayay u Shaqeeyaan Liquidity Pools?
1. Lacagta la dhigto
Markaad lacag dhigto liquidity pool, waxaad heli doontaa LP Tokens
(= calaamado kuu sheegaysa inta aad dhigatay).
2. Ganacsiga iyo Khidmadaha
Marka dad kale lacagahaas kala beddeshaan, waxaa laga qaadaa khidmad yar.
Khidmadaas waxaa loo qaybiyaa dadka lacagta ku shubay pool-ka—saamiga lacagta ay dhigeen ayaa go’aaminaya inta ay helayaan
Tusaale:
- Axmed wuxuu dhigtay $1000
- Sahra waxay dhigatay $500
- Ganacsiga waxa laga qaaday $15
Axmed wuxuu helayaa $10, Sahra-na $5
Sidee loo xakameeyaa Qiimaha lacagaha ku jira pool-ka?
Waxay adeegsataa algorithms gaar ah sida:
- “Constant Product Formula” ee Uniswap
Waxay xaqiijisaa in qiimaha labada lacag ay isu dheellitirmaan mar kasta, iyadoo ku saleysa supply iyo demand.
Waa Maxay Yield Farming?
Yield Farming = waa Hab kale oo faa’iido looga helo liquidity poolska.
Qofka lacag dhigta pool gaar ah wuxuu heli karaa faa’iidooyin dheeraad ah, sida:
- Crypto tokens cusub
- Abaalmarino lagu dhiirrigalinayo
Tusaale:
Maxamed wuxuu dhigaa lacagtiisa pool-ka Uniswap.
Marka laga reebo khidmadaha ganacsiga, wuxuu helaa token dheeri ah abaal-marin ahan.
1. Ma khasaari karaa haddii aan lacag dhigto pool-ka?
Haa, haddii qiimaha lacagta aad dhigto si lama filaan ah isu beddesho, waxaa dhici karta impermanent loss.
2. Waa maxay LP Tokens?
Waa calaamad muujinaya in aad lacag dhigatay pool-ka, waxayna kuu xaqiijinayaan inaad xaq u leedahay faa’iidada laga helo ganacsiga.
3. Waa maxay farqiga u dhexeeya DEX iyo liquidity pool?
DEX waa suuq is-waydaarsi oo aan lahayn qof dhexe, halka liquidity pool uu yahay meesha lacagaha lagu kaydiyo si DEX-gu u shaqeeyo.
gunaanad:
Liquidity Pools waa qalab muhiim ah oo si otomaatig ah u fududeeya ganacsiga crypta-da.
Lacag ayad dhiganaysa → Hel LP tokens → Qaado faa’iido marka dad kale is waydaarsadaan lacago.
Waxaa kor u sii kaca faa’iidada haddii aad isticmaasho yield farming.
Wax ka baro liquidity pools-ka si aad u fahamto sida ganacsiga crypta-da u shaqeeyo
Tijaabi Uniswap, PancakeSwap, ama dYdX si aad u aragto sida liquidity pools-ku u shaqeeyaan