Somali Business Journal

Waa Maxay Smart Contract?

Waa Maxay Smart Contract? (Heshiis Casri ah oo Dijitaal ah) waa barnaamij otomaatig ah oo lagu sameeyo blockchain-ka. Waxaad u fahmi kartaa inuu yahay heshiis dijitaal ah oo si toos ah u shaqeeya marka lagu heshiiyo shuruudo gaar ah[1]. 

WAA-MAXAY-SMART-CONTRACT

Tusaale:

Farax wuxu  leeyahay guri uu rabo inuu kireeyo hal bil .
Axmed isna wuxuu raba inuu gurigaas kireysto, laakiin midkoodna ma rabo inuu cid kale uu aamino ama furaha guriga uu udhiibo.

Markaas waxay isticmaalayaan Smart Contract:

  1. Ahmed wuxuu dirayaa lacagta kirada ee bisha  (tusaale ahaan $300) smart contract-ka.
  2. Smart contract-ku wuxuu hubinaya in lacagtu timid iyo inkale .
  3. Marka lacagta la xaqiijiyo, smart contract-gu si toos ah ayuu u siinayaa Ahmed furaha guriga (tusaale ahaan: koodh elektaroonik ah ama ogolaansha guriga ).
  4. Haddii bisha kiradu dhammaato oo Ahmed aanu lacag kale dirin, smart contract-ku wuxuu joojinayaa ogolaanshaha guriga .

 Farah iyo Ahmed midkonda uma baahna warqado ay kala qaatan ama, qof kale oo dhex-dhexaadiya.

Maxaa Lagu Dhisi Karaa Smart Contract?

Blockchains-ka sida

  • Solana
  • Binance Smart Chain
  • Ethereum

 waxay dadka u ogolaanayan  inay ku dhisaan mashruucyo kala duwan, oo dhammaantood ku shaqeeya Smart Contracts. Waxaana ka mid ah:

1. Fungible Tokens (Lacag Isku Mid ah)

Lacagaha crypta-da sida:
USDT, BNB, ETH
Tusaale: 1 USDT = 1 USDT kale, sida lacagta caadiga ah 

 2. NFTs (Non-Fungible Tokens)

Shay gaar ah oo aan la isu beddeli karin:
  Tusaale:

  • Farshaxan dijitaal ah
  • Hees gaar ah
  • Guri ku yaal Metaverse
    NFT-kasta wuxuu leeyahay aqoonsi u gaar ah.

 3. DeFi Platforms (Maalgelin aan bangi lahayn)

Smart contracts ayaa shaqooyinkan fulinaya:
Tusaale:

  • Amaahda crypta-da (Compound)
  • Suuqyada crypta-da  sida Uniswap

Ciyaaro lagu sameeyo blockchainka:
  Tusaale:

4. Ciyaaraha Blockchain-ka

  • Axie Infinity –  waa ciyaar ku dhisan blockchain- oo ka mid ah ciyaaraha Web3 
  • Decentraland – dadku waxay iibsadaan dhul dijitaal ah
    Dhammaan hantida ku jirta waa NFT ama token.

Maxay Tahay Faa’iidada Smart Contract?

  • Cid dhexe looma baahna (sida banki, qareen, ama dowlad)
  • Waxay fududaysaa in dadka aan is aqoon ay heshiis galaan
  • Wax walba waxay u dhacayaan si toos ah oo la hubo

Goorma Ayaa La Sameeyay Smart Contract?

Fikradda Smart Contract waxaa markii ugu horreysay soo jeediyay nin la yiraahdo Nick Szabo sanadkii 1994.

 Nick Szabo wuxuu ahaa khabiir ku takhasusay kombiyuutarada iyo sharciga.

 Ujeedkiisu waxay ahayd in heshiisyada dadka lagu beddelo barnaamijyo kombuyuutaro ah  kuwaas oo si toos ah u fulinaya heshiisyada — taas oo meesha kasaraysa qareennada  ama dad si gaar ah ula socda heshiisyadaas .

Tusaale

halkii labo qof ay heshiis warqad ku saxiixan lahaayeen, Smart Contract ayaa fulinaya heshiiska marka shuruudaha la buuxiyo — qofna awood uma laha inuu heshiiskaa wax ka badalo.

Waa Maxay Smart Contract

Waa Maxay DEX? (Suuq-is-waydaarsi)

Waa Maxay DeFi (Decentralized Finance)?

Maxay Tahay Waxa uu Sameeyo Smart Contract?

  1. Haddii labo qof heshiis galaan, smart contract-gu  wuxuu:
    • Sugaa in labada dhinac ay buuxiyaan shuruudaha
    • Markay buuxiyaan, shuruudaha  (sida : lacag bixinta ama badeeco dirista) si toos ah ayuu u dhacaa heshiiskas
  2. Tusaale:
    • Haddii qof lacag u diro qof kale si uu ugu gato kursi online ah
    • Smart contract-gu wuxuu xaqiijinaya lacagta
    • Marka la xaqiijiyo, kursigii si toos ah ayaa loogu diraya qofkii lacagta bixiyay


Maxaa Loo Adeegsadaa Smart Contract?

Smart contract waa barnaamij si toos ah u fuliya heshiisyada labada dhinac kadhex dhaca . Waxaa loo isticmaali karaa meelo badan, gaar ahaan meelaha la isku dhaafsado lacagaha iyo adeegyada.

 Tusaale:

  • Warshad rabta inay alaab ceriin ah iibsato  (raw materials)
  • Waxay isticmaali kartaa smart contract si ay lacagta ugu dirto shirkadda keenta alaabtaas
  • Marka alaabta la diro ama la helo, lacagtu si toos ah ayay ubaxaysa  oo waxay aadaysa  shirkaddii 

 Meelaha kale ee loo isticmaali karo waxaa ka mid ah:

  • iibka guryaha (real estate)
  • Ganacsiga saamiyada iyo badeecouinka (stock & commodity trading)
  • Heshiisyada Amaahda (Loan Agreements)
  • Maamulka shirkadaha (corporate governance)
  • Kormeerka silsiladda sahayda (supply chain)
  • Xalinta khilaafaadka (dispute resolution)
  • Daryeelka caafimaadka (healthcare)

Faa’iidooyinka Smart Contract

Smart contract waxay leeyahay faa’iidooyin badan, sida:

 1. Looma baahna cid dhexe:

Waxaad samayn kartaa heshiis adigoo aan u baahnayn qareen, banki, ama cid kale oo dhexdhexaad ah.

 2. Dhakhso baddnaan:

Heshiiska si toos ah ayuu u dhacayaa –umana baahna  maalmo badan in lasugo.

 3.  Hufnaan iyo Khalad La’aan

Shaqada waxaa qabanaayo kombuyuutaro Taas macnaheedu waa : wax khalad ah ma dhacaayo, wax walbana si sax ah ayay u dhacayaan.

 4. Lama beddeli karo:

Marka barnaamijka la dhamaystiro , lama badali karo, taas oo kor uqaadaysa  daahfurnaanta .

Dhibaatooyinka Smart Contract

Inkasta oo ay faa’iidooyin leeyihiin, haddana waxay leeyihiin caqabado:

1. Lama beddeli karo haddii qalad ka dhaco :

Haddii barnaamijka si qaldan loo sameeyo, lama saxi karo.

2. Waxay Ku Xiran Tahay Qofka Sameeyay

Haddii barnaamijka si khaldan loo sameeyo,
  wixii la rabay ma dhacayan ama wax qaldan ayaa dhici kara.

 3. Waxaa Jiri Kara Meelo Daciif Ah (Loopholes)

Haddii barnaamijku uu leeyahay daldaloolo  uu ka jilicsan yahay,
  Dadka qaaar aya uga  faa’iideysan karaa si khaldan taas  oo dhibaato keeni karta  

Ujeeddada Smart Contract

Ujeeddada smart contract waa in laba qof oo aan is aqoon ama is aaminayn ay weli sameyn karaan heshiis lagu kalsoonaan karo.

Afarta Qaybood ee Ugu Muhiimsan Smart Contract

In kasta oo ay ku xiran tahay nooca blockchain-ka iyo sida barnaamijka loo qoray, haddana guud ahaan smart contract waxay ka kooban tahay afar qaybood oo muhiim ah:

1️ State Variables – Xogta Lagu Kaydiyo Heshiiska

State variables waa xogta muhiimka ah ee lagu kaydiyo gudaha smart contract-ka.

Waxay u shaqaysaa sida xusuus uu leeyahay barnaamijka si uu u ogaado waxa socda.

Tusaale:

  • Magaca qofka heshiiska galay (tusaale: Ahmed)
  • Lacagta la bixinayo (tusaale: $100)
  • Xaaladda heshiiska (tusaale: “weli socoda” ama “la dhammeeyay”)

 Xogtaan ayaa loo adeegsadaa in smart contract-gu ogaado goorta ficilka  lasamaynayo.

2️Functions – Hawlaha la qaban karo

Functions waa hawlaha uu smart contract-gu qaban karo marka  badhan lariixo.

Waxay sheegaan waxyaabaha barnaamijku sameyn karo marka shuruud la buuxiyo.

Tusaale:

  • Lacag dirid (: Ahmed ayaa lacag u diray Farah)
  • Xaalad Beddelid  (tusaale: heshiiska ayaa loo baddelaa “la dhammeeyay“)
  • Xisaabinta  qiimaha (tusaale: xisaabi lacagta daynta ama gunnada )

3️ Events – Fariimo Toos ah oo Ka yimaadda Heshiiska

Events waa fariimo ama digniino uu smart contract-gu diro si loo ogeysiiyo dadka ama barnaamijyada kale in ficil dhacay ama lasameeyay.

 Waxay u shaqeeyaan sida “ogeysiis” ama ” digniin”.

Tusaale:

  • Lacagta waa la diray”
  • Heshiiska waa la dhammeeyay”
  • Shuruuda lama buuxin”

4️Modifiers – Shuruudo Gaar ah oo Lagu Xiro Qofka Fulinaya

Modifiers waa xeerar lagu daro functionska  si loo xaddido cidda fulin karta hawshaas.

kaliya Waxay xaqiijiyaan in qofka saxda ah uu samayn karo ficilka.

Tusaale:

  • Kaliya milkiilaha smart contract-ka ayaa lacag ka saari kara
  • Dadka kale ma fulin karaan hawshan ilaa ay buuxiyaan shurudaha  gaarka ah”

Modifiers waxay muhiim u yihiin ammanka iyo xakamaynta ficillada smart contract-ga.

1️Waa maxay farqiga u dhexeeya smart contract iyo heshiiska caadiga ah?

Smart contract waa barnaamij si toos ah u fuliya heshiisyada, halka heshiiska caadiga ah uu u baahan yahay qareen, saxiix, iyo mararka qaar maxkamad si loo fuliyo.

2️ Smart contract-ga  ma la beddeli karaa haddii khalad dhaco?

Maya, Marka smart contract la dhigo blockchain-ka, lama beddeli karo. Waa sababta ay muhiim u tahay in si sax ah loo qorsheeyo marka hore.

3️Qof walba ma isticmaali karaa smart contract?

Haa, qof kasta oo leh aqoon yar uleh blockchain -ka sida uu ushaqeeyo  ah ama isticmaala adeegyada fudud sida Ethereum ama Solana, wuu ka faa’iideysan karaa smart contractska haddii la rabo, xitaa shirkado gaar ah baa kuu samayn kara.

Gunaanad:

Waa Maxay Smart Contract waa barnaamij ku shaqeeya blockchain-ka  kaasoo si toos ah u fuliya waxyaabaha ay laba dhinac ku heshiiyeen.

Waa Maxay Smart Contract waa barnaamij blockchain ah oo si toos ah u fuliya heshiisyada, taasoo meesha ka saarta baahida cid dhexe.

Ma rabtaa inaad barato sida loo isticmaalo smart contracts si aad ganacsi, maalgashi ama adeegyo kale u samaysato ?
  Nala soco si aad u hesho qormooyin kale oo  kuqoran afkaaga hoooyo, 

Fadlan faallo noo reeb: Maxaad rabtaa maqaalka xiga inuu noqdo?

#Waa Maxay Smart Contract#Blockchai#CryptoEducation#HeshiisDijitaalAh#TeknoolojiyadaWeb3

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top