Somali Business Journal

Weerar Cyber ah oo Lagu Qaaday Nobitex: $48 Milyan oo La Xaday

Shirkadda Nobitex, oo ah shirkad kashaqaysa lacagaha dijitaalka ah (crypto exchange) oo caan ka ah gudaha Iran, ayaa la xaqiijiyay in la weeraray 18-ka Juun 2025. Weerarkan ayaa sababay in laga xaday lacag dhan $48 milyan oo ku jirtay hot walletska shirkada , taasoo ah dhacdo kamid ah weerarrada cyber ee ugu waawayn sanadkan.[1]

 Lacagta La Xaday iyo Shabakadda La Adeegsaday

Lacagta la xaday waxay ahayd Tether (USDT) oo lagu xawilay shabakadda Tron.
Waxaa la xaqiijiyay in lacagtu ku jirtay cold wallets ay wali amaan tahay.

 Balanqaadka Shirkadda Nobitex

Shirkaddu waxay ku dhawaaqday in:

Ay mas’uuliyadda weerarkan si buuxda u qaadanayso
Oo
Ay lacagta la xaday dib ugu  magdhawi doonto, iyadoo adeegsaneysa sanduuqa caymiska iyo hantideeda

Kooxda Weerarka Qaaday: Predatory Sparrow

Weerarka waxaa sheegatay kooxda Gonjeshke Darande (“Predatory Sparrow”), oo lala xiriiriyo inay yihiin koox u shaqeysa Israel.

Waxay ku eedeeyeen Nobitex in:

  • Ay tahay aalad maaliyadeed oo taageerta hawlgallada milatari ee Iran
  • Ay ka caawiso shacabka Iran in ay ka baxsadaan cunaqabateynta caalamiga ah
  • Shaqaalaha shirkaddu la mid yihiin “ciidan qaran” sida uu qabo sharciga Iran

 Kooxdu waxay ku hanjabtay in ay soo bandhigi doonaan:

  • Koodhka ilaha (source code) ee shirkadda
  • Xogaha gudaha – 24 saacadood gudahood

 Xaaladda Hadda ee Nobitex

Shirkaddu waxay si degdeg ah u damisay:

  • Websaytka
  • App-ka mobilka

 Waxa si toos ah digniin loo siiyay dadka isticmaala madasha in ay si dhakhso ah uga la baxaan lacagtooda.

Xiriirka Siyaasadeed & Xiisadaha Soo Kordhaya

Weerarkan wuxuu dhacay xilli xiisado milatari ay ka taagan yihiin Iran iyo Israel — iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay la is-weydaarsaday gantaallo.

Kooxda Predatory Sparrow horey ayay u sheegatay weerarro kale oo lagu qaaday:

  • Bank Sepah
  • Hay’ado kale oo dowladda Iran ka tirsan

 Gunaanad: Halista Suuqyada Crypto

Weerarkan wuxuu muujinayaa:

  • Halista wayn ee suuqyada crypto ay wajahaan, gaar ahaan kuwa ka howlgala goobo xasaasi ah sida Iran
  • Sida crypto platforms loogu adeegsan karo siyaasad ahaan – ha noqoto taageeridda dagaalada, jebinta sharciyada, ama ka fogaanshaha cunaqabateynta

Nobitex #CryptoHack #CyberAttack #USDT #TronNetwork #CryptoNews #Iran #Israel #BlockchainSecurity #PredatorySparrow #HotWallet #ColdWallet #CryptoScam #CryptoSecurity #SomaliBusinessJournal #WeerarCyber #LacagtaDijitaalkaAh

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top