Farqiga u dhexeeya Siyaasadda Maaliyadeed iyo Lacageed , waxa jira laba qaab oo waawayn oo dowladdaha iyo bangiyada dhexe (sida Federal Reserve) ay u adeegsadaan sidii ay u hagaajin lahaayeen dhaqaalaha dalkooda:
- Siyaasadda Maaliyadeed (Fiscal Policy)
- Siyaasadda Lacageed (Monetary Policy)
Labadooduba waxay xooga saaran labo ujeedo:
- In dhaqaalaha korloo qaado marka uu daciifo
- In la fududeeyo marka dhaqaluhu cuslaado (sida : sicir-barar iyo dulsaar sare ay jiraan)

Maxay Tahay Siyaasadda Maaliyadeed?
Siyaasadda maaliyadeed waa marka dowladdu ay isticmaalayso:
- Kharashaad (lacag ay ku bixiso adeegyada ama mashaariicda)
- Canshuuraha (lacagta ay dadka iyo shirkadaha ka soo qaado)
Siyaasadda Maaliyadeed waxay saameyn ku yeelan kartaa dhaqaalaha sida:
- Dadku inay lacag badan ama yar haystaan
- Shirkaduhu inay maalgashi sameeyaan ama iska joojiyaan
- Heerka sarifka lacagaha qalaad (dollar/euro)
- Daynta guud ee dalka
- Dulsaarada la xiriira daynta
Tusaale:
Haddii dowladdu ay dhisto waddooyin ,isbitaallo badan , waxa shaqo helaya dad badan, taas oo keeneysa in dadku lacag badan helaan, wax iibsadaan, dhaqaalaha dalkuna uuu koriimo sameeyo .
Keynes iyo Siyaasadda Maaliyadeed
John Maynard Keynes wuxuu ahaa dhaqaale-yahan Ingiriis ah wuxu caan ku ah fikirka Keynesianism.
Isagu wuxuu aaminsanaa :
- Dowladdu inay faragalin samayso marka dhaqaluhu hoos udhaco
- Tusaale ahaan: Haddii shaqo la’aan jirto, dowladdu waa inay lacag ku bixisaa shaqo-abuur (sida mashaariic )
Tusaale:
Intii lagu jiray dhibaatadii dhaqaale ee waynayd (Great Depression), Keynes wuxuu sheegay in dowladdu ay tahay inay qarash badan geliso suuqa si dadku shaqo u helaan[1].
Doodda: Keynes vs Monetarists
Siyaasadda Keynes-ka waxaa si wayn loo isticmaali jiray ilaa 1970s.
Laakiin markii dhaqaaluhu uu noqday mid aan degganayn, dad kale sida Milton Friedman oo ahaa monetarist (taageera siyaasadda lacagta) ayaa sheegay:
“Faragelinta dowladda oo kaliya ma xalliso dhibaatooyinka dhaqaale. Waxaa loo baahan yahay in la xakameeyo lacagta wareegaysa (money supply).”
Dooddan ayaa ahayd:
- Keynesians: Dowladdu ha farageliso si dhaqaaluhu kor ugu kaco
- Monetarists: Bangiga dhexe ha xakameeyo lacagta iyo dulsaarka si suuqu isu hagaajiyo
Marka Dowladdu Lacag Badan Bixiso Canshuurahana la Dhimo
Haddii dowladdu:
- Canshuuraha dhinto
- Lacag badan qarash garyso
Tani waxay la micno tahay in la isticmaalayo siyaasad ballaarin ah (expansionary fiscal policy) si dhaqaaluhu u kobco.
Laakiin dhibaatooyin kale ayay keeni kartaa:
1. Dayn Qaran oo Korodha
Haddii dowladdu ay qarash garayso lacag ka badan inta canshuuraha kasoo xaroota , waxay soosari karta :
- Soo saartista bonds (curar) si ay lacag u hesho dowladu
- Bond-yadaasi waxay leeyihiin dulsaar (lacag dheeri ah oo la siinayo cidda curarta iska leh )
Tani waxay keeni karta in daynta guud ee dalku ay korodho.
2. Saamaynta “Crowding Out”
Marka dowladdu ay suuqa la timaado bond badan:
- Shirkadaha gaarka loo leeyahay (private sector) waxay la tartamayaan dowladda si ay dayn u helaan ,Tani waxay keeni karta in dulsaaraku kor u koco sababo la xiriira tartan sare oo ku saabsan daymaha
Natiijadu waxay noqon kartaa:
- In dadkii iyo ganacsiyadii doonayay daynta ay helaan mid qaali ah
- Xitaa dowladda lafteedu waxay la kulmi doonta dulsaar sare
3. Saamaynta Qiimaha Dollar-ka iyo Ganacsiga Caalamiga ah
Haddii dowladdu ay bixiso bond leh dulsaar sare:
- Maalgashadayaasha shisheeye waxay bilaabayaan inay iibsadaan bond-yadaas ,Si ay bond u iibsadaan, waxay u baahan yihiin inay dollarka iibsadaan ,Tani waxay kor u qaadaysa qiimaha dollarka ama lacagta dalku uu leeyahay
Dhibaato Kale: Waqtiga Dib-u-dhaca Go’aamada
Siyaasadda maaliyadeed umashaqayso si degdeg ah, sababtoo ah:
- Makii lago,aansado wax kabadalka siyasada lacageed , waa in marka hore laga ansixiyaa barlamaanka dalka tusaale : Kongareeska
- Kadibna, waa in madaxwaynuhu uu saxiixo
- Intaas oo dhan waxay qaadataa waqti dheer
Marka la gaaro waqtiga fulinta :
Waxa laga yaaba in mar horeba suuqu is beddelay , Go’aankii lagarayna uu noqdo mid aan la jaanqaadi karin xaaladda cusub ee suuqa
Maxay Tahay Siyaasadda Lacageed (Monetary Policy)?
Siyaasadda lacageed waa siyaasad uu maamulo (Bangiga dhexe ee wadanka sida Federal Reserve ee dalka marykanka) si loo xakameeyo dhaqaalaha. Ujeeddada ugu wayn waa in la abuuro jawi sahlan, si ganacsigu u kobco, dadkuna ay lacag u amaahdaan si sahlan.
Aragtida Keynesian
Markii hore, dhaqaale-yahanada Keynesian waxay rumeysnaayeen in:
- Xitaa haddii dulsaarka la dhimo, bangiyadu kuma qasbana inay dayn bixiyaan. Waxay dooran karaan inay lacagtooda haystaan, halkii ay dadka siin lahaayeen.
- Dadka laftoodu dayn uma qaatan dulsaarka ayaa hooseeya, waxay dayn u qatan marka baahi ay jiro ama ay u baahdaan .
Tusaale: Haddii dadka ay shaqo la’aan yihiin, uma dhaqaaqayaan inay amaah qaataan, xitaa haddii dulsaarku yahay 0%. Sababtoo ah wali ma haystaan wax dakhli ah.
In kastoo ay jiraan waqtiyo aragtidani sax tahay, haddana si dhab ah siyaasadda lacagtu waxay saamayn ku leedahay dhaqaalaha iyo suuqyada , sida saamiyada iyo bonds-ka.
3-da hab ee Ugu Muhiimsan ee Fed-ay Isticmaasho
Federal Reserve waxay leedahay 3 hab oo muhiim ah si ay u beddesho wareega lacagta (money supply):
1. Open Market Operations (OMOs)
Tani waa marka Fed-ay :
- iibsato bond-yada dowladda → lacag badan ayaa soo gasha suuqa → dhaqaaluhuna wuu koraa
- Iska iibiso bond-yada dowladda → lacagta suuqa kujirta way yaraataa → dhaqaaluhuna wuu gaabiyaa.
Tusaale: Haddii Fed-ay iibsato bonds, waxay lacag cusub galinaysaa bangiyada → bangiyaduna waxay dad badan iyo shirkado siinayan dayn.
2. Reserve Requirement Ratio
Tani waa xaddiga lacag ee bangiga qasab ku ah kayd ahaan.
- Haddii Fed-ay hoos u dhigto heerka dulsaarka → bangiyadu waxay haystaan lacag badan oo ay dayn ku bixin karaan
- Haddii Fed-ay kor u qaado → lacagta la dayminayo way yaraataa
Tusaale :
Qiyaas in ad rabto inaad iibsato baabuur, laakiin lacag kugu filan mahaysatid , markaa waxaad dayn ka qaadanaysa bangiga.
Haddii dulsaarku uu yahay 2%:
- Bangigu wuxuu kusiinkara : “Waxaan ku siinayaa $10,000, adigoo sanad walba bixinaaya kaliya $200 dulsaar ahan .”
- Tani waa dayn jaban → adiga iyo dad kale waxaad si fudud ku helaysan dayn → dadku waxay bilaabayaan inay wax iibsadaan → shirkaduhu faa’iido ayay helaan → dhaqaaluhuna wuu kobcayaa.
Haddii dulsaarku uu yahay 10%:
- Bangigu wuxu kuu sheegaya : “Waa inaad bixisaa $1,000 dulsaar ah .”
- Tani waa dayn qaali ah → dadku waxay bilaabayan inay iska dhafan → iibku wuu yaraanaya → shirkaduhu mahelayan faa,ido badan → dhaqaaluhuna wuu daciifaya ama cuslaanaya .
3. Discount Rate – ?
Discount Rate: waa dulsaarka uu bangiga dhexe (sida Fed) uu dayn ahab u siiyo bangiyada kale.
Haddii Fed-ay hoos u dhigo dulsaarkaan:
- Bangiyadu waxay si fudud u helayaan lacag
- Waxayna u sii gudbinayaan macaamiishooda → amaah jaban
Haddii Fed-ay kor u qaado dulsaarka:
- Amaahdu waxay noqonaysaa mid adag oo qaali ah
- Bangiyadu way yaraynayan dayn bixinta
Ogow:
Discount rate-ka: maaha dulsaarka dadku toos u bixiyaan marka ay dayn qaataan,lakin Waa lacagta u dhaxaysa bangiga dhexe (sida Fed) iyo bangiyada kale, laakiin waxay si dadban u saamaysaa qof kasta.
Tusaale:
Fed- haddii uu hoos u dhigo discount rate ka :
- Bangiyadu waxay helaan lacag raqiis ah
- Waxay bilaabaan inay bixiyaan amaah jaban
- Dadkuna waxay bilaabaan guryo iibsasho ama ganacsi inay bilaaban
Muuqaalka Dhaqaale Ee Mudada Dheer
Tusaale:
Haddii aragtida Keynesian la isticmaalo muddo 25 sano ah iyadoo lagu tiirsan yahay siyaasadda maaliyadeed, dalku wuxuu geli doonaa wareegyo dhaqaale oob kala duwan .
Laakiin marka 25-kaas sano la eego:
- Waxaa weli taagan hantida waarta sida:
- Wadooyin
- Isbitaallo
- Buundooyin
- Koronto & biyo
- Wadooyin
Taasi waxay inta badan ka dhalatay faragelinta maaliyadeed (fiscal intervention).
Dhanka kale:
Bangiga Dhexe wuxuu isla muddadaas samayn karaa boqollaal go’aan oo ku saleysan siyaasadda lacageed, laakiin guushoodu waxay ahaan kartaa mid xaddidan ama kumeelgaar ah.
Hal Siyaasad Kaliya ma ku filantahay – mise Waxaa Loo Baahan Yahay Isku-dhaf
- Siyaasadda maaliyadeed waxay leedahay dib-u-dhac: waxay qaadataa waqti in ay dhaqaale saamayso.
- Siyaasadda lacageed waxay ku fiican tahay marka dhaqaaluhu aad u kululaado (sicir-barar, dulsaar sare).
→ Waxay qaboojisaa dhaqaalaha si degdeg ah.
→ Laakiin, waxay ku liidataa marka loo baahan yahay in dhaqaalaha si xoog leh loo dhaqaajiyo.
Tusaale: Haddii Fed hoos u dhigto dulsaarka, haddana wali aysan dadku haysan kalsooni dhaqaale, ma doonayaan inay dayn qaataan — markaas dhaqaaluhu si sahlan uma kobcayo.
(FAQ)
1. Waa maxay siyaasadd maaliyadeed?
Siyaasadda maaliyadeed waa tallaabooyin ay dowladduhu qaadaan si ay u saameeyan dhaqaalaha, iyakoo adeegsanaysa kharashaadka dowladda iyo canshuuraha. Ujeeddadu waa in la kobciyo dhaqaalaha
2. Sidee bay dowladduhu u adeegsadaan marka dhaqaaluhu hoos u dhaco?
Dowladdu waxay hoos u dhigtaa canshuuraha ama waxay kordhisaa kharashaadka (sida dhismaha wadooyinka, isbitaallada) si ay u abuuraan shaqooyin, korna ugu qaadaan dakhliga dadka, taasoo kicisa dhaqaalaha.
3. Maxay tahay farqiga u dhexeeya fiscal policy iyo monetary policy?
Fiscal policy waxaa maamusha dowladda (canshuur + qarash), halka monetary policy uu maamulo bangiga dhexe (wareega lacagta + dulsaarka).
(CtA
💬 Maxaad ka aaminsan tahay doorka dowladda iyo bangiga dhexe ee dhaqaalaha? Ka dhiibo fikirkaaga – ama akhri maqaalkeena ku saabsan “cpi iyo Sicir-bararka
#SiyaasaddaMaaliyadeed #SiyaasaddaLacageed #FarqigaSiyaasadaha #FiscalPolicy #MonetaryPolicy #Dhaqaalaha #BangigaDhexe #Canshuuraha