Somali Business Journal

Waa maxay Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold?

Waa maxay Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold? Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold waa noocyo ka mid ah lacagaha digital-ka ah ee loo yaqaan cryptocurrencies, waxayna ka dhasheen ama ku abtirsadaan  lacagta looyaqan Bitcoin (BTC).

Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold labaduba waa lacagaha digital-ka ah ee ka tirsan nidaamka lacag-bixineed  (peer-to-peer) — taa micnaheedu waa in dadku si toos ah lacag isugu diraan iyadoo aan isticmaalin bangiyo, xawaalado , ama dowlado dhexe[1]

Waa-maxay-Bitcoin-Cash-iyo-Bitcoin-Gold.

Qodobada Muhiimka ah:

  • Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold Labadaba waa la qodi karaa (mining), laakiin Bitcoin Cash waxaad u baahan tahay qalab qaali ah oo awood badan sida ASIC .
  • Bitcoin Gold waa adag tahay in la iibsado, sababtoo ah badanaa lagama helo  meelaha lacagaha dhijitalka lagahelo  .
  • Bitcoin Cash waxaad ka iibsan kartaa suuqyada lacagaha digital-ka ah, laakiin Bitcoin Gold suurtagal ma ahana ianad si fudud ku heshid .

Maxay Tahay “Fork” ( Farac )?

Bitcoin Cash (BCH) iyo Bitcoin Gold (BTG) waa laan (hard forks)ama qayb  ka baxay lacagta Bitcoin (BTC).
Fork waa marka blockchain-ka Bitcoin uu labo laan u kala jabo sababo la xiriira isfahan waa ku yimid horumarinta nidaamka.

Tusaale ahaan:

Ka waran haddii koox ka mid ah horumariyeyaasha Bitcoin ay rabaan inay wax ka beddelaan sida lacagta loo qodo, halka koox kale aysan raacsanayn? Markaas waxay noqon kartaa in koox walba ay laan ama farac gooni ah samaysato .

Bitcoin Gold:

Bitcoin Gold waxaa loo sameeyay si looga hortago in shirkado waaweyn oo haysta qalabyo casri ah ay keligood gacanta ku dhigaan lacagta Bitcoin.

Ujeedada Bitcoin Gold: Waa in dad walba ay heli karaan fursad ay ku qodtaan lacagta digital-ka ah iyago isticmaalaya kombuyuutar caadi ah oo leh kaarka muuqaalka (graphics card), halkii ay u baahnaan lahayeen qalab aad qaali u ah.

Tusaale:

Waa Maxay Bitcoin Cash (BCH)?

Bitcoin Cash (BCH) waa lacag dhijitaal ah oo loogu talagalay in si dhakhso ah oo fudud lagu kala iibsado lacagaha, halkii ay ahaan lahayd lacag abaalmarin lagu siiyo dadka qodayasha ah (miners).

Faa’iidooyinka Bitcoin Cash:

  • Waxaad diri kartaa ama heli kartaa daqiiqado gudahood.
  • Waxaa loo isticmaalaa si lacagaha loogu kala diro dalal kala duwan iyadoon loo  baahnayn bangi ama hay’ad dhexe.
  • Looma baahna  xeerar adag oo caalami ah, sida sharciyada  bangiyada dhaqaalaha aduunka.

Tusaale Nololeed:

Haddii aad joogto Turkiga oo aad rabto inaad lacag u dirto sxpkaa  oo  jooga Kenya, Bitcoin Cash ayaa kuu oggolaanaysa inaad lacagta aad dirto si toos ah, oo deg-deg ah, oo jaban, adigoon adeegsan xawaalado ama bangiyo.

Farqiga u dhexeeya Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold

Bitcoin Cash (BCH) iyo Bitcoin Gold (BTG) waa laba lacagood oo dhijitaal ah oo ka farcmay Bitcoin, balse waxay ku kala duwan yihiin sida ay u shaqeeyaan .

1. Habka Qodista (Mining Algorithm):

Bitcoin Cash waxay  isticmaashaa SHA-256 oo ah hab qodis dhaqameed oo ay  Bitcoin-caan ku tahay. Laakiin Bitcoin Gold waxay u wareegtay hab cusub oo la yiraahdo Equihash, si dadka caadiga ah u heli karaan fursad ay ku qotaan.

2. Qalabka Qodista:

  • Bitcoin Cash (BCH): Waxaa lagu qodi karaa qalabka ASIC oo qaali ah, dadka badankoodna ma awoodaan.
  • Bitcoin Gold (BTG): Waxaa lagu qodi karaa kombiyuutarada caadiga ah ee aan maalin walba isticmaalno.

3.ammaan ahan  (Protocol):

Bitcoin Cash wuxuu adeegsadaa SecureSigs, halka Bitcoin Gold uu isticmaalo SegWit – waa hab amni, waxayna mid walba leedahay qaab dhismeed u gaar ah oo ay xogta ku maamusho.

SecureSigs (Bitcoin Cash):

SecureSigs waa nidaam cusub oo Bitcoin Cash u adeegsato saxeexa amniga (security signatures).
ujeedadeedu Waxay tahay:

  • In si toos ah loo xaqiijiyo qofka lacagta diraya.
  • In la yareeyo qaladaadka iyo weerarada suurtagalka ah sida transaction malleability (xogta oo labedelo).


SegWit (Segregated Witness) – Bitcoin Gold:

SegWit waa nidaam amni oo markii hore loogu talagalay Bitcoin, waxaana markii dambe adeegsatay Bitcoin Gold si loo hagaajiyo amniga iyo xawaaraha.


Waxa uu sameeyaa:

  • Waxa uu  kala saaraa xogta saxeexa (signature) ee lacagta iyo xogta kale ee loo baahan yahay.
  • Tani waxay ka dhigaysaa lacagta mid yar (oo degdeg ah ) oo si fudud loo hubin karo.
  • Waxay sidoo kale kordhisaa tirada lacagaha (transactions) ee hal block ku dhici kara ama halkii block uu qaadi karo 

4. Suuqa laga helo:

Bitcoin Cash si fudud ayaad uga heli kartaa suuqyada waaweyn ee lacagaha digital-ka ah sida Binance ama Coinbase. Laakiin Bitcoin Gold aad bay ugu yartahay suuqyada , waana adag tahay in laga helo meelaha caanka ah ProBit Global

5. Tirada Lacagta ee Suuqa Ku Jirta:

Ilaa hadda, waxaa jira in ka badan 19 milyan oo Bitcoin Cash ah oo suuqa taalla, halka Bitcoin Gold ay  gaarayso qiyaastii 17.5 milyan.

Sidee Loo Qodaa Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold?

Bitcoin Cash (BCH):

  • Waxaa lagu qodi karaa ASIC machines – waa qalab gaar ah oo loogu talogalay  mining-ka.
  • Laakiin qalabkaas aad buu qaali u yahay, wuxuu isticmaalaa koronto badan, mana ahan qalab  uu qof caadi ahi heli karo.

Bitcoin Gold (BTG):

  • Waxaad ku qodi kartaa kombiyuutarkaaga gaarka ah, laakiin waa inaad haysato kaarka muuqaalka (graphics card) casri ah iyo software mining ah.
  • Tani waxay la micno tahay: qof walba wuu qodan karaa haddii uu haysto PC fiican, 

 Mining Pool

Haddii aad rabto inaad lacag qoddo adigoo aan keligaa ahayn, waxaad ku biiri kartaa mining pool – waa kooxo isku biiray si ay lacagta si wadajir ah u qotaan kadibna faa’iidada qaybsadaan.

  • Mining pools badan ayaa kuu ogolaanaya  inaad qoddo lacagta aad dooratay, ha ahaato Bitcoin Gold (BTG) ama Bitcoin Cash (BCH).
  • Laakiin waa muhiim inaad eegto qiimaha adeegga (fees) iyo sida faa’iidada loo qaybsado.

Sida Loo iibsado ama Loo Maalgasho Bitcoin Cash iyo Bitcoin Gold

1. iibsashada Bitcoin Gold (BTG):

iibsashada Bitcoin Gold hadda aad bay u adagtahy , sababtoo ah:

  • Lagama heli karo  centralized exchanges ka caanka ah (sida Coinbase ama Binance).
  • Waxa kaliya ee laga heli karaa waa suuqyo decentralized ah sida Bitfinex iyo HitBTC.
  • Wadamada qaar  looma oggola inay ku ganacsadaan suuqyadan, taasoo sii adkaynaysa helitanka Bitcoin Gold (BTG).

Tusaale: Haddii aad degan tahay Mareykanka ama aad isticmaalayso suuq caalami ah oo xeerar adag leh, ma fududa inaad si toos ah u iibsato Bitcoin Gold.

2. iibsashada Bitcoin Cash (BCH):

Bitcoin Cash waa lacag si fudud looga heli karo  suuqyada digital-ka ah. Waxaad ka iibsan kartaa  suuqyo badan oo caalami ah sida:

  • Coinbase
  • BinanceUS
  • FTX US
  • Kraken
  • Gemini

Suuq walba wuxuu leeyahay qaab u gaar ah:

  • FTX US: Ku habboon dadka jecel inay si joogto ah u ganacsadaan (sida day trading), maxaa yeelay qiimuhu si dhaqso leh ayuu isku beddelaa.
  • Coinbase: Ku habboon qofka raba inuu lacagta iibsado kadibna ku haysto muddo dheer ama si fudud ugu beddesho lacag kale (convert).

Tusaale: Haddii aad tahay qof cusub oo raba inuu lacag iibsado oo iska haysto, Coinbase ayaa kuu sahlan. Haddii aad tahay qof waayo-arag ah, FTX US ayaa ku siinaysa fursado badan oo ganacsi.

#BitcoinCash#BitcoinGold#CryptocurrencySomali#LacagDigitalah#Mining#BitcoinFork#MaalgashiDigitalah#SomaliCryptoGuide#SomaliBusinessJournal

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top