Somali Business Journal

Waa Maxay Bond (Curar)? Qeexitaan iyo Fahamka Maalgashiga

Waa Maxay Bond (curar) : waa nooc maalgashi Marka aad iibsato bond, micnaheedu waa inaad:

dayn siisay dowlad ama shirkad, Waxay kaa dhigaysaa dayn -bixiye (lender), shirkadda ama dowladdu na waa amaah-qaate (borrower).

  1. In lagu  siiyo dulsaar (interest) — taasoo ah lacag dheeri 
  2. In laguu sooceliyo  lacagtaadii asalka ahayd marka uu dhammaado waqtigii lagu heshiiyay.
Waa Maxay Bond (Curar)?  Qeexitaan iyo Fahamka Maalgashiga

Tusaale:

Haddii aad $1,000 siiso shirkad muddo 5 sano ah, shirkaddu waxay ku siin kartaa 5% dulsaar sanad walba. Taas micnaheedu waa inaad sanad kasta helayso $50. Marka ay 5-tii sano dhammaato, waxaad heli doontaa $250 dulsaar ah iyo $1,000-kii  aad amaahisay. 

Sidee buu Bond ama curar u Shaqeeysaa?

  • Bondhisku waa dayn rasmi ah oo qofku siiyo shirkad ama dawladd.
  • Qofka haysta bond waa dayn-bixiye (ama creditor).
  • Waxaa laga helaa lacag ama dulsaar (interest) waqti kasta (badanaa 6 bilood kasta).
  • Marka waqtiga uu dhammaado (oo loo yaqaano maturity date), qofka bondka haysta wuxuu helayaa lacagtii asalka ahayd ee uu bixiyay.

Yaa Adeegsada Bonds-ka (Curarta)?

  • Dawladuhu – waxay u isticmaalaan dhismaha waddooyin, iskuulo, ama mashaariic horumarineed.
  • Shirkadaha – waxay lacagta u isticmaalaan kobcinta ganacsigooda, iibsashada qalabyo, samaynta cilmi-baaris, ama shaqaaleynsiinta shaqaale cusub.

Astaamaha Muhiimka ah ee curarta :

AstaantaMicnahooda
Face ValueLacagta lagaa amaahday ee laguu  soo celinayo 
Coupon RateHeerka dulsaarka (interest rate) la bixinayo sanad walba (tusaale: 5% ).
Coupon DatesMaalmaha la bixinayo dulsaarka – sida 2 jeer sanadkii ama haljeer.
Maturity DateMaalinta uu dhammaanayo bondka laguuna soo celinayo lacagtaadi  asalka ahayd.
Issue PriceQiimaha asalka ah ee bondka lagu iibinayo  (badanaa $1,000).

Tusaale:

Haddii shirkadi bond soo saarto oo ay ku iibinayso  $1,000, taas ayaa noqonaysa Issue Price. Kadib, qiimuhu  wuu is beddeli karaa 

Noocyada Bonds-ka (Curar) ee Ugu Muhiimsan

Waxaa jira afar nooc oo waaweyn oo bonds ah:

  1. Corporate Bonds (Shirkadaha)
    • Waxaa bixiya shirkado doonaya inay lacag amaahdaan.
    • Halkii ay ka heli lahaayeen dayn bangi, waxay doortaan bond, sababtoo ah dulsaarka bonds-ka  waa ka hooseeyaan mid ka bangiyada .
    • Waa fursad ganacsi – maalgashaduhu wuxuu helaa dulsaar.
  2. Municipal Bonds (Gobollada/Degmooyinka)
    • Waxaa soo saara dawladaha hoose ama gobollada (tusaale: magaalada New York ama banaadir ).
    • Qaar badan oo ka mid ah waxay bixiyaan dulsaar canshuur la’aan ah
  3. Government Bonds (Dowladda Dhexe)
    • Waxaa bixiya dowladda.
      • Haddii uu bond-ku leeyahay hal sano ama ka yar → waxaa la dhahaa Bill
      • Haddii uu yahay 1 ilaa 10 sano → waxaa la dhahaa Note
      • Haddii uu yahay wax ka badan 10 sano → waxaa la dhahaa Bond
    • Dhammaan noocyadaas waxaa si wadajir ah loogu yeeraa Treasuries.
  4. Agency Bonds (Hay’adaha Dawladda la xiriira)
    • Waxaa bixiya hay’ado dawladeed sida Fannie Mae ama Freddie Mac.
    • Waa bonds ay dawladdu dammaanad qaaday ama la xiriira dawlada .

Qiimaha Bond (Curar) iyo Heerka Dulsaarka (Coupon Rate)

Qiimaha bond-ka wuu isbedelaa maalin kasta, wuxuuna ku xiran yahay suuqa (supply and demand). Laakiin hadii aad haysato bond-ka illaa uu ka dhammaado (maturity), waxaad heli doontaa:

  • Lacagtadii asalka ahayd (par value)
  • Dulsaar (interest)

Laakiin: Qiimaha bond-ka wuxuu si toos ah uga soo horjeedaa dulsaarka suuqa:

Marka dulsaarku kordhoQiimaha bond-ka hoos ayuu u dhacaa
Marka dulsaarku hoos u dhacoQiimaha bond-ku kor ayuu ukacaa

Tusaale: Sidee Dulsaarku u Saameeyaa Qiimaha Bond-ka?

Qiyaas inaad haysato bond qiimihiisu yahy $1,000 oo  aad sanad kasta helaysid $100 (taas oo la micno ah dulsaar 10%).

1. Haddii Dulsaarka Suuqu uu yahay 10%

Waxba isma beddelayo.
Dadka suuqa ku jira waxay u arkaan bond-kan mid caadi ah.

2. Haddii Dulsaarka Suuqu uu Hoos u dhaco oo uu noqdo 5%

Bond-yada cusub hadda waxay bixinayaan kaliya $50 sanadkii (5% dulsaar).
Laakiin bond-kaaga wali wuxuu bixinayaa $100 sanadkii (10%).

➡️ Dadka suuqa ku jira waxay jeclaysanayaan bond-kaaga maxaa yeelay wuxuu bixinayaa lacag ka badan bond-yada cusub.
➡️ Markaa qiimaha bond-kaagu waxa uu bilaabaya inuu qaali noqdo 

3. Haddii Dulsaarka Suuqu uu Kaco oo uu noqdo 15%

Bond-yada cusub hadda waxay bixinayaan $150 sanadkii (15%).

Laakiin bond-kaagu wali wuxuu bixinayaa $100 sanadkii (10%).

➡️ Dadku dan kama laha bond-kaaga, waxayna rabaan bond cusub oo bixinaya lacag badan.
➡️ Markaa qiimaha bond-kaagu waxa uu bilaabaya inuu hoos udhaco , sababtoo ah ma bixinayo dulsaar badan sida bond-yada cusub.

Waa Maxay Yield-to-Maturity (YTM) ee Bond (Curar)?

Yield-to-Maturity (YTM) waa tirada guud ee dulsaarka iyo faa’iidada  la filayo inaad kahesho bondka, haddii aad hayso ilaa maalinta uu bond-ku dhammaanayo.

Faham fudud:

Waa sida loo ogaado guud ahaan waxa aad ka faa’iideyso bond-ka haddii aadan haysato ilaa  dhammaadka.

Tusaale:

Qiyaas inaad iibsatay bond $1,000 , oo aad helayso  $100 sanadkii, muddo 5 sano ah, kadibna laguu soo celinayo $1,000-kii asalka ahaa .
YTM wuxuu kuu sheegaya:

  • Guud ahaan dulsaarka  aad helayso sanad kasta,
  • Marka loo eego dhammaan lacagaha aad helayso (dulsaar + lacagta asalka ah),
  • Ilaa maalinta ugu dambeysa.

Maxaa loogu baahan yahay?

  • Waa qaab lagu qiimeeyo bond-yada kala duwan.
  • Waxay kaa caawinaysa inaad doorato bond-ka faa’iidada badan leh.
  • Waxaa lagu xisaabiyaa hab la yiraahdo Internal Rate of Return (IRR).

Waa Maxay Duration – Saamaynta Isbedelka Dulsaarka?

Duration waa cabbir tilmaamaya sida qiimaha bond-ku uga falceliyo marka dulsaarka suuqu uu is beddelo.

Faham fudud:

Haddii dulsaarka suuqu  kor u kaco ama hoos u dhaco, bond-ku ma la jaanqaadi doonaa mise ?
Waa maxay heerka uu qiimuhu isbedeli doono?

Modified Duration:

Tani waxay sheegtaa:

  • Haddii dulsaarka suuqu isbedelo 1%,
    Qiimaha bond-ku wuxuu isbedelayaa xad go’an oo la cabbiri karo.

Maxaa bond ka kadhiga mid aad uga falceliya isbedelka dulsaarka?

  • Muddada bond-ku haddii ay dheer tahay
  • Haddii coupon-ka (dulsaar sanadlaha ah) uu yar yahay

➡️ Markaas bond-kaasi wuxuu aad uga falcelindoona  isbedelka dulsaarka.

Sidee Loo Maalgashadaa Bonds?

Waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo maalshankaro curarta  :

  1. Online Brokers
    • Sida aad saamiyada (stocks)uga iibsato Online Brokers
      ,waxaad sidoo kale bondka  ka iibsan kartaa website-yada ganacsiga online-ka ah.
    • Tusaale: E*TRADE, Fidelity, Vanguard iwm.
  2. TreasuryDirect.gov
    • Haddii aad rabto inaad toos uga iibsato dowladda Maraykanka bonds-keeda sida:
      • Treasury Bonds
      • TIPS (bonds la jaan qaada sicir-bararka)
    • Waxaad si toos ah uga iibsan kartaa website-ka rasmiga ah ee: treasurydirect.gov[1]
  3. ETFs ama Mutual Funds
    • Waxaad si toos ah u iibsan kartaa ETF ama fund maalgelin ku sameeya bonds badan.
    • Tusaale ahaan, halkii aad ka iibsan lahayd bond keliya, waxaad iibsan kartaa fund ka kooban 100 bonds.

 Noocyada Kala Duwan ee Bonds-ka

Bonds-ka suuqa yaalla waxay leeyihiin noocyo kala duwan, iyadoo lagu saleynayo sida dulsaarkoodu u shaqeeyo, in la celin karo  ama la rogi karo (convert) iwm.

1. Zero-Coupon Bonds (Z-Bonds)

  • Ma bixiyaan wax dulsaar ah (coupon) inta lagu guda jiro muddada bond-ku socdo.
  • Waxaa lagu iibiyaa qiimo ka hooseeya qiimaha asalka ah  (face value).
  • Markuu bond-ku dhammaado (matures), bond-holder-ku wuxu  helayaa lacagta oo dhan.
  • Tusaale: U.S. Treasury Bills (T-bills) waa zero-coupon bonds.

2. Convertible Bonds

  • Waa bond leh ikhtiyaar kuu ogolaanaya inaad bonkaaga ku  beddelato  saami, (stock).
  • Haddii  saamiyada shirkaddu  sare u kacaan, bond-holder-ku wuxu ikhtiyar u haystaa inuu u  beddesho  bond-ka   saami si uu uga faa’iideysto qiimaha sare ee saamiyada shirkada .

Tusaale:

Qiyaas inaad haysato bond $1,000 ah.
Shirkadda aad bond-ka ka iibsatay  waxay kuu ogolaanaysaa inaad bond-kaas u bedelato 50 saami (stock).

  • Haddii qiimaha saami kasta uu yahay $30 :
    • 50 saami × $30 = $1,500
    • Markaa, adigoo beddelaya bond-kaaga, waxaad helaysaa faa’iido dhan $500.

3. Callable Bonds ?

Callable bond waa nooc kamid ah  bond-ka  taas oo shirkaddu leedahay ikhtiyaar ay ku ceshan karto bond-ka kahor inta uusan  dhammaan .

Faham fudud:

Shirkaddu waxay kuu sheegaysaa: “Haddii aan doono, waxaan dib  kaaga iibsan karaa bond-kayga, kahor waqtiga dhamaadka .” 

Tusaale:

Qiyaas inaad haysato bond qiimihiisu  yahay $1,000  oo leh faa,iido  $100 sanadkii, muddo 10 sano ah.
5 sano kadib, shirkaddii  waxay dooranaysaa inay kuu celiso $1,000 kii asalka ahaa — 

➡️ Adiga waxaad luminaysaa faa’iidada $100 ee 5-ta sano ee hartay.

Maxaa Keenaya Inay Shirkaddu Kaa Ceshato Bond-ka?

  • Haddii dulsaarka suuqu u hoos u dhaco, shirkaddu waxay rabtaa inay soo saarto bond cusub oo leh dulsaar hooseya.
  • Markaa waxay kaa ceshanaysaa bond-kii hore ee dulsaarka sare lahaa.

➡️ Tani waxay dhib ku tahay bond-holder-ka, sababtoo ah wuxuu luminayaa dulsaar fiican oo uu heli lahaa muddo dheer. 

Kahor inta adan iibsan bond-ka  iska hubi nooca aad iibsanaysid, hadii uu yahay Callable bond- shirkadu xiliga ay rabto ayay dib kaga ceshan karta 

4. Puttable Bonds

  • Bond-holder-ka ayaa leh ikhtiyaarka ah inuu dib ugu celiyo bond-ka shirkadda ka hor waqtiga dhamaadka .
  • Waxa uu leeyahay faa,iidoyin badan  :
    • Dulsaarka Suuqu haduu  kor u kaco.
    • Ama laga cabsi qabo in bond-ka qiimihiisu hoos u dhaco.
  • Bonds-kan waxaa lagu iibsadaa qiimo ka sarreeya bondska caadiga  ah 

maxaa Saameeya Dulsaarka  (Coupon Rate)?

Waxaa jira laba arrimood oo waaweyn oo go’aamiya dulsaar ka bond-ka:

1. Credit Quality (Amaahda lagu kalsoon yahay)

  • Haddii shirkaddu leedahay rating liita, waxaa jira khatar badan oo ah inay daymaha bixin waydo.
  • Sidaas darteed, bond-yadooda waxay bixiyaan dulsaar sare si ay dadka usoo jiitan.

2. Time to Maturity (Muddada bond-ku socdo)

  • Haddii bond-ku uu leeyahay muddo dheer (10+ sano):
    • Waxaa loo baahan yahay in la bixiyo dulsaar sare.
    • Sababtoo ah mudadaas dheer waxa ay keeni kartaa khataro kadhan ah  dulsaarka iyo sicir-bararka.

Sidee Loo Qiimeeyaa Bond (Curar)? (Bond Ratings)

Bond-yada iyo shirkadaha soo saara waa la qiimeeyaa si loo ogaado inay lacagaha dib u bixin karaan iyo in kale. Qiimeyntan waxaa bixiya hay’ado caalami ah sida:

  • Standard & Poor’s (S&P)
  • Moody’s
  • Fitch Ratings

Noocyada Bond Ratings:

  1. Investment Grade (Tayo Sare )
    • Waxaa leh dawladda sida Maraykanka iyo shirkado aad u deggan sida kuwa adeegyada korontada iyo biyaha.
    • Waxaa loo arkaa inay khatartoodu yar tahay oo ay ku habboon yihiin maalgelinta .
  2. High-Yield or Junk Bonds (Dulsaarkoodu Sareeyo)
    • Khatartoodu aad ayay u saraysa, waxayna u badan tahay in aysan bixin karin daymaha.
    • Laakiin si dadku u iibsadaan, waxay bixiyaan dulsaar aad u sareeya si ay u qanciyaan maalgashatada .

#Bond #Curar #Maalgashi #Dulsaar #XisaabMaaliyadeed ##ShirkadoMaalgashi #SuuqaCurarta #SomaliBusinessJournal

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top