Hordhac
New York Stock Exchange (NYSE) waa suuqa saamiyada kaas oo ku yaal magaalada New York, Maraykanka. Waa suuqa saamiyada ugu wayn aduunka marka loo eego qiimaha guud ee shirkadaha ku qoran.[1]
Markii hore, New York Stock Exchange (NYSE) waxa uu ahaa urur gaar loo leeyahay, balse waxa uu noqoday shirkad dadweyne March 8, 2006, kadib markii uu la midoobay suuq elektaroonig ah oo layiraahdo Archipelago.
Sanadkii 2007, NYSE waxa la midoowbay Euronext oo ahayd suuqii saamiyada ee ugu waynaa Yurub. Labadan suuq waxay noqdeen NYSE Euronext, ka dibna waxaa iibsaday Intercontinental Exchange (ICE) NYSE waxay hoostagta (ICE).
Sida uu U Shaqeeyo NYSE
NYSE waxa uu ku yaallaa Wall Street, New York, waxaana loo yaqaan magac kale “Big Board.” Waxaa jira laba dabaq ganacsi oo ay kakooban tahay :
- Mid loogu talagalay iibsiga iyo iibinta saamiyada shirkadaha
- Mid loogu talagalay ikhtiyaaraadka ama (optionska )
Dhismayaasha NYSE ee ku yaalla 18 Broad Street iyo 11 Wall Street waxaa loo aqoonsaday inay yihiin dhaxal-dhaqameed tan iyo 1978.
Saacadaha Shaqada NYSE
NYSE waxay furan tahay Isniin ilaa Jimcaha saacadaha:
🕤 9:30 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo (ET)
Waxay xiran tahay maalmaha fasaxyada Maraykanka sida:
- Haddii fasaxu ku aado Sabti, NYSE waxa uu xirmi kartaa Jimcaha ka horreeya
- Haddii fasaxu ku beegmo Axad, NYSE waxa uu xirmi karaa Isniinta xigta
Taariikhda iyo Astaanta Suuqa Saamiyada New York (NYSE)
Furitaanka iyo Xiritaanka Suuqa – Gambaleelka NYSE
Suuqa NYSE wuxuu furmaa 9:30 subaxnimo (wakhtiga New York) wuxuuna xirmaa 4:00 galabnimo. Marka la furayo iyo marka la xirayo, waxaa la garaacaa gambaleel (bell), taasoo calaamad u ah bilaabashada iyo dhammaadka maalintaas.
Markii hore, gambaleel lama isticmaalijirn . Waxaa la adeegsanjiray ul garsooreed (gavel), ka dibna waxay u beddeleen gambaleel wayn oo lagu magacaabo “gong” dhamaadkii qarnigii 19aad.
Ugu dambayn, sanadkii 1903 ayaa si rasmi ah loo bilaabay isticmaalka gambaleelka ee ilaa maanta la isticmaalo.
Tan iyo 1995, NYSE waxay bilowday in madaxda shirkadaha lagu casuumo si ay u garaacaan gambaleelka — gaar ahaan marka shirkadohoodu ay la yimaadaan badeeco cusub, heshiis ganacsi ama dhacdo muhiim ah. Mararka qaar, dad caan ah sida ciyaartoyda iyo fanaaniinta ayaa sidoo kale lagu casuumaa.
Tusaalooyinka dadkii garaacay gambaleelka:
- Michael Phelps – orodyahankii olombikada
- Snoop Dogg – fannaan ka mid ah fanaaninta ugu caansan Maraykanka
- Ban Ki-moon – Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay
Taariikh Gaaban
- May 17, 1792: 24 ganacsade ayaa saxiixday heshiis lagu magacaabo (Buttonwood Agreement), 68 Wall Street, taas oo ahayd bilowgii rasmiga ahaa ee NYSE.
Waxa lagu bilaabay 5 xisaabood oo ay ku jiraan 3 dayn dowladeed iyo 2 saamiyo bangi ah. - 1824: Shirkadda ugu da’da wayn ee weli ku qoran NYSE waa Consolidated Edison (ED), oo markii hore loo yaqaanay New York Gas Light Company.
- NYSE waxay oggolaan kartaa shirkadaha ajnabiga ah inay iska diiwaan geliyaan suuqa haddii ay buuxiyaan shuruudaha lagu qoro.
Saamaynta Dhaqaale ee NYSE
NYSE waxay leeyahay saamayn toos ah iyo mid dadban oo ku saabsan dhaqaalaha Maraykanka iyo kan caalamka:
- Qiimaha Shirkadaha: NYSE waxay martigelisaa shirkadaha ugu waaweyn sida Coca-Cola, McDonald’s, iyo Walmart.
- Maalgashiga Caalamiga ah: Maalgashadeyaal caalami ah ayaa isticmaala NYSE si ay uga ganacsadaan saamiyada shirkadaha Mareykanka.
- Sumcad Maaliyadeed: In shirkad laga diiwaan geliyo NYSE waxay u dhigantaa sumcad sare oo maaliyadeed.
Dhacdooyin Taariikhi ah
- 1929: Suuqa saamiyada ayaa si xun u burburay (Black Tuesday), taasoo horseeday Masiibadii Dhaqaale (Great Depression)
- 1987: Maalintii madobayd (Black Monday) oo uu DJIA hoos u dhacay ilaa 22.6%
- 2001: NYSE waxay xirnayd afar maalmood sababo laxiriira weeraradii 9/11
- 2020: Dabaqa ganacsiga NYSE ayaa la xidhay markii uu faafay cudurkii COVID-19, waxaana shaqada la wareegay nidaam elektaroonig ah
Waa Kee Suuqa Saamiyada Ugu Da’da Wayn Adduunka?
Suuqa saamiyada ugu da’da wayn adduunka waa Amsterdam Stock Exchange (AEX) ee dalka Netherlands. Waxaa la aasaasay sanadkii 1602 ayadoo ay shirkadda Dutch East India Company u adeegsanaysay inay maalgashi ka hesho dadwaynaha.
Maanta, suuqaas waxaa leh shirkadda Euronext, oo sidoo kale qayb ka ahayd is-bedbedelladii taariikheed ee NYSE.
Isbarbardhig: NYSE vs NASDAQ
In kasta oo labaduba yihiin suuqyada saamiyada ugu waawayn Maraykanka, haddana waxay leeyihiin kala duwanaansho muhiim ah:
- NYSE
- Waa suuqa saamiyada ugu wayn adduunka marka loo eego qiimaha shirkadaha.
- Waxaa ku qoran shirkado badan sida Coca-Cola, Walmart, iyo IBM.
- Waxay leedahay dabaq ganacsi oo wali shaqaynaya.
- NASDAQ
- Waa suuq elektaroonig ah midka ugu wayn, shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa halkaas ku badan.
- Waxaa ku qoran Apple, Microsoft, Amazon, Meta, iyo Tesla.
- Gebi ahaan waa digital, mana laha dabaq jireed ganacsi.
Waa Kee Suuqa Saamiyada Ugu Wayn Adduunka?
Suuqa saamiyada New York (NYSE) waa suuqa ugu wayn adduunka marka la eego qiimaha guud ee shirkadaha halkaas ku jira (market capitalization).
Suuqyada kale ee ku xiga waa:
- NASDAQ (Mareykanka)
- Shanghai Stock Exchange (Shiinaha)
- Euronext (Yurub)
Gunaanad
Suuqa Saamiyada New York (NYSE) waa suuqa saamiyada ugu faca wayn uguna saamaynta badan Mareykanka, sidoo kalena waa kan ugu wayn caalamka marka la eego qiimaha shirkadaha ka diiwaan gashan.
Marka la barbar dhigo suuqyada kale sida NASDAQ, Shanghai, iyo Euronext, NYSE weli waa hoggaamiyaha ugu weyn marka la eego qiimaha guud ee shirkadaha (market capitalization).
Haddii aad rabto falanqeyn dheeraad ah oo ku saabsan suuqa saamiyada caalamka, dhaqaalaha, iyo maalgashiga, booqo Somali Business Journal mar kasta.
#SuuqaSaamiyada #Maalgashi #SaamiyadaShirkadaha #WallStreet #SuuqyadaCaalamka #SomaliBusinessJournal #FalanqaynMaaliyadeed
Pingback: Waa maxay ETFS ? - Somali Business Journal