Somali Business Journal

Lacag Dhaqid iyadoo la Adeegsanayo Crypto: Booliska Hong Kong oo Qabtay 12 Qof

Lacag Dhaqid (Money Laundering) iyada oo la Adeegsanayo Crypto

Booliska Hong Kong ayaa 15-kii May qabtay 12 qof oo lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen shabakad lacag dhaqid (money laundering) ah.

 Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay adeegsanayeen lacag digital ah (crypto) iyo in ka badan 500 xisaabeed oo bangi si ay u dhaqdaan lacag dhan HK$118 milyan ($15 milyan).

Lacag dhaqid (money laundering)

Sidee Ayay Shabakaddu u Shaqaynaysay?

Warbixin laga helay Hong Kong Commercial Daily ayaa sheegtay in shabakaddan ay adeegsanaysay dad kale si ay u furaan xisaabaad bangi. Xisaabaadkaas ayaa lagu shubi jiray lacago sharci darro ah.

Lacagtaas waxaa loo beddeli jiray crypto. Intaa kadib, waxaa lagu diri jiray meelo kala duwan sida dukaamada ku yaalla Hong Kong oo u shaqeeya sida crypto exchange.

Shabakaddu waxay si qarsoodi ah uga shaqayn jirtay guri ku yaalla xaafadda Mong Kok.. Sidoo kale, boolisku waxay sheegeen in lacag dhan $1.2 milyan ay la xiriirtay 58 kiis oo khiyaano ah.[1]

Booliska oo Gacanta ku Dhigay Lacagta

Dadka la qabtay da’doodu waxay u dhaxaysay 20 ilaa 41 sano. Tusaale ahaan, labo ka mid ah ayaa lagu qabtay meel u dhow ATM iyo dukaan crypta kashaqeeya   oo ku yaalla Tsim Sha Tsui.

Boolisku waxay labadooda ka heleen lacag dhan HK$770,000 ($98,540). Intaa kadib, waxay qabteen xubnaha kale ee shabakadda, iyagoo helay caddeymo ay ka mid yihiin:

  • HK$1.05 milyan ($134,370) lacag caddaan ah
  • In ka badan 560 kaarar bangi (ATM cards)
  • Taleefanno badan iyo dukumeenti bangi

Xog xisaabeedyo crypto ah

Sidee Ayay u Fuliyeen Lacag Dhaqidda?

Taliyaha qaybta dambiyada ganacsiga Tse Ka-lun ayaa sheegay in dadka la qabtay ay isticmaali jireen xisaabaad ay leeyihiin saaxiibadood  iyo qaraabadooda si ay lacagaha u dhaqdaan. Habkani wuxuu dhibaato weyn ku yahay nidaamka maaliyadeed, gaar ahaan iyadoo la adeegsanayo crypto si loo daboolo raadadka.

Xog Dheeri ah: Kororka Khiyaanooyinka Hong Kong

Sanadka 2024, Hong Kong waxaa laga diiwaan geliyay koror 12% ah oo ku yimid kiisaska khiyaanooyinka.

Boolisku waxay qabteen in ka badan 10,000 qof oo lagu tuhunsana khiyaano. Ku dhawaad 73% waxay adeegsanayeen xisaabaad been abuur ah iyo magacyo khaldan.

#Khiyaano #HongKong #Shiinaha #Ganacsi #Boolis #LacagDhaqid #Xeerar #Crypto #Amnigalacagaha #Bangiyada

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top