Waa Maxay Freelancing : Sanadkii 2019, in ka badan 57 milyan oo Maraykan ah ayaa ka shaqeynayay habka loo yaqaan freelancer – taasoo ah in qofku iskiis u shaqeysto.
Haddii isbeddelkan uu sidaas ku socdo, waxaa la filayaa in mustaqbalka in ka badan kala bar dadka Maraykanka ah ay noqdaan freelancers. Tani waxay ku qoran tahay daraasad ay samaysay shirkadda Upwork, oo ah madal wayn oo dadku karaadsadaan shaqooyinka freelancer-ka ah.
Qaar ka mid ah dadkaas waxay freelancer u yihiin si buuxda, halka kuwa kalena ay haystaan shaqooyin joogta ah 9 subaxnimo ilaa 5 galabnimo, laakiin ay shaqooyin yar-yar oo dheeraad ah qabtaan waqtigooda firaaqada – taasoo loo yaqaan “side hustle.”
Kororka shaqooyinkan madaxa-bannaan ayaa sababay in la isticmaalo eray cusub oo ah “Gig Economy” – taasoo loola jeedo suuq shaqo oo ku dhisan hawlo yaryar oo qofku iskiis u qabto [1]
sidoo kale, freelancer-ku wuxuu adeeggiisa si toos ugu qabankara macaamiil ka, isagoo aan u baahnayn shirkad dhexdhexaad ah oo mushaharkiisa qayb qaadata .
Tusaale:
Haddii aad ku fiican tahay naqshadaynta ama qorista maqaalo , waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa ganacsiyo u baahan adeegyadaas, una qaban kartaa shaqo kasta adigoo lacagtada u helaya si madax banan oo xor ah .
Noocyada Shaqooyin ee Freelancing-ka
Freelancer-ku wuxuu qaban karaa shaqo kasta oo shirkad u baahan tahay. Qaar ka mid ah shaqooyinka ugu caansan waxaa ka mid ah:
Inkastoo macaamiishu tilmaami karaan waxa ay rabaan, freelancer-ku wali waa madax-bannaan yahay ma aha shaqaale rasmi ah. Tani waxay kuu oggolaanaysaa inaad adigu go’aansato:
Habka aad shaqada u qabanayso
Jadwalka aad raacaysid
Qalabka aad adeegsanaysid
Fiiro Gaar ah: Haddii natiijada ad soo sartay aysan ku qancin macaamiishu, waxaa dhici karta inay ka noqdaan heshiiski ay kula galeen ama aanay mar kale shaqo kuu dirsan .
4. Adiga Ayaa Qiimahaaga go,ansanaya
Freelancer ahaan, adiga ayaa go’aansan kara qiimahaga shaqadaada.
U sheegto si edeb leh macaamiisha aan wanaagsanayn in aadan rabin inaad la shaqeyso mar kale
Tusaale:
Haddii macmiil hore uu ku dhibay ama uu si xun kuula dhaqmay, waxaad si xirfad leh ugu sheegi kartaa inaadan diyaar u ahayn inaad mar kale la shaqayso.
Noloshaada iyo Shaqadaada Waxaad Ka Dhigi karta mid Isu-dheelitiran
Freelancing-ku wuxuu kuu oggolaanayaa inaad adigu go’aansato:
Nooca shaqada aad qabanayso
Goorta aad shaqaynayso
Cidda aad la shaqaynayso
Iyo lacagta aad ku shaqaynayso
Tani waxay kuu horseedi kartaa xorriyad shaqo, oo noloshaada u gaar ah, iyo isu-dheellitirid wanaagsan oo u dhexeysa shaqada iyo wakhtigaga kale .
Qodobbada Dhibka Leh ee Freelancing-ka
Inkasta oo freelancing-ku leeyahay faa’iidooyin badan, ma aha mid ku habboon qof walba. Waa kuwan qaar ka mid ah caqabadaha laga yaabo inaad la kulanto:
Tusaale: Haddii macmiil ku weydiisto kulan subax hore Talaado 6:00 AM, waad ku khasban tahay inaad kacdo hadduu yahay macmiil muhiim ah.
Sidoo kale, macaamiil ku sugan waddamo kale ayaa laga yaabaa inay shaqeeyaan saacado ka duwan kuwaaga.
Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha Freelancing-ka
Inkastoo freelancing-ku leeyahay faa’iidooyin badan, waxaa jira dhowr caqabadood oo muhiim ah oo ay tahay inaad ka digtoonaato—gaar ahaan marka aad bilowga tahay.
Shaqada Freelancing-ku Mar Walba Majoogto maaha
Mararka qaar, shaqadu way badan tahay, mararka qaarna wax shaqo ah mahelaysid .
Arinkan waxa badana lakulma Freelancers-ka bixiya adeeg halmar laqabto (one-time service), sida naqshadayn ama qorista hal maqaal.
Tusaale: Haddii aad naqshadeeyso boorarka xayaysiinta, waxaad hal mar u naqshadayn kartaa macmiil, kadibna aad sugtaa macmiil kale si aad shaqo cusub u hesho.
Freelancers khibrad leh badanaa waxay la shaqeeyaan macaamiil joogto ah, sida shirkad u baahan laba maqaal todobaad kasta ama naqshadeeye u sameeya muuqaal bil kasta.
Waxaa laga yaabaa inaad leedahay saddex macaamiil oo kala duwan, dhammaantoodna kuu baahan isla toddobaadkaa. Haddii aadan si fiican u qorsheyn wakhtigaga ,shaqaddadu dib ayay u dhici karta,
Haddii aad bil kasta shaqaysato $1,000, waxaa laga yaabaa inaad bixiso in ka badan 15% oo loogu talagalay Medicare iyo Social Security.
Sida Loo Bilaabo Freelancing-ka
Inaad noqoto freelancer waa arrin fudud haddii aad leedahay:
Xirfad
Qorshe
Goob
1. Booqo Goobaha Freelancing-ka
Waxaad shaqooyin ka heli kartaa mareegahan sida:
Upwork.com
Freelancer.com
Tusaale:
Haddii aad awood u leedahay tarjumaad, naqshadayn, ama qorista maqaalada—waxaad shaqooyin si fudud uga heli kartaa goobahan.
Talo Muhiim ah:
Qaar ka mid ah macaamiisha waa dad aad uwanaagsan, halka qaar kalena khiyaano badan yihin .
Had iyo jeer kuwada xiriira gudaha goobta markaas ad isticmaalaysan—ha bixin lacag toos ah, hana oggolaanin in lagaa wareejiyo mareegta markas aad kujirtaan .
Tusaale :
Macmiil ayaa kuu soo qoraya isagoo leh:
“Waan kahelay shaqadada . Fadlan ii soo dir WhatsApp-kaaga ama aan isla markiiba lacag kuugu soo diro PayPal si toos ah.”
Waa inaad ka digtoonaataa.
Ku dheh: “Waan ku faraxsanahay xiisahaaga, laakiin si ammaan ah ayaan uga shaqeeyaa mareegtan , kuma shaqeeyo meel kabaxsan (tusaale: Upwork).