Somali Business Journal

Waa Maxay Bangi Ganacsi (Commercial Bank)? Faa’iidooyinka Ugu Wayn ee Aad Ka Heli Karto

Waa maxay Bangi ganacsi : waa hay’ad maaliyadeed oo bixisa adeegyo lacageed oo loogu talagalay dadka iyo shirkadaha.

Bangiyadu waxay lacag ka sameeyaan iyagoo amaah siiya macaamiisha, kadibna waxay faa’iido u helaan dulsaarka (interest) lagu daro lacagta la amaahiyay[1]

Amaahdaas waxaa ka mid ah:

  • Amaahda guryaha (mortgage)
  • Amaahda gawadhida (auto loan)
  • Amaahda ganacsiga (business loan)
  • Amaahda shaqsiyeed (personal loan)

Lacagta ay dadku dhigtan bangiyada (sida kaydka) ayaa ah tan bangigu u adeegsado inuu dadka dayn amaahiyo:

Tusaale:

Haddii qof bangiga lacag dhigto  $5,000 , bangigu wuxuu lacagtan u adeegsan karaa inuu siiyo qofkale amaah ahaan kadibna dulsaarka uu ka helay qofkaas ayuu faa’ido  ahan  uqaata bangigu .

waa maxay  commercial banking?

Adeegyada Ganacsi ee Bangiyada:

Marka laga hadlayo ganacsiyada, bangiyada ganacsigu waxay siiyaan shirkadaha:

  • Akoonno ganacsi (business accounts)
  • Adeegyo maalgashi
  • Amaahyo ganacsi

Sidoo kale, waxay shirkadaha siiyaan adeegyo ganacsi (merchant services)  taasoo u oggolaaneysa inay lacag elektaroonik ah ka aqbalaan macaamiishooda (sida kaarka bangiga ama mobile-ka).

Teknoolojiyadda Cusub:

Xiliyadi hore haddii aad dooneysay inaad lacag dirto ama hesho, waxay ahayd  inaad tagto bangiga. Laakiin maanta, bangiyada badankood waxay kuu oggolaanayaan inaad adeeg kasta aad heshid adigoo gurigaaga  jooga   adigoo isticmaalaya internet-ka ama app-ka bangiga. Sida :

  • Lacag dirid
  • Lacag dhigasho
  • Bixinta biilasha

Ma sugan tahay lacagta aan bangiga dhigto

Haa. Lacagta aad dhigato bangiga ganacsiga, sida:

  • Akoonka kaydka
  • CD (shahaadooyinka kaydka)

Waxaa si buuxda u damaanad qaaday Hay’adda Caymiska Lacagta ee Dowladda  wadankaaga , wadanksta waa uu leeyahahy haayad uqabilsan shaqadan , tusale maraykanka waxa u u qabilsan hayad layirahdo (FDIC). Waxay  ugu talogashay  damaanad ahan ilaa $250,000 qofkiiba. Taas micnaheedu waa, haddii uu bangigu dumo , wali waxaad heli kartaa lacagtaada illaa xadkaas.

Tusaale kale:

Haddii Maxamed uu leeyahay $10,000 oo ku jirta akoonkiisa kaydka, lacagtaas waxaa si buuxda u damaanad qaaday FDIC, wuxuuna heli karaa markasta haddii uu u baahdo.

1. Bangiyadu lacagta wuxu ka helaa adeegyada ay bixiyaan

Bangiyada ganacsiga waxay lacag ka sameeyaan iyakoo macaamiisha ka qaadaya lacago adeeg (ama service charges). Lacagahas  way  kala duwan yihiin iyadoo la eegayo nooca adeega ama xisaabta.

Tusaalooyin ka mid ah adeegyada lacagaha laga qaado macaamisha :

  • Lacagta dayactirka bil kasta ee xisaabta Tusaale: Haddii aad leedahay xisaab bangi oo aanad si joogto ah u isticmaalin, bangigu wuxuu kaa qaadaya lacag bil walba sida 5 doolar ama kayar  si uu u sii wado adeegtdas  .

Lacagta ugu yar ee xisaabtaada lagu hayn karo

  • Tusaale: Haddii bangigu yiraahdo xisaabtaadu waa in ay ugu yaraan ahaataa $100, laakiin lacagtaadu hoos uga dhacdo, waxa lagaaqadaya ganax

🏦 marka aad isticmaasho lacag an xisaabtaada kujirin (Overdraft Fees)

  • Tusaale: Haddii aad isku daydo inaad ka bixiso $50 xisaabtaada, laakiin lacagta kugu jirta ay tahay $20, waxaad isticmaashay lacag aan xisaabta ku jirin.

Markaas bangigu wuxuu kaa qaadi karaa ganaax (overdraft fee)

  • Lacag aan kugu filnayn (NSF – Non-Sufficient Funds) Tusaale: Haddii aad isku daydo inaad lacag dirto adigoo aan lacag  kugu filan haysan, bangigu wuxuu kuu diri karaa lacag celin (bounced) iyo ganaax dheeraad ah.

Waxaa kale oo jira:

  • Lacagta sanduuqyada kaydka ammaanada (safe deposit box fees)
  • Lacag bixin daahday (late payment fees)

2. Bangiyadu waxay lacag ka helaan dulsaarka daymaha

Marka bangigu lacag amaah ah siiyo qof ama shirkad, wuxuu lacag dheeraad ah (dulsaarka) ka qaataa qofka .

Sidee bay faa’iido ku helaan?

  • Bangigu lacagta uu amaahiyo dadka , badanaa waa lacagta dadka kale bangiga dhigteed (deposits).
  • Bangigu wuxuu dulsaar aad u yar siyaa kuwa lacagta dhigta ,(deposits). Laakiin wuxuu ka qaadaa dulsaar sare kuwa amaahda qaata.

Tusaale:

  • Bangigu wuxuu siinayaa 0.25% dulsaar kuwa lacagta dhigta (lacag dhigasho ).
  • Laakiin wuxuu qaadaa 4.75% dulsaar dadka mortgage-ka amaahda ah qaata.

Farqiga labadaas dulsaar (4.75% – 0.25%) waa 4.5%.

Waa tan bangigu faa’iidada uu helo.

Bangiyada Ganacsiga iyo Daymaha

Inta badan lacagaha bangiyada laga amaahdo waxay ku baxaan sadex meelood oo waaweyn:

  1. Mortgage-ka Guryaha (Residential Mortgages)
    • Waa daynta ugu badan ee bangiyadu bixiyaan.
    • Dadku waxay iibsadaan guryo iyago dayn qaadanaya

Marka qof uu amaah ka qaato bangiga si uu guri u iibsado,

guriga laftiisa ayaa noqda dammaanadda amaahda.

Macnaheedu waa:

Haddii qofku uusan bixin karin lacagta amaahda,

bangigu wuxuu qaadan karaa guriga oo iibin karaa si uu lacagtiisa u helo.

  • Waxaa la bixiyaa inta badan muddo 30 sano ah.
  • Dulsaarku wuxuu noqon karaa mid joogto ah (fixed), mid is-bedbeddela (adjustable), ama mid doorsooma (variable).
  1. Amaahda Gawaarida (Auto Loans)
    • Waxaa lagu iibsadaa baabuur.
    • Baabuurka laftiisa wuxuu noqon karaa dammaanad haddii aan la bixin lacagta.
  2. Kaarka daynta (Credit Cards)
    • Dadku waxay isticmaalaan kaarka daynta si ay wax u iibsadaan iyagoo aan lacag toos ah haysan.
    • Waxaa laga qaadaa dulsaar sare haddii lacagtaas aan lagu bixin waqtigeeda.

Visa iyo Mastercard – Doorkooda

  • Visa iyo Mastercard waa shabakado ama nidaamyo lacagaha lagu kala wareejiyo.
  • Marka qof wax ku iibsado kaarka daynta, lacagta macaamilka (iibsadaha) waxay si toos ah ugu wareegtaa bangiga (tusaale: dukaanka) iyada oo loo marayo nidaamka Visa ama Mastercard.

Muhiimadda Bangiyada Ganacsiga

Bangiyada Ganacsigu Waa Laf-dhabarta Dhaqaalaha

  1. Adeegyo muhiim ah ayay siiyaan shacabka
    • Dadku lacagtooda ayay ku kaydsadan , waxay ka helaan daymo, waxayna lacag u diraan ama ka helaan meelo kale.
  2. Waxay abuuraan lacag iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale (liquidity and capital)
    • Bangigu lacagta ladhigto ayuu dad kale amaah ahan usiiya, taasoo suuqa dhaqaalaha u keenaysa dhaq-dhaqaaq.
  3. Waxay ka qayb qaataan kororka shaqo abuurka, wax soo saarka iyo isticmaalka
    • Marka bangi dayn bixiyo, dad baa wax dhista ama iibsada, taas oo keenta in la shaqaaleysiiyo dad badan iyo in dhaqaaluhu kobco.

Xeerarka Bangiyada Ganacsiga

Bangiyada ganacsiga waxay si dhow u hoos yimaadaan xeerar adag oo uu dhigo bangiyada dhexe ee waddanka ama gobolka. Tusaale ahaan:

Waa maxay shuruudaha kaydka?

  • Bangiga dhexe wuxuu leeyahay sharci sheegaya in bangiyadu aysan isticmaalin dhammaan lacagta dadka oo dhan . Waa inay qayb yar oo lacagtaas kamid ah kaydsadaan si ay diyaar ugu ahaadaan haddii dadku lacagtooda si degdeg ah u baahdaan.

Farqiga u dhexeeya Bangiyada Ganacsiga iyo Bangiyada Maalgeshiga

1. Waa maxay Bangi Ganacsi?

Bangiyada ganacsiga waa kuwa dadka caadiga ah iyo ganacsiyada yar yar u adeega. Waxay bixiyaan adeegyo ay ka mid yihiin:

  • Xisaabaadka kaydka (savings) iyo hubinta (checking)
  • Kaarka bangiga (bank card )
  • Amaahda (guryaha, gaadiidka, ganacsiga iwm)
  • Lacag diris iyo kaash bixin

Tusaale: Haddii aad rabto inaad xisaab furato,ama  lacag aad dhigato ama aad dayn guri codsato   bangiga aad la macaamilayso waa bangi ganacsi.

2. Waa maxay Bangiyada Maalgeshiga?

Bangiyada maalgeshiga waxay u adeegan  shirkado waaweyn, maalgashadayaal haysta hanti badan, iyo dowlado. Waxay bixiyaan adeegyo sida:

  • Ka caawinta shirkadaha in ay isu biiraan ama midba midka kale iibsato (Mergers & Acquisitions)
  • Ka caawinta shirkad in ay suuqa la timaaddo saamiyo (underwriting)
  • Talobixin ku saabsan maalgelinta
  • Iibinta ama iibsashada saamiyada shirkado waaweyn

Tusaale: Haddii shirkad wayn rabto in ay suuqa sahamiso ama ay la midoowdo shirkad kale, waxay la xiriiraysaa bangi maalgeshi .

4. Taariikhda Kala Soocidda Labada Bangi (USA)

  • Sanadkii 1933, Maraykanku wuxuu sharciyeeyay in bangiyada ganacsiga iyo bangiyada maalgeshiga la kala saaro si loo yareeyo khataraha ,waxaa la yiraahdaa Glass-Steagall Act.
  • Laakiin sanadkii 1999, sharcigaas waa la burburiyay si bangiyada waawayn u sameystaan laba qaybood: ganacsi iyo maalgeshi isku jira (tusaale: JPMorgan Chase).

Tusaalooyin Bangiyo Ganacsi oo Waaweyn (USA)

  1. Chase Bank
    • Waa qaybta bangiyada ganacsiga ee JPMorgan Chase.
    • Fadhigeedu waa New York, lacagaha ay gacanta ku hayso waxay gaarayaan $3.39 trillion (2023).
  2. Bank of America (BAC)
    • Waa bangiga labaad ee ugu wayn Maraykanka.
    • Wuxuu leeyahay $2.54 trillion oo hanti ah iyo malaayiin macaamiil.
  3. Ally Bank
    • Waa bangi online ah oo aan lahayn laamo.
    • Fadhigiisu waa Detroit, hanti diisu waxay gadhaysa : $196 billion (2023).

Bangigagu ma bangi ganacsi baa (Commercial Bank)?

Waxaa suurtagal ah haa!

Bangiyada ganacsiga waa kuwa ugu badan ee dadku maalin walba isticmaalan

Waa bangiyo faa’iido-doon ah :

  • Aqbala lacagaha dadku dhigtaan
  • Bixiyaa amaahda
  • Ilaaliya hantida
  • La shaqeeya dadwaynaha iyo ganacsiyada

Haddii aad xisaab bangi ku leedahay bangi wayn oo caan ah sida Premier Bank , ama Chase Bank (USA), waa bangi ganacsi.

Haddii aad xisaab ku leedahay community bank yar ama credit union (urur dadku wada leeyahay), ma noqon karto bangi ganacsi.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top