Somali Business Journal

Waa Maxay DAPPS ?

Decentralized  apps waa applications madaxbanan oo an cidna maamulin kuwaas  oo kushaqeeya shabakada blockchain  :

  • Applicationska caadiga ah (Facebook, youtube, X/Twitter) waxaa maamula shirkado gaar ah oo leh servero ugooni ah ,
  • dApps ma jirto hal cid ama shirkad oo go’aan ka gaarta ama maamusha. Waxa lagu dhisaa blockchain si ay dadku u isticmaalan una maamulan si siman .[1]
Waa maxay DAPPS?

Tusaalooyinka dAppska:

  • Wallets (boorsooyinka crypto): sida MetaMask.
  • Suuqyada is-waydaarsiga: sida Uniswap ama PancakeSwap.
  • Barnaamij yada bulshada: sida Farcaster ama Lens Protocol.

Sidee dApp u shaqeysaa?

Tusaale:

  • Qof aya wuxuu sameeyaa app u eg Twitter oo (dApp ah).
  • Wuxuu kudhisa appkas shabakada blockchain, appkas waxa uu noqonaya Decentralized Application (dApp)
  • Isticmaaleyaasha oo dhan ayaa isticmaali kara , iyagoo heli kara wax kasta oo loogu talagalay in laga helo dapp-kaas
  • Ma jiro qof awood u leh inuu tirtiro qoraalka qof kale, markii laga reebo qofkii qoray.

Faa’iidooyinka dApps:

  • Maamul la’aan dhexe: Shirkad ama dawlad ma maamusho dappp-ka
  • Ammaan badan: Waxyaabaha kujira si fudud looma tir-tiri karo.
  • Xorriyad: Qof walba wuu geli karaa, mana jiro xadayn rasmi ah.

Farqiga u dhexeeya App-ka La Maamulo (Centralized) iyo App-ka Baahsan (Decentralized – dApp)

1. Centralized App (App-ka La Maamulo):

  • Waxaa leh hal shirkad ama hal qof oo gaar ah.
  • Dhammaan xogta iyo barnaamijku wuxuu ku jiraa serverka shirkadu leedahay , iyada ayaana xakameysa.
  • Isticmaaleyaashu waxay ku xiran yihiin server-ka shirkadda si ay ula falgalaan app-ka.
  • Tusaalooyinka: Facebook, Instagram, WhatsApp—dhammaan waxaa leh shirkado gooni ah.

2. Decentralized App (dApp):

  • Ma laha hal cid oo gooni ah oo maamusha.
  • Wuxuu ku shaqeeyaa blockchain (peer-to-peer).
  • Isticmaaleyaashu waxay si toos ah ula macaamilaan midba midka kale ee uurabo—looma baahna shirkad dhexe.
  • Waxa uu isticmaalaa smart contracts—kuwaas oo si toos ah u fulinaya heshiisyada iyadoo aan la isku hallayn qof kale.
  • Mararka qaar waa bilaash, halka mararka qaarna lagaa rabo fee sida

cryptocurrency.

Maxaa Muhiim ka Dhigaya dApps?

  • Xogta shakhsiga ah oo aad loo adkeeyay.
  • Maamul la’aan: Cid kaliya ma go’aansato sida app-ku u shaqeynayo.
  • Smart contracts: waxay xaqiijiyaan fulinta heshiisyada si toos ah—iyadoo aan qofna lagu kalsoonaanayn.

Kharashka iyo Waxqabadka (Cost and Efficiency)

Maadaama dApps aysan lahayn cid dhexe oo xakameysa, kharashku ma badna, waxqabadkuna waa mid aad usareeya.

Tusaale

, halkii aad ku tiirsanaan lahayd bangi, waxaad heli kartaa xorriyad buuxda oo aad ku maareyso dhaqaalahaaga, taas oo wax wayn ka beddeli karta ganacsigaaga, gaar ahaan sector-ka maaliyadda.

Amniga (Security)

dApps waxay adeegsadaan tiknoolajiyadda blockchain, taasoo xogta ka dhigaysa mid aan la beddeli karin. Xogta waxaa lagu kaydiyaa meel la wadaago oo aan cid gaar ahi maamulin, taasoo ka hor tagtagaysa in xogta la been abuuro ama la xado.

Helitaan Caalami ah (Accessibility)

dApps waxaa isticmaali kara qof walba oo internet haysta , meel kasta oo uu adduunka ka joogo. Tani waxay ka dhigaysaa adeegyada iyo xogta mid la wada heli karo oo u furan,

Hufnaan iyo Daahfurnaan (Transparency)

dApps waxay ku shaqeeyaan blockchain, taasoo la micno ah in xogta lagu kaydiyo meel qofkasta arki karo. Tani waxay abuurtaa kalsooni — qof walbana waa uu  hubin karaa in nidaamku  yahay cadaalad.

Faaiidoyinka dApps-ka

1. Maaliyadda (Financial Services):

Fududeynta iswaydaarsiga lacagta iyo hantida—adigoo aan u baahnayn bangi.

2. Maaraynta Silsiladda Saadka (Supply Chain):

La socodka badeecoyinka laga bilaabo wax soo saarka ilaa xawilaadaha.

3. Aqoonsiga (Identity Verification):

Kaydinta iyo xaqiijinta xogta aqoonsiga si ammaan ah.

4. Guryaha (Real Estate):

Iska iibinta iyo iibsiga guryaha iyadoo la adeegsanayo smart contracts macnaheedu waa wax kasta oo la is dhaafsado si toos ah ayaa loo diiwaangelinayaa.

5. Caafimaadka (Healthcare):

Kaydinta iyo wadaagista xogta caafimaadka—si sahlan oo ammaan ah.

6. Waxbarashada (Education):

Abuuridda barnaamijyo waxbarasho oo online ah, halkaas oo ardayda iyo macallimiintu si toos ah u wada xiriirayan.

7. Baraha Bulshada (Social Media)

Bara bulsho oo xor ah—taas oo an  lahayn shirkad dhexe oo maamusha

  1. Xorriyadda Hadalka (Freedom of Speech):

Baraha bulshada ee decentralized-ka ah waa adag tahay in la xakameeyo ama la tirtiro fariimaha, taasoo u oggolaanaysa dadku inay si xor ah u hadlaan.

Khatartaha dApps-ka (Scams and Risks)

1. Khiyaano la mid ah midda Pyramid/Ponzi:

Qaar ka mid ah barnaamijyada dApps ka waxaa loo adeegsadaa khiyaano, sida:

Marka dadka lacag laga qaaado markaas oo lacagtaa lasiiyo dadkii hore. Mana jiro ganacsi dhab ah, ee waa dad cusub lacagtooda ka qaad oo sii kuwii marhore kusoo biiray

2. Soo sarida lacag cusub oo crypto ah :

Qaar ka mid ah dadka khiyaanada sameeya  waxay sheegaan inay sameynayaan lacag cusub oo(cryptocurrency) ah ama barnaamij cusub, waxa ayna bilaaban inay lacag ka ururiyaaan  wax lacag ah ama coin masameeyan

3. Phishing iyo Website-yo been ah:

Waxaa jira website-yo iyo emailo been ah oo dadka lagu khiyaamo  si ay u bixiyaan xogtooda gaarka ah, sida furayaasha sirta ah (private keys).

4. Malware ama Virus:

Qaar ka mid ah dApps- ka ayaa loo adeegsada in lagu faafiyo barnaamijyo waxyeello leh kuwaas oo xada xogta qofka

Arrimaha Xeerarka ee dApps (Regulatory Considerations)

1. Caqabadda Sharciyeynta dApps:

Marka loo eego in dApps-ku aysan lahayn hal xarun oo dhexe, dowladaha way ku adag tahay inay si toos ah u xakameeyaan. Badanaa sharcigu wuxuu ku saleysan yahay goob gaar ah, balse dApps-ku waa kuwo adduunka oo dhan laga isticmaali karo—taasoo ka dhigeysa mid adag in xeer loo dajiyo .

Dhex dhexaadnimo : (The Emerging Centralization of dApps)

In kasta oo dApps-ka loogu talagalay inay madax-banaanadan  (oo aan qof kaliya xukumin), haddana mararka qaar sharciyada iyo nidaamyada cusub waxay sababaan in dApps-ka ay noqdaan kuwo si dadban loo xakameeyo.

Tusaale: GDPR ee Midowga Yurub (EU)

Sharci la yiraahdo GDPR oo ka jira Midowga Yurub wuxuu ku khasbaa barnaamij kasta oo xogta dadka isticmaala ama ururiya , inuu si taxaddar leh u ilaaliyo xogta dadkas .

Haddii dApp laga isticmaalo Yurub, waa in uu raaco sharciyadan — xitaa haddii ninkii sameeyay dApp-ka uu joogo meel kale oo adduunka ah.

ICP (Internet Computer Protocol):

Bishii December 2023, Midowga Yurub waxay bilaabeen inay isticmaalaan ICP si loo sameeyo dApps- waafaqsan sharciga.

ICP wuxuu leeyahay nidaam gaar ah (nodes), kuwaasoo ay maamusho koox la yiraahdo DAO.

Haddii ICP noqdo dariiqa kaliya ee lagu raaco sharcigaas, markaas dApps-yada madax-bannaan waxay noqon doonan kuwo aan madax banaanayn.

Dhibaatooyinka Sharciyeed ee Token-ka iyo Adeegyada Maaliyadeed

Qaar ka mid ah dApps-ku  waxay sameeyaan ama suuq geeyaan tokens, taas oo la mid noqon karta in lacag laga ururiyo dadweynaha iyadoo aan la haysan oggolaansho sharciyeed (unregistered securities).

dApps-ka bixiya adeegyada maaliyadeed sida:

  • Decentralized Exchanges (DEXs)
  • Amaah (Lending platforms)

Waxaa khasab ku ah  inay raacaan sharciyada Ka-hortagga lacag dhaqidda (Anti-Money Laundering) iyo Aqoonsiga Macaamiilka (Know Your Customer – KYC).

Ilaalinta Isticmaalaha (Consumer Protection)

Xitaa haddii aadan lacag dirin ama aydan is dhaafsan, dApps-ku  waxay khatar u yihiin xogtaada, amnigaaga, iyo gaar ahaantaadaba .

Tusaale:

MetaMask waxay dadka uga  digtaa inay si taxaddar leh u aqbalaan heshiisyada ay saxiixayaan marka ay dApps-ka  la macaamilayaan, maxaa yeelay:

  • waxaad lumin kartaa lacag
  • ama xogtaada waa la jabsan karaa haddii aadan ogeyn waxa aad oggolaatay ama ad saxiixday.

Tusaalooyin caan ah oo dApps ah (Popular dApps):

1. CryptoKitties

– Waa ciyaar ku saleysan blockchain oo kuu ogolaaneysa inaad korsato, koriso, oo aad iibsato bisado digital ah.

– Bisad kasta oo digital ah waa gaar, waxaana lagu kaydiyaa blockchain si loo xaqiijiyo cidda leh

  1. Uniswap

Waa suuq-is-weydaarsi (exchange) oo aan u baahnayn bangi ama cid dhexe.

Waxaad si toos ah ugu ganacsan kartaa boorsadaada (wallet), iyadoo la adeegsanayo smart contracts iyadoo la iswaydaarsanayo tokens.

Su’aalo La Isweydiiyo Badanaa:

▶️ Waa maxay dApp?

dApp waa barnaamij ku dhisan blockchain oo furan (open source) ah, kaasoo la adeegsan karo si loo fuliyo xawilaado ama wax kala iibsasho iyadoo aan loo baahnayn cid dhexe.

dApp-ka ugu caansan?

Barnaamijyada sida MetaMask (wallet-ka crypto), Uniswap (exchange), iyo OpenSea (suuqa NFTs) ayaa ah kuwa ugu caansan.

1 thought on “Waa Maxay DAPPS ?”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top