Blockchain waa nooc cusub oo tiknoolajiyada kamid ah oo aad caan u noqotay dhowrkii sano ee ugu dambeeyay. Dad badan ayaa maqla magaca “Blockchain”, laakiin wali waxaa adag inay fahmaan sida uu u shaqeeyo Blockchain ka .

Blockchain waa hab kombuyuutarro badan iskugu xiran (peer-to-peer) oo wadaaga buug xisaabeed. Buuggan waxaa lagu kaydiyaa dhammaan xawilaadaha (ama isdhaafsiga xogta) si joogto ah oo cid walba ay arki karto [1].
Marka xog cusub timaado, waxa la sameeyaa xirmo xog ah (block). Marka xirmadaas la buuxiyo, si toos ah ayaa loogu xirayaa xirmooyinkii kahoreeyay, waxaana abuurmaya silsilad xiriirinaysa dhammaan xawilaadihi hore iyo kuwa hada taas ayaa la yiraahdaa “blockchain” (silsilad xirmooyin ah).
Tusaale :
Qiyaas in dhowr qof ay wada leeyihiin buug wayn oo furan. Mar kasta oo qof wax qoro, qof walba nuqul buugga kamid ah ayuu haystaa. Haddii midkood isku dayo inuu wax been abuur ah sameeyo, buugga dadka kale haystan ayaa muujinaya in khiyaamo lasameeyay , markaasna waa la ogaanaya .
Blockchain-ka waxa uu qofka u suurtagelinayaa inuu lacag ama xog u diro qof meel kale jooga ama wadan kale jooga iyada oo aan la adeegsan bangi ama cid dhexdhexaada ah . Xitaa haddii labada qof aysan is-aqoon, haddana way is-aamini karan, sababtoo ah nidaamkan Blockchain-ka ah ayaa xaqiijinaya in xogta ay sax ahaato.
Taariikhda Blockchain
Fikradda Blockchain markii ugu horreysay waxaa ka hadlay labo cilmi-baare oo la yiraahdo Stuart Haber iyo W. Scott Stornetta sanadkii 1991. Markaas waxay doonayeen inay abuuraan hab dijitaal ah oo xogta lagu kaydiyo si aan wax looga beddelin, si gaar ahna loogu isticmaalo qorista taariikhda (timestamping).
Laakiin dad badan maanta waxay blockchain ku xasuustaan sanadkii 2008, markaas oo la abuuray lacagta caanka ah ee Bitcoin. Sannadkaas, qof ama koox magacooda la yiraahdo Satoshi Nakamoto ayaa qoray warqad caan ah oo sharxeysa sida Bitcoin u shaqeynayo, iyagoo isticmaalaya fikradda blockchain.
Kadib, sanadkii 2009, Satoshi Nakamoto wuxuu sii daayay koodhka Bitcoin si dadweynuhu u isticmaalaan. Dadkii bilaabay inay isticmaalaan Bitcoin ayaa isla markiiba arkay awoodda blockchain-ka, taasoo keentay in tiknoolajiyaddan ay caan kanoqoto aduunka oodhan.
Tusaale:
Blockchain markii hore laguma talo galin lacagaha oo kaliya. Waxa lagu fikiray in si kasta loo isticmaalo — sida ilaalinta xogaha caafimaadka, diiwaangelinta hantida (sida dhulka iyo guryaha), iyo xitaa kaydinta sharciyada heshiisyada.
Sidee ayuu Blockchain u shaqeeyaa?
Marka blockchain uu qabto macaamil (ama wax kala iibsi ama xog), dhowr talaabo oo muhiim ah ayaa la sameeyaa:
1. Diiwaangelinta Macaamilka:
Marka laba qof wax kala iibsato,ama ay heshiis galaan, ama lacag isdhaafsadaan, xogtaas waa la diiwaangelinayaa.
Xogta la qorayo waxay noqon kartaa:
- Magacyada labada dhinac
- Waxa la is dhafsanayo
- Taariikhda iyo saacadda uu dhacayo heshiska
- Iyo Faahfaahin kale oo muhiim ah
Xogtan cusub waxaa lagu qoraa xirmo cusub oo loo yaqaan block.
Tusaale:
Ayaan ayaa u dirtay Axmed lacag. Macluumaadka diritaanka lacagtaas waxaa loo qoraa sidatan : Ayaan → Axmed, lacag $100, 26 April 2025, 5:00pm.
2. Ansixinta (Hubinta) Macaamilka:
Marka xogta la diiwaangeliyo, lama ogola in si toos ah loo aqbalo ilaa la xaqiijinayo xogta .
Kombuyuutarrada shabakadda ku jira (nodes) waxay isticmaalaan hab loo yaqaan Consensus Mechanism si ay u hubiyaan in macaamilka run yahay.
Dhammaan kombuyuutarradu waxay u codeeyaan ama iska hubiyaan xogta, haddii badankoodu ay oggolaadaan xogtas , markaas kadib macaamilka waa la ansixinayaa.
Tusaale:
Kombuyuutarrada shabakadda ayaa is waydiinaya: “Ayaan ma dhab ayay lacag ugu dirtay Axmed?” Haddii dhammaan ay isku raacaan “Haa”, markaas xogta waa la aqbalaa.
3. isku darista iyo Isku-xirka Xirmooyinka:
Macaamilka la ansixiyay waxa lagu daraa block cusub.
Block-kaan cusub waxaa lagu xiriyaa block-gii hore iyagoo adeegsanaya hash (kood sir ama sumad sir ah).
Block kasta wuxuu hayaa:
- Hash- isaga u gaar ah
- Hash-ka block-kii ka horeeyay Tani waxay abuuraysaa silsilad aan kala go’ lahayn.
Tusaale:
Qiyaas in aad qorayso sheeko oo aad bog walba ku qorto qayb ka mid ah sheekada.
- Bog walba wuxuu leeyahay lambarkiisa (tusaale: Bogga 1, Bogga 2…).
- Bog kasta sidoo kale wuxuu sheegayaa lambarka boggii ka horeeyay.
- Haddii qof isku dayo inuu beddelo bog dhexe, sheekada inteeda kale way khaldamaysaa, waayo xiriirkii boggaga ayaa go’aya.
Sidaas darteed block kasta oo blockchain-ka ku xiran sido kale wuxu kusii xiran yahay block-kii ka horreeyay. Haddii hal block la beddelo, dhammaan kuwa ka dambeeya waa la dareemayaa.
4. La wadaagista Buugga Xisaabeedka:
Marka block cusub lagu daro silsiladda, nuqul cusub oo dhammaan xogta kusabsan ayaa loo diraa dhammaan kombuyuutarrada shabakadda (nodes).
Qof walba oo shabakadda ku jira wuxuu helayaa nuqul cusub oo buugg xisaabeedka ah, kaas oo diiwaan gelinaya dhammaan xawiladaha saxda ah .
Tani waxay ka dhigaysaa nidaamka mid daahfuran oo qof walba si xor ah u hubin karo wixii dhacay.
Faa’iidooyinka iyo Khasaaraha Blockchain
Faa’iidooyinka Blockchain
- Aan la beddeli karin (Immutability): Macluumaadka ku jira blockchain-ka waa mid aan si fudud loo beddeli karin ama looga saari karin, Marka xog cusub lagu daro, waxaa si joogto ah loogu qoraa shabakadda, waxaana adag in si khiyaano ah loo waxyeelleeyo.
Tusaale:
Hadi uu qof kudaro xog cusub blockchain-ka , qofkale ma awoodo xogtaas inuu wax kabadao , taas oo meesha kasaaraysa wax isdabamarin iyo khiyaano
- Hufnaan (Transparency): Shabakadda blockchain waa mid furan oo qof kasta oo ka tirsan shabakadda uu arki karo dhammaan diiwaanada. Xogta si toos ah aya loo helaa waana la hubin karaa, taas oo kor u qaadaysa kalsoonida dadka isticmaala. Tusaale: Haddii aad mar hore isticmaashay nidaamka blockchain-ka, waxaad si fudud u arki kartaa dhammaan xogaha ka dhacay shabakadda dhexdeeda , taas oo kuu ogolaaneysa inaad si hufan u eegto habka shaqo.
- Ammaan (Security): Macaamil kasta waxaa lagu xaqiijiyaa habka Consensus Mechanism waxaana ansixiya xubnaha shabakadda. Tan ayaa ka dhigaysa xogta mid adag ama la beddelo.
Kharashka Blockchain
- Kharashka hirgelinta oo sareeya: In kasta oo blockchain ku uu leeyahay faa’iidooyin badan, hirgelintiisa iyo dayactirkiisu waa kuwo qaali ah. Shirkaduhu waxay ku bixiyaan kharash badan si ay u hirgeliyaan tiknoolajiyadan, gaar ahaan haddii ay rabaan inay balaariyaan adeegsiga.
- Waxqabadka oo gaabis ah (Performance): Blockchainku wuxu u baahan yahay in hawlo badan oo isku xiran la sameeyo, taasoo qaadanaysa waqti dheer. Tusaale ahaan, macaamil kasta waxaa looga baahan yahay in ay ansixiyaan kombuyuutarro badan oo ku xiran shabakadda. Tusaale
- Haddii dad badan ay isticmaalayaan blockchain-ka, waxay qaadan kartaa waqti dheer in macaamil kasta la xaqiijiyo, taasoo ka dhigaysa nidaamkan mid gaabis ah marka la barbardhigo nidaamyada caadiga ah.
- Adkaanta isbedelka xogta: Maaddaama xogta blockchain-ka aan si fudud loo beddeli karin, haddii isbeddel lagu sameeyo xog hore, waa hawl adag oo qaadata waqti iyo kharash badan. Tusaale: Haddii ay jirto qalad xogta ah, in la saxo waxay u baahan tahay habraacyo adag oo laga yaabo inay qaataan waqti badan iyo kharash. Tani waxay adkaynaysaa in si degdeg ah loo saxo khaladaadka.

Noocyada Blockchain
- Public Blockchain: Waa nooca blockchain ee aan xadidnayn, qof kasta oo internetka ku xiran ayaa ka qaybqaadan kara. Tusaale ahaan, Bitcoin waa blockchain dadweyne oo qof kasta uu ka arki karo diiwaanada.
- Private Blockchain: Private Blockchain waxaa maamula hal shirkad ama hay’ad,sido kale xubnaha shabakadda waa kuwo kooban. Tani waxay ka dhigeysaa shabakadda mid gaar loo leeyahay oo kaliya dadka la oggolyahay ay ka qaybqaadan karaan.
- Hybrid Blockchain: Waa isku-darka public iyo private blockchain. Waxaa jira qaybo furan oo dadweynaha ah iyo qaybo gaar ah oo kaliya xubnaha shabakadda ay heli karaan. Tani waxay isku dayeysaa inay isku xirto faa’iidooyinka labada nooc.
- Consortium Blockchain: Waa nooc ay dhowr shirkadood ama hay’adood ka wada shaqeeyaan. Xubnaha shabakadda waxay wadaagaan xuquuqda, sida koox bangiyo ah oo dhisaysa blockchain si ay uga shaqeeyaan isla markaana xakameeyaan.
Blockchain ma ammaan baa?
Blockchain waxay xallisay dhibaatooyin amni oo waaweyn oo ka jiray Web 2.0, sida xatooyada xogta iyo khiyaanada. Teknolojiyaddan waxay bixisaa amni aad u sareeya, inkastoo aysan weli noqon difaac dhammeystiran. Amniga Blockchain-ka wuxuu ku dhisan yahay qodobo muhiim ah : Cryptographic Fingerprint iyo Consensus Mechanism.
1. Cryptographic Fingerprint
Cryptographic Fingerprint: waa habka loo abuuro kood gaar ah oo loo yaqaan Hash.
- Waxaa la adeegsadaa Cryptography si loo sugo in xogta aan la beddeli karin.
- Tusaale: Marka block cusub la abuuro, wuxuu helaa hash gaar ah. Haddii qof isku dayo inuu wax ka beddelo block-gas, hash-ku isna wuu isbedelayaa, taasoo muujinaysa in wax laga beddelay.
- Hash-ku wuxuu la mid yahay sida saxiix gaar ah oo aan la been abuuri karin.
2. Consensus Mechanism (Habka Isku-raaca)
- Consensus Mechanism waa habka dhammaan kombuyuutarada shabakadda (nodes) ay ku heshiiyaan marka la diiwaangelinayo macaamil ka ama (transaction).
- Macnaheedu waa: mid kasta oo node ah wuxuu xaqiijinayaa in xogtu sax tahay ka hor inta aysan ku kaydin blockchain-ka.
- Tusaale: Haddii qof isku dayo inuu been geliyo, wuxuu u baahan yahay inuu ku qanciyo boqolaal kombuyuutar oo kale. Taasina waa mid aad u adag, xitaa waxa la orankara waa mid an macquul ahayn
maxa loo isticmaalaa Blockchain?
Inkastoo Blockchain ay weli tahay tignoolajiyad cusub, haddana waxaa jira meelo badan oo durba loo adeegsanayo. Qaar ka mid ah isticmaalkeeda ugu badan maanta waa:
1. Cryptocurrencies (Lacagaha Dijitalka ah)
- Blockchain waxaa markii hore loo abuuray in lagu taageero samaynta Cryptocurrencies sida Bitcoin.
- Waxaa lagu kaydiyaa xawilaadaha si ammaan ah oo madax-bannaani leh (decentralized).
- Tusaale: Halkii aad isticmaali lahayd bangiyo qaali ah markaad lacag addduunka u dirayso, Bitcoin waxay kuu suurtagelinayaa inaad si degdeg ah oo jaban lacag u dirto aduunka dacalladiisa.
2. Smart Contracts (Qandaraas Caqliyeed)
- Smart contracts waa heshiisyo is-fuliya marka shuruudaha la isku raacay la buuxiyo.
- Blockchain wuxuu xaqiijiyaa in qandaraasyadaasi si ammaan ah oo madax bannaan u shaqeeyaan.
- Tusaale: Barnaamijyada DeFi (Decentralized Finance) waxay adeegsadaan smart contracts si ay u bixiyaan adeegyo maaliyadeed sida amaahda iyo ganacsiga iyada oo aan la marin bangiyada.
3. Tokenization (Beddelidda Hantida Dhabta ah)
- Tokenization waa hab lagu qaabeeyo hanti dhab ah (sida guryo, saamiyo, ama farshaxan) oo loo beddelo token dijital ah oo blockchain-ka lagu diiwaangeliyo.
- Tani waxay ka dhigaysaa hantidaas mid si fudud loo iibsan karo loogana kala ganacsan karo.
4. Digital Identity (Aqoonsi Dijital ah)
- Blockchain waxaa lagu abuuri karaa aqoonsiyo dijital ah oo ammaan ah oo aan si sahal ah loo been abuuri karin.
- Tani waxay muhiimad weyn yeelanaysaa maadaama nolosheena iyo xogteenu ay si joogto ah ugu wareegayaan onlineka .
5. Voting (Codeynta Doorashooyinka)
- Blockchain waxa uu abuuri karaa nidaam codbixin oo madax-bannaan oo aan wax laga beddeli karin.
- Taasi waxay yaraynaysaa tuugada codadka iyo musuqmaasuqa doorashooyinka, waxayna sare u qaadaysaa kalsoonida shacabka.
6. Supply Chain Management (Maareynta Silsiladda Saadka)
- Blockchain waxa uu diiwaangelin karaa dhammaan tallaabooyinka badeeco laga bilaabo warshadda ilaa macaamiisha inta ay kagaadhayso .
- Tusaale: Ganacsato badan waxay adeegsadaan blockchain si ay u muujiyaan xalaalnimada alaabada ama si loo hubiyo halka ay badeecadu ka timid.
Tusaalooyinka Dhab ah ee Blockchainka loo Adeegsado
1. Lacagaha Dijitalka (Digital Currencies)
- Bitcoin iyo Ethereum waa tusaalayaal caalami ah oo lacagaha dijital ah oo ku shaqeeya Blockchain.
2. Adeegyada Caafimaadka (Healthcare)
- Mashruuca Medicalchain wuxuu adeegsanayaa blockchain si loo hagaajiyo kaydinta iyo maaraynta diiwaanada caafimaadka.
- Tani waxay ka caawisaa bukaanada iyo dhakhaatiirtaba inay si ammaan ah u wadaagaan xogta caafimaad.
3. Heshiisyada Guryaha (Real Estate Contracts)
- Barnaamijka Propy wuxuu adeegsadaa blockchain dhanka suuq-geynta iyo iibsashada guryaha.
- Tani waxay yareysaa khiyaanada sidoo kale waxay fududaysay hannaanka iibka iyo kala wareejinta guryaha.
4. Saadka Cunnada (Food Supply Chain)
- Barnaamijka IBM Food Trust wuxuu adeegsadaa blockchain si loo hagaajiyo la socodka saadka cuntada.
- Waxay ka dhigtaa in si fudud loo raadiyo meesha ay cuntadu ka timid, taas oo sare u qaadaysa caafimaadka iyo badbaadada cuntada.
Mustaqbalka Blockchain
- Blockchain wali waa tiknoolajiyad koraysa oo leh suurtogalnimo wanagsan oo lamid ah sida HTML (luuqadda dhisida bogagga internetka) tas oo isbedel wayn ukeentay bilowgii internetka.
- Khubaradu waxa ay aaminsan yihiin in blockchainku uu beddeli doono qaabka aan u ganacsano, u noolnahay, iyo qaabka an u wadaagno xogta.
Caqabadaha jira:
- Qaar ka mid ah fikradaha cusub sida NFTs (tokens aan la taaban karin) dad badan aya wali ku wareersan waxa ay tahay iyo qaabka ay ushaqyaso .
- Sicirka Bitcoin iyo lacagaha kale ee dijitalka ah mararka qaar si aad ah oo degdeg ah ayay isku bedelan.
Fursadaha jira:
- Baahida loo qabo nidaamyo madax-bannaan (decentralized systems) oo ku saleysan blockchainks aya soobadanaya .
- Fursado cusub ayaa ka furmaya dhaqaalaha, farshaxanka, hantida maguurtada ah (real estate), iyo suuqyada maaliyadeed.
Pingback: Qodista lacagaha Dijitalka ah (Crypto Mining) -
Pingback: Lacagha Dijitaalka ah (Cryptocurrency)? - Somali Business Journal