Somali Business Journal

Waa Maxay Tusmada Qiimaha Soosaarayaasha (PPI)?

Tusmada Qiimaha Soosaarayaasha PPI waa cabbir tilmaamaya isbeddelka celceliska qiimaha ay helaan soosaarayaasha badeecoyinka iyo adeegyada ay bixiyaan.

Waa tilmaame lagu cabbiro sicir bararka heerka jumladaha ah , PPI waxaa bil kasta soo saara hay’adda US Bureau of Labor Statistics (BLS) ee Maraykanka.

Sidoo kale, waddan kasta wuxuu leeyahay hay’ad u qaabilsan ururinta xogta dhaqaale, taasoo soo saarta tilmaamahan si loo cabbiro isbeddelka qiimaha heerka jumlada.

Tusmada-Qiimaha-Soosaarayaasha-PPI

Tusmada Qiimaha Soosaarayaasha PPI way ka duwan tahay Consumer Price Index (CPI), kaas oo cabbira isbeddelka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada ay macaamiishu isticmaalan. PPI waxa uu diiradda saaraa qiimaha ay bixiyaan soosaarayaasha (shirkadaha), halka CPI ay diiradda saarto qiimaha ay macaamiishu bixiyaan. [1]

Haddii foorno rooti soo saarta ay isticmaasho bur iyo saliid si ay rooti u sameyso, burkii iyo saliiddiina ay qaaliyoobaan, foornadu waxay kordhin doontaa qiimaha jumlada ee ay rootiga ku iibiso si ay u kabto kharashaadka sare. Qiimaha jumlada ee kor u kacay waa PPI (Producer Price Index), maadaama uu ka tarjumayo qiimaha ay soosaarayaashu helaan.

Markii tafaariiqlaydu (dukaamada) ay rootiga fooronada ka iibsadaan oo ay macaamiisha u sii iibinayaan, iyaguna qiimaha sare ayay u qaadi doonaan si ay faa’iido u helaan.

Qiimaha ay macaamiishu ugu dambayn ku iibsadaan rootiga waa CPI (Consumer Price Index), maadaama uu muujinayo isbeddelka qiimaha ay la kulmaan macaamiishu.

Sida PPI U Shaqeeyo

PPI waxa uu cabbiraa sicir-bararka ama hoos u dhaca qiimaha iyadoo laga eegayo dhinaca soosaarayaasha ama adeegg bixiyeyaasha.

Inkastoo sicir-bararka heerka jumlada iyo kan macaamiisha aysan isla waqtigaas si isku mid ah isku beddeli karin, labaduba waa isku xiran yihiin mudada dheer.

Qiimaha ay soosaarayaashu helaan waxa uu saameyn ku leeyahay qiimaha ay macaamiishu bixiyaan markii ay alaabta ama adeegyada iibsanayaan

Xafiiska BLS wuxuu daabacaa PPI toddobaadka labaad ee bil kasta, kadib marka xog-ururinta bisha ka horreysa ladhameeyo.
Tiro-koobka PPI wuxuu ku saleysan yahay in ka badan 100,000 oo xigasho qiimeed ah, waxaana loo sameeyaa si mutadawacnimo ah.

Waxaana laga helaa in ka badan 25,000 shirkadood iyo soosaarayaal kuwaas oo si nidaamsan loo doortay.

Xogtan waxa ay daboolaysaa dhammaan badeecooyinka la soo saaro gudaha Maraykanka iyo qiyaastii 69% adeegyada la bixiyo.

Hab Xisaabinta PPI

PPI waxa uu ka kooban yahay tiro badan oo tilmaamayaal warshado iyo badeecooyin kala duwan ah.

Culeyska (weighting) laga siinayo badeecada ama adeega waxa uu ku saleysan yahay qiimaha guud ee waxsoosaarka warshadaha kala duwan. Qiimaha badeeco kasta ama adeeg kasta waxa uu saameyn ku leeyahay xisaabinta PPI guud ahaan.

Waxaa kale oo PPI loo adeegsadaa saadaalinta sicir bararka mustaqbalka iyo dejinta qodobada qandaraasyada ganacsiga ee la xiriira qiimaha alaabta muhiimka ah.

PPI waxa ay muhiim u tahay la socodka isbeddelka qiimaha warshadaha kala duwan iyo isbarbardhigga sicirka jumlada iyo tafaariiqda.

Tusaalooyin kusabsan Nolosha Dhabta Ah ,

  • Qiimaha shidaalka marka uu kordho, shirkadaha isticmaala shidaalka sida kuwa gaadiidka iyo warshaduhu waxay kordhiyaan qiimaha adeegyada iyo badeecooyinka.

Tani waxay keen taa in macaamiishu bixiyaan lacag badan

  • Warshadaha Dharka: Haddii qiimaha dharka ee warshaduhu sare u kaco, sababo la xiriira kor u kaca qiimaha suufka ama kharashaadka shaqaalaha.
    Qiimaha dharka ee dukaamada tafaariiqda sidoo kale wuu kordhayaa.
  • Dhismaha iyo Qalabka Guryaha: Haddii qiimaha birta ama alwaaxa sare u kaco, wuxuu saameyn ku yeelan karaa qiimaha dhismaha guryaha.
    Tani waxay keeni kartaa in guryaha la iibsado ay qaali noqdaan.

(PPI) vs. CPI)

Labadan cabbir, PPI (Producer Price Index) iyo CPI (Consumer Price Index), waa tilmaamayaal muhiim ah oo lagu qiimeeyo dhaqaalaha, maadaama ay muujinayaan isbeddelka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada muddo cayiman. Si kastaba ha ahaatee, waxay kala eegaan dhinacyo kala duwan:

  • PPI waxay cabbiraa isbeddelka qiimaha badeecadaha iyo adeegyada xilliga soo-saarista ama ganacsiga koowaad.
  • CPI (Consumer Price Index) wuxuu cabbiraa isbeddelka qiimaha badeecadaha iyo adeegyada ay macaamiishu iibsadaan.
  • Taasi waxay keeni kartaa in qiimaha dharka dukaamada tafaariiqdu ay kordho, taasoo saameyn ku yeelaneysa macaamiisha (CPI).

Sida PPI Loo Soo Bandhigo

Hay’adda Bureau of Labor Statistics (BLS) waxay bishii daabacdaa in ka badan 10,000 tilmaamayaal qiimeed oo kala duwan, kuwaas oo loo kala saaro saddex qeybood:

  1. Heerka Warshadaha (Industry-Level Classification)—Waxa uu eegaa isbeddelka qiimaha warshadaha kala duwan sida warshadaha gaadiidka, cuntada, iyo tamarta.
  2. Kala-soocidda Badeecadaha (Commodity Classification)—Waxa ay eeta qiimaha badeecooyinka iyada oo aan loo eegin warshadda soo saartay. Waxaa jira in ka badan 3,800 tilmaame badeecooyin ah iyo 900 tilmaame adeegyo ah.
  3. Dalabka Koowaad iyo Dalabka Dhexe (Final Demand – Intermediate Demand) waxay cabbiraan qiimaha badeecooyinka iyadoo lagu saleynayo cidda iibsata.
  • Dalabka Koowaad: Badeecado ama adeeg ay iibsadaan macaamiisha sida adiga iyo qoyskaga
  • Dalabka Dhexe: Badeecooyin ay iibsadaan shirkado si ay usii farsameeyan kadibna ay sii iibiyan.

Tusaale Dalabka Dhexe:

Haddii aad soo iibsato bur iyo saliid si aad u sameyso rooti aad dadka kasii iibisid,

Sidee PPI U Saadaalin Karta Sicir-Bararka Mustaqbalka ?

PPI wuxuu cabbiraa qiimaha soosaarayaasha kahor inta aysan badeecaduhu gaarin macaamiisha, waxa uu noqon karaa saadaal hore oo muujinaysa sida qiimaha badeecooyinku u kordhi doonaan mustaqbalka. Sidaas darteed, haddii PPI sare u kacdo, waxaa la filan karaa in CPI isna ay sare u kicidoonto muddo kadib.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top