Somali Business Journal

Hay’adda Lacagta Dunida (IMF)

Hay’adda Lacagta Dunida (IMF) waa urur caalami ah oo ka shaqeeya sidii dhaqaalaha adduunku u korilahaa, lacagtuna u xasilloonan lahayd. Waxa kale oo uu dhiirigeliyaa ganacsiga dalalka dhexdooda kajira, wuxuuna yareeyaa faqriga.[]

Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF waxay samaysay lacag kayd ah oo gaar ah oo la yiraahdo (SDRs) Special Drawing Rights

Lacagtan waxa loo sameeyay inay kaalmayso lacagaha kaydka ah ee dalalka.

waa maxay imf

Fahamka Sanduuqa Lacagta Adduunka

Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF waxay xarunteedu tahay magaalada Washington, D.C. Waxaa ku jira 191 dal oo xubno ka ah. Dal kastaa wuxuu kuleeyahay xubno  ururka, iyadoo ay ku xiran tahay sida dhaqaalihiisu u waynyahay.

Hadafka IMF, sida ku qoran mareegtooda internetka , waa inay caawiyaan dalalka,  inay iska kaashadaan arrimaha lacagta, inay suuqyada maaliyadeed xasillooni ka dhigaan, inay fududeeyaan ganacsiga caalamiga ah, inay kor u qaadaan shaqo abuurka, iyo inay yareeyaan faqriga.

Taariikhda Sanduuqa Lacagta Adduunka

Hay’adda Lacagta Dunida (IMF) waxaa la aasaasay 1945-kii, iyadoo qayb ka ah heshiis la yiraahdo “Bretton Woods Agreement“.

Heshiiskaas wuxuu ujeedkiisu ahaa inuu dhiirigeliyo iskaashiga maaliyadeed ee caalamka , Xilligaas, dollarka Mareykanka wuxuu ku xirnaa dahabka.

Markii hore, haddii dal uusan xubin ka ahayn IMF, ma uu san xubin ka noqon karin Bangiga Adduunka, oo ah hay’ad caawisa dalalka dib-u-dhismaya.

1970-yadii, nidaamkii lacagta ee Bretton Woods wuu burburay. Tan iyo markaas, IMF waxay dhiirigelineysay nidaam cusub oo loo yaqaan “floating exchange rates“, halkaas oo qiimaha lacagaha ay go’aamiyaan suuqyada aduunka .

Hadafka ururka

IMF waxay xooga saarta dhowr arimod oo kala ah , kormeerka dhaqaalaha dalalka, iyo inay ka caawiso  dalalka inay yeeshaan xirfado dhaqaale oo wanaagsan, iyo amaahinta dalalka lacag marka ay dhibaato dhaqaale la kulmaan.

Kormeerka (Surveillance)

IMF waxay uruurisaa xog badan oo ku saabsan dhaqaalaha dalalka, ganacsiga caalamiga ah, iyo dhaqaalaha adduunka guud ahaan. Ururku wuxuu sidoo kale soo saaraa saadaasha dhaqaala si joogto ah heer qaran iyo heer caalamiba. Saadaashan, oo lagu daabaco Warbixinta Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Outlook),

Dhismaha Awoodda (Capacity Building)

IMF waxay siisaa dalalka xubnaha ka ah caawimaad farsamo, tababar, iyo talooyin siyaasadeed iyada oo loo marayo barnaamijyadeeda dhismaha awoodda. Barnaamijyadani waxay ku jiraan tababar ku saabsan ururinta iyo falanqaynta xogta, taas oo gacan ka geysata mashruuca IMF ee kormeerka dhaqaalaha wadamada  iyo kan caalamka .

Amaahinta (Lending)

IMF waxay amaahisaa lacag dalalka la kulma dhibaatooyin dhaqaale si looga hortago ama loo yareeyo dhibaatooyinka maaliyadeed. Dal kasta oo xubinta ka ah IMF wuxuu ku leeyahay “quota” oo ah nidaam go’aamiya inta uu xaq u leeyahay inuu amaahdo iyo inta uu ku shubi karo sanduuqa .

Sannadkii 2019, wadarta lacagaha amaah ahaan  oo lehelikaray  waxay ahaayeen 11.4 bilyan SDR (SDR waa lacagta gaarka ah ee IMF isticmaasho). Tani waxay 0.4 bilyan SDR ka badnayd bartilmaameedkii la filayay.

Xaggee ayay  IMF Lacagta ka Heshaa?

IMF waxay lacagteeda ka heshaa lacagaha ay dalalka xubnaha ka ah ku shubaataan sanduuqa . Lacagahan waxay ku salaysan yihiin cabbirka dhaqaalaha dalalka, taasoo ka dhigaysa Mareykanka, oo leh dhaqaalaha ugu weyn adduunka, inuu sidooke yahay kan ugu cod awooda  badan.

Codbixinta (Awoodda Go’aamada)

Golaha Maamulayaasha (Executive Board) ee IMF wuxuu ka kooban yahay 24 kursi,

IMF waxaa go’aamadeeda qaarkood loo baahan yahay 85% oggolaansho ah , halka Mareykanku kaligiis haysto wax ka badan 16.5% codka  Taas macnaheedu waa in Mareykanku leeyahay codka ugu badan, maxaa yeelay wuxuu ku shubtay lacagta ugu badan.

Guddiga Fulinta ee IMF

Guddiga Fulinta waa hay’adda mas’uulka ka ah hawlaha maalinlaha ah ee ururka, wuxuuna hubiyaa in siyaasadaha ururka si habsami leh usocoto .

  • Qaab-dhismeedka: Guddigu wuxuu ka kooban yahay 24 xoghaye fulineed, kuwaas oo matalaya dalalka xubnaha ka ah.
  • Helitaanka Kursi: Dal walba si toos ah kama helo kursi Guddiga Fulinta. Halkii laga siin lahaa kursi gaar ah, wuxuu helayaa xuquuq codbixin oo ku xiran saamiga uu ku leeyahay dhaqaalaha.
  • Kuraas Joogto ah: Wadamada dhaqaalehoodu aad u weyn yahay sida Mareykanka, Shiinaha, UK waxay si toos ah u helaan kuraas joogto ah.
  • Kuraas Wadaag ah: Dalalka kale waxay isla wadaagaan kuraasta soo hartay , taasoo la micno ah in hal kursi uu matali karo dhowr dal. xubnaha aan joogtada ahayn waxay xilka hayaan 3 sano, halka kuwa joogtada a hi aysan lahayn xaddidaad waqtiyeed.

Sidaas darteed, in kasta oo dal kastaa xubin ka noqon karo IMF, ma aha dal kastaa inuu si toos ah kursi uga helikaro  Guddiga Fulinta. Awoodda iyo saameynta dalalka waxay ku xirantahay  cabbirka dhaqaalahooda

Quota iyo Awoodda Cod-bixinta ee uruka

IMF waxay awoodda dalalka xubnaha ah ku saleysaa laba arrimood: Quota (Kayd Lacageed) iyo Awoodda Cod-bixinta.

1. Quota (%)

  • Waa lacagta uu waddan ku darsado IMF, taasoo ku saleysan cabbirka dhaqaalihiisa.
  • Quota waxay saameyn ku leedahay:
    • Awoodda cod-bixinta ee waddanka.
    • Xaddiga amaahda uu waddanku IMF ka qaadan karo.

2. Awoodda Cod-bixinta (%)

  • Waddanku wuxuu awood cod-bixin u isticmaalaa si uu go’aamada IMF uga qayb qaato.
  • Waddamada leh quota sare ayaa helaya codad badan, taasoo ka dhigeysa inay saameyn dheeraad ah ku yeeshaan go’aamada.

Waa imisa  Deeqaha IMF?

Deeqaha IMF waxa la siiyaa hay’adaha samafalka ee Washington, D.C., iyo dalalka xubnaha ka ah. Deeqaha waxa loogu talagalay in lagu kobciyo madax-bannaanida dhaqaale iyada oo loo marayo waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha. Celceliska cabbirka deeqda waa $15,000.

Waa Maxay Farqiga u Dhexeeya Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka?

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu inta badan diiradda saaraa xasiloonida nidaamka lacagta caalamiga ah iyo kormeerka lacagaha adduunka. Hadafka Bangiga Adduunka waa in la yareeyo faqriga adduunka  lana xoojiyo dadka dakhligoodu hooseeyo ilaa dhexe.

Fahamka Xuquuqda Gaariga ah ee Lacagta (SDRs)

SDR (waa qalab lacageed macmal ah oo ay isticmaasho Hay’adda Lacagta Adduunka) kuna dhisan isugeynka lacagaha qaran ee muhiimka ah. IMF waxay u adeegsataa SDR xisaabaadkeeda gudaha, waxaana loo qaybiyaa waddamada xubnaha ka ah.

Qaab-dhismeedka SDR waa la dib-u-eegaa shan sano kasta. Qaab-dhismeedka hadda jira, oo lagu salaynayo dib-u-eegistii 2022, wuxuu dhaqan galay Agoosto 2022 wuxuuna u qaybsan yahay sidan

Currency Data
Lacagta Miisaanka (%) Tirada Joogtada ah ee Unugyada (2022-2027)
Doolarka Maraykanka 43.38 0.57813
Yuuro 29.31 0.37379
Yuan Shiinaha 12.28 1.0993
Yen Jabaan 7.59 13.452
Giniga Ingiriiska 7.44 0.080870

Gunaanad:

IMF waa hay’ad muhiim u ah dhaqaalaha dunida. Waxay taageertaa dalalka saboolka ah, waxayna hubisaa in nidaamka lacagaha adduunka uusan burburin. In kasta oo ay jiraan doodo iyo dhaliilo, haddana IMF waxay leedahay door muuqda oo caalami ah.

CTA

Haddaad rabto inaad wax badan ka ogaato IMF, SDR ama siyaasadaha dhaqaalaha caalamka –
➡️ Nagala soco Somali Business Journal si aad ula socoto casharro, warbixino iyo falanqayn maalinle ah oo Soomaali ku qoran.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top